Muqdisho(GNA)-Wararka laga helayo Degmada Baar-dheere Gobolka Jubbadda hoose, ayaa sheegay in Maanta oo Khamiis ah, halkaasi lagu dilay Cumar Shafiiq Xamaami (Al-amiriki), kaasoo dhawaan sheegay inuu ka baxay Ururka Alqaacida iyo faraciisa somaliya ee Al-shabaab.
Sida uu xaqiijiyay Cumar Maxamed Abu-ayaami oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab balse isaga laftiisu dhawaan ka baxay Ururkaasi, Almiriki ayaa ku dhintay weerar saaka aroornimadii hore Maleeshiyo taabacsan Amiirka Al-shabaab Axmed Goddane ku soo qaadeen isaga iyo afar Nin oo kale oo halkaasi dhuumaalaysi ku joogay.
Cumar Abu-ayaami ayaa sheegay in weerarkaasi ay dhinteen Amriki iyo nin kale oo isna Kooxda ka tirsanaa oo haysta dhalasho Ingiriis ah, waxaanu intaasi ku daray inuu dilkooda amray Mukhtaar abu-subeyr hogaamiyaha guud ee Ururka Al-shabaab.
Meesha lagu laayay ayaa 20KM u jirta Degmada, waxaana la sheegay in markii la soo weeraray ay iska caabin kala hortageen Kooxda Dishay, balse markii la dilay ninkii ilaalinayay isagana la khaarajiyay “saaka ayaa xili hore la weeraray isaga iyo afar nin oo la joogay meel ilaa 20KM u jirta Degmada Bar-dheere, waxaana amray dilkiisa Axmed Cabdi Goddane oo doonaya in cidii fkirkiisa ka hor-timaada uu sidan oo kale ka yeelo”ayuu yidhi Cumar Abu-ayaami.
Dilka Al-miriki ayaa la sheegay inuu saameyn ku yeelan doono mustaqbalka Kooxda Al-shabaab, waxaana lagu waramay inay soo waajihi karto kala qaybsanaan dhanka fikirka ah oo kale, isla markaana maleeshiyadii maanta dilkan fulisay laga dareemay inaanay qaarkood ka raali ahayn in la dilo Cumar Al-xamaami, sida uu sheegay Sarkaalkan hore uga goostay Kooxda.
“Dilkiisu saameynbuu ku yeelan karaa Kooxda oo waxa laga yaabaa inay dagaalyahano badani ka fakadaan, waayo Axmed Cabdi Goddane waxaan uu ku kacayaa maaha arin fikirka Al-shabaab loo aasaasay ka turjumaya, horena ragii ay saaxiibada ahaayeen ee uu laayay saameynbay ugu yeelatay”ayuu yidhi.
Cumar Shafiiq Al-xamaami oo ahaa Mawaadin u dhashay dalka Maraykanka, kooxda Alshabaab-na ku soo biiray sanadihii 2006-dii, isla markaana ka mid noqday saraakiisha ugu sar-saraysa ee Ururkaasi oo uu mar u qaabilsanaa waaxda soo dhaweynta Dadka dibadaha kaga soo biira, ayaa todobaadkii hore dhamaadkiisii sheegay inuu soo af-jaray ka mid noqoshadiisii Ururadda Xag-jirka lagu tilmaamo ee Al-shabaab iyo Al-qaacida.
“Waxaan balanqaadayaa inaanan maanta wixii ka dambeeya ka tirsanayn Ururka Al-shabaab iyo Al-qaacida toona oo aan ka baxay, waxaanan ka cabsi qabaa inuu Axmed Cabdi Goddane i dillo”ayuu ku sheegay waraysi uu siiyay Laanta afka somaliga ee Ideecadda VOA-da.
Waxaaanu intaasi ku daray “wuxuu rabaa inuu I dilo waayo wuxuu ogyahay inaanan u hogaansamayn Ururkiisa oo aan diinta Islaamka meelna kaga jirin”ayuu yidhi Cumar Shafiiq al-xamaami.
Waxa kale oo uu ku dooday inaanu wax wadahadal ah la gelayn dawlada Somaliya ama aanu isu dhiibeyn, balse uu fariin u diray saaxiibadiisa kale eek u jira Ururka oo uu u soo jeediyay inay isdaba qabateeyaan, si aanay ugu hodmin hadafka khaldan ee uu ku hogaaminayo Hogaamiyaha Al-shabaab.
Cumar Shafiiq Al-xamaami oo ahaa Mawaadin Maraykan ah, ayaa ka hor intaanu dhiman maanta waxa uu dhawaan qoray Qoraal ka waramaya Xusuus qorkiisa, qoraalkaasoo ka koobnaa in ka badan 100 Bog, waxa uu kaga waramay waayihii nololeed ee uu soo maray, waxaanu ku sheegay inuu mar uun jeclaa inuu la kulmo Aabihii iyo Caruurtii ay walaalaha ahaayeen, hase ahaatee waxa sheegay inuu ogyahay inaanay taasi suurto galeyn xiligan.
Waxa uu sheegay inuu wali ku jiro marxalad loo aqoonsanyahay Argagixiso, isagoo Iftiimiyay inaanu ahayn qof aaminsan in Diinta Islaamka sifo khaldan loo adeegsado, taasina ka mid tahay sababaha uu uga baxay Ururka Al-shabaab.
Al-amriki, ayaa Gobolka Alabama ee dalka Maraykanka ku dhashay 6-dii Bishii May ee sanadkii 1984, waxaanu ahaa 25 jir Aabihii iyo Hooyadii Diinta Cristen-ka aaminsanyihiin, waxaanu wax ku bartay isla gobolka uu ku dhashay, halkaasoo uu muddo dheer kula noolaa hooyadii iyo Aabihii oo ahaa laba qof oo Diinta kiristanka ku dhegan.
Sanadkii 2005-tii ayuu ka tegay dalka Maraykanka ka dib markii sida uu sheegay ay isfahmi waayeen qoyskooda, waxaanu u guuray waddanka CANADA, oo uu shaqooyin hoose ka shaqaysan jiray, shaqooyinkaasoo ay ka mid ahayd iibinta Caanaha oo uu dadka guryahooda ugu geyn jiray, siiba qoysaska Somaliland ee ay isku magaalada degenaayeen.
Waxaanu halkaasi ku Guursaday Gabadh Somali ah oo noqotay Xaaskiisii koowaad, isagoo mudo yar ka dibna uga soo guuray dalka Masar…
La soco qaybo dambe Taariikhdiisa oo dhamaystiran.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com