Hargeysa(GN)-Warar Iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya sababta ay shirkadda sahaminta Shidaalka ka waday Somaliland ee Genel Enery dalka uga baxday, ka dib markii ay laba maalmood ka hor shaqaaaheeda ka soo rartay Burco, kuwii ajaanibka ahana dibada u dirtay.
Genel Energy, ayaa la sheegay in shaqaalihii ajaanibka ahaa ee ay Somaliland ka rartay ku suganyihiin Magaalada Dubai ee Imaaraadka carabta, halka qalabkii ay ka soo rartay wali yaalo Magaalada Berbera oo la hadal hayo in maalmaha soo socda Markab laa saari doono.
Ma cadda ilaa hada sabab rasmiya oo loo aanaynayo bixitaanka shirkadda, hase ahaatee waxa jira warar laysla dhex marayo oo dhinacyo kala duwan foodda u saaraya talaabada shirkadda, waxaana ugu weyn dhinacyada wax laga saarayo arintan dawlada Ingiriiska oo la sheegayo inay shirkaddan ku amartay inay dhakhso uga soo baxdo.
Waxa kale oo la tibaaxayaa inuu jiro Khilaaf soo kala dhex galay Dawlada iyo Shirkadda, kaasoo salka ku haya lacago ka mid ah dhaqaalihii shirkadda laga qaaday ee loogu talo galay in bulshada loogu sameeyo mashaariic horumarineed oo ay dawladu Jeebka ku shubatay, isla markaana isku fasaxday shacbiga iyo shirkadda.
Waxyaabaha kale ee arintan wax laga saarayo waxa ka mid ah Cabashadii Bulshada oo fogaaday iyo dawlada oo waxba ka qaban wayday.
Arimahan layska dhexmarayo ayaa Bulshada ku abuuray Jahawareer iyo dood ka dhex aloosan oo ariamahan ku saabsan, waxaana meel walba lagu hadal hayaa arintaasi.
Dhinaca kale, warar aan wali soo shaac bixin oo Gobanimonews ka heshay xafiiska shirkadda Genel ee Magaalada Dubai, ayaa sheegaya in maalinta Berri ah madaxda shirkaddu ku dhawaaqayaan sababta ay uga soo baxeen, isla markaana shir jaraa’id ay ku qabanayaan halkaasi.
Faahfaahin dheeraad ah iyo war sugan toona lagama hayo arimaha shirkaddu ku sababaynayso guuritaankeeda, hase ahaatee warku wuxuu intaasi ku darayaa in si weyn loogu dheg taagayo Doodda ka soo bixi doonta, taasoo ah arinta ugu weyn maqalkeeda la wada danaynayo, maadaama oo aan shirkada wax hadal ahi ka soo bixin tan iyo markii ay talaabadan qaaday.
Dhinaca kale, ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo Gobanimonews heshay ayaa sheegaya inay dhawaan wefti ka socda Somaliland oo wasiiro ahi arintan u tegayaan dalka ingiriiska, iyadoo wasiirradaasi ay xubno ka yihiin kuwa hada ku sugan Imaaraadka iyo kuwo maalmaha soo socda ka tegaya Magaalada Hargeysa.
Si weyn waxa loo hadal hayaa inay berri dalka ka dhoofaan xubno wasiiro ah oo dubai kaga biiraya Wasiirka arrimaha dibada iyo Wasiirka Caafimaadka oo halkaasi ku sugan.
Dhinaca kale waxa Maanta Magaalada Berbera ka dhoofay Madaxweyne ku-xigenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, kaasoo u amba-baxay waddanka Imaaraadka isla markaana uga sii gudbaya dhanka Ingiriiska, inkasta oo la sheegay inaanay isku qorshe ahayn weftiga Wasiirrada ah.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sida ay gobanimonews wararka ku heshay isagu arimo gaar ah u tegay UK, waxaase warku intaasi ku darayaa in laga yaabo inuu hawlaha wasiiraddu u socdan door ka qaato.
Dawlada ingiriiska ayaa la sheegay inay cadaadis dheeraad ah ku hayso Somaliland, isla markaana wasiiradan baxayaa culays diblo-maasiyadeed waajahayaan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com