(GNA) Waxaa maanta lagu soo gaba gabagabeeyay magaalada St.Petersburg ee dalka Ruushka shirkii 20ka wadan ee dhanka dhaqaalaha dunnida ugu hormarsan xili shirkaasi oo lagaga hadlayey dhaqaalaha ayey si weyn u hadheysay xiisada dalka Siiriya.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo kamid ah hogaamiyayaasha ku sugan shirkaasi ayaa la sheegay inuu xiligan wado olole uu ku doonayo inuu taageero uga helo wadamo kale sidii ay ugu taageeri lahaayeen duulaan dhanka cirka ah oo lagu qaado dowlada Siiriya.
Hogaamiyayaasha Turkiga, Sucuudiga iyo Ingiriiska oo kamid ah madaxda shirka sidoo kale ku sugan ayaa kamid ah wadamada sida weyn ugu taageersan Maraykanka in talaabo militari laga qaado xukuumada Bashaar al Assad ee Siiriya.
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin oo isagu martida loo yahay ayaa sheegay in aaney macquul ahayn in ay wax ka bedalaan go’aankoodii ay uga soo horjeesteen weerar lagu qaado dalka Siiriya oo ay xulafo yihiin, xili dalkaasi Ruushka uu sheegay markabkii 3aad u dirayo xeebaha dalka Siiriya.
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com