Muqdisho(GNA)-Khasaaraha nololeed ee ka dhashay qaraxyo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdiso ayaa siii kordhaya, waxaana lagu waramayaa in tirada dadka ku dhintay kor u dhaafayaan ilaa 39 qof, sida ay Dad Goob-joogayaal ahi Gobanimonews u sheegeen.
Saddex Qarax oo hal mar wada dhacay, ayaa lagu weeraray dad weyne tiro badan ku sugnaa Barxadda hore ee xaruntii Iskaashatooyinka, taasoo ku taala ka soo horjeedka Hoygii hore ee Hobalada Waaberi (Ex Foyre),halkaasoo ay ku taalo Makhaayad nooca Shaaha lagu cabo ah.
Qaraxyadan, ayaa laba ka mid ah loo adeegsaday Baabuur laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa, halka kalena uu fuliyay Nin Ismaadiimiyay, sida uu sheegay Cali Timo Jilic oo ka mid ahaa dadkii halkaasi ku sugnaa Markii qaraxyadu dhaceen, kaasoo sheegay in Gurigiisu dhawr talaabo u jiray goobta weerarku ka dhacay.
Tirada Dadka ku dhaawacmay qaraxyadan ayaan ilaa hada la hayn tiro sugan, hase ahaatee waxay gaadhayaan ilaa lixdameeyo qof, sida ay Goob-joogayaal iyo Saraakiisha caafimaadka Gobolku sheegayaan.
“Meeshan dhibaato weyn ayaa ka dhacday,waxa lagu xasuuqay dad Masaakiin ah oo waxay galabsadeen aanay jirin, anigu waxaan indhahayga ku arkay dad dhintay oo sodon qof gaadhay, kuwaasoo badankoodu yaalay barxada Gurigayga hortiisa, dhaawucuna intaa wuu ka badanyahay”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Cali Timo-jilic oo Guddoomiye ku-xigeen ka ah Xisbiga Midninada ee somaliya.
Cali ayaa sidoo kale sheegay in waxyeelo ka soo gaadhay Gurigiisa qaraxyadan “aniga Al-xamdulaahi qoyskayga iyo dadkii ku jiray gurayaha aan jaarka nahay way ka badbadeen, laakiinse Gurigii iyo gaadhigiiba way bur-bureen oo wuxuu baabiyay, laakiinse waxba maaha mar hadii nafihii badbadeen”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Kolanyo ka tirsan ciidanka Nabad-sugida somaliya ayaa soo gaadhay goobta qaraxyadu ka dhaceen, waxaanay halkaasi ka fuliyeen hawl-gal balaadhan oo ay ku xaqiijinayaan amaanka, balse waxa la sheegay inay dhibaatooyin iyo argagax ku abuureen dadkii meesha joogay ee ka badbaaday qaraxa “Ciidamo tiro badan ayaa meesha soo gaadhay, waxaanay rideen rasaas ay dadka ku argagax geliyeen, waxaanay baadheen meelihii qaraxu bur-buriyay, oo dadka dhintay qaar laga soo saaray, markaa ciidamada laftooda ayaad moodaa inay la shaqaynayaan waxa cadowga ah dhibta geystay, waayo iyagiibaa dadkii aragagax gelinaya”sidaasina waxa yidhi Goob-jooge kale oo Gobanimonews la hadlay.
Makhaayada weerarka lagu fuliyay ayaa sanadkii hore bishan oo kale, waxa dhacay qarax xoogan oo dhimasho iyo dhaawacba geystay, waxaana qaraxaasi sanadkii hore lagu khaarajiyay laba wariye oo ka tirsanaa Ideecadda radio Muqdisho iyo tiro dad ah oo kale.
Geesta kale, waa weerarkii labaad ee qaraxyo ah ee mudo todoba maalmood gudahood ah laga fuliyay Muqdisho, waxanay ahayd saddex maalin ka hor markii goor habeenimo ah qaraxyo waaweyn oo magaalada gil-gilay lagu qaaday goobo aan ka fogeyn aqalka madaxtooyada somaliya.
weeraradan ayaa ku soo beegmaya xili ay Magaalada Muqdisho ka socdeen shirar waaweyn oo looga hadlayo horumarinta dalka, waxaana ka mid ahaa shirkii Higsiga nidaamka dawladnimo ee dimuquraadiga ah ee ku asteysan xiliga 2016, kaasoo shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.
Ma cadda saameynta ay weeraradan ismiidaaminta ah ee ka soo cusboonaaday muqdisho ku yeelan karaan isbedelada la doonayo in dib u dhis loogu sameeyo dalka, balse waxa taasi saameynteeda lagaga hortegi karaan dawlada oo amaanka Caasimada xil weyn iska saarta.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com