Monday, September 2, 2013

SLN: Wasiir Fashilay inuu Saluugsanaa Xilka markii loo magacaabay, hadana Mashaariic Yihdi-diilo ku jirto samaystay


Hargeysa(GNA)-Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa faahfaahin ka bixiyay qorsheyaal uu doonayo inuu ku horumariyo Wasaarada uu joogo, kuwaasoo sida uu sheegay qaarkood bilaha ka hadhsan sanadkan  la dhameystirayo.




Wasiirka ayaa sheegay in mashaariicda ugu waaweyn ee u qorsheysan ay ka mid yihiin Dhisme cusub oo wasaaradda loo dhisayo, qalabka lagu Ilaalinayo Isticmaalka Hawada oo la keenayo iyo isku-xidhka Shirkaddaha Isgaadhsiinta.




“Wasaaradan Boosaha iyo isgaadhsiinta runtii markii la ii magacaabay waan saluugsanaa oo waxaan is lahaa Wasaaradaha muhiimka ah kuma jirto, laakiinse markii aan joogay mudo kooban waxaan arkay inay tahay wasaarada aad iyo aad u qiimo badan oo wax badan ka tari karta dhaqaalaha waddanka, hase ahaatee waxaan u arkaa inay tahay wasaarad ila ahada ujeedooyinkii loo aasasay aan u shaqayn ama aan gaaadhsiisnayn.




Wasaaraddu waxay maamushaa dhamaan shirkaddaha isgaadhsiinta ee waddanka ka jira oo ah kuwo ka horumarsan Wasaaradda, kuwo ka casrisan oo haysta qalab iyo adeeg ka horeeya wasaaradda, shirkadahaasi waa kuwo aad uga fogaaday halka ay runtii Wasaaraddu marayso, markaa waxa ii qorsheysan Inaanu u dhisno meel ay ku shaqayso Wasaaradu  oo u dhow haka ay marayaan shirkadahaasi”ayuu yidhi Maxamed Jaamac Abgaal oo Sabtidii golaha wakiiladda Warbixin ka siiyay shaqada wasaarada Isgaadhsiinta.




Isagoo hadalkiisa sii wata wasiirku wuxuu intaasi ku daray “Inta aanu sanadkani dhamaan waxaanu doonaynaa inaanu dhisno Dhisme balaadhan oo Wasaaraddu leedahay,marka uu sanadku dhamaadana waxaanu doonaynaa inaanu dhismahaasi dhigno qalabkii lagu Ilaalin lahaa shirkaddaha  Isgaadhsiinta ee aanu maamulno,qalabkaasoo aanu doonayno inaanu ku ilaalino Hawadeena, Cashuurta Shirkaduhu isticmaalaan iyo xadiga ay isticmaalaan shirkadduhu hawada, waayo hadii aanay wasaaraddu shirkadaha ay maamulayso la awood ahayn oo aanay qalab haysan ma maamuli karto”.




Maxamed Jaamac Abgaal waxa kale oo uu iftiimiyay isagoo qorsheyaashiisa ka waramaya “Waxa kale oo qorshaha iigu jirta inaan ka shaqeysiiyo Boosihii  iyo isgaadhsiinta dalka, oo dalku boos yeesho, taasoon isleeyahay hadii aynu samayno wax badan bay ka taraysaa aqoonsiga waddanka, oo Wasaaradda arrimaha dibadu hadii ay hesho Boos ay ka dirto waraaqaha ay caalamka u dirayso astaanta qaranku ku taalo ay taasi wax badan ka tari doonto qadiyada Somaliland”.




Qorshaha wasiirka cusub ee Isgaadhsiinta waxa kale oo ka mid ah isku xidhka Isgaadhsiinta dalka, sida uu mudaneyaasha u cadeeyay.




“Waxyaabaha kale ee qorshaha noogu jira waxa ka mid ah inaanu mideyno Shirkaddaha isgaadhsiinta annagoo is-afgarad naga dhexeeya shirkadaha iyo dawladaba ku suurto-gelin doona iyo inaanu ka shaqeyno sidii waddanku furre gaar ah u yeelan lahaa, arimahaana waxaanu u mari doonaa sida u dhigayo Xeerka Isgaadhsiinta dalka ee Goluhu ansixiyay, anigoo isleh hadii arimahani  qabsoomaan dhaqaalaha dalka qayb weyn ayaa wasaaradu ka qaadan doontaa oo cashuur badan ayaa ka soo xeroon doona Cashuuraha Isgaadhsiinta laga qaado”ayuu yidhi.




Maxamed Jaamac Abgaal ayaa Bishii June loo magacaabay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, waxaanay Golaha Wakiiladdu u ansixiyeen Xilka loo magacaabay  sabtidii Doraad.
Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com