Sunday, September 8, 2013

Max-jarka Indha deero ee Berbera oo lacag ku bixiya sidii biyaha berbera looga haqab tiri lahaa iyo Hooyooyinka danyarta ah oo haraad ugu bakhtiya


Dharaar baa iman doonta dadka burca sheekh iyo laba qaw ay gawaadhidaad dhagax la boobaan!




Marka hore salaan guud marka xigta soo noqod wacan oo wanaagsan waxaan ahay qoraa ka damqada waxyeelada Gobolka saaxil ,hadaba in muda ah ayaan ciidamadayda kala baxay gobolka oo aan islahaa hada waxa uu gaadhay wakhtiguu Is monitar garayn lahaa hase ahaatee waxaan maanta ka hadlayaa dhibta dhabta ee magaalada berbera haystay bilhii ugu danbeeyay waxay la il darantahay Biya la'aan ba an oo xaqiiqa ah oo saamaysay hooyooyinkii berbera ku noolaa oo ay u raacdo xaraarada ba'an ee maalmaha qaar gaadha 45C  ayaa hadana waxaaa ayaamahan qaab ciyaar salseeliya ugu dheel dheelaya maamulaha biyah barbara oo run ahaantii si gaar ah isku waala marka biyaha laga waraysto,ama ay masuuliyiinta ka saraysaa ee heer gobol wax ka waydiiyaan  ,hase ahaatee la xaqiijiyay inuu is waalo sababaha uu ug baqayo inuu xilkiisa ku waayo .




Hadaba waxaa wiigii hore dhacday qisadii ugu foosha xumayd ee aan la iska idha tiri karin oo ah inuu maareeyaha biyaha eng cartan uu ka qaatay laaluush mulkiilah maxjarka inda deero group lacag lagu qiyaasay ($50,000) sababta uu lacagtaa u siiyay ina indha deera waxa weeyi inuu biyaha si toosa ugu sii daayo halka ay hooyooyinkii min ilaa burca sheekh ilaa barwaaaqo ay haraad u dhimanayaan ayaa ah waxa laga xidhooda maanta waxa laga yaaba inuu wiilka indha deero dhalay aanu dareensanayn dhibta ka dhalan karta iyo kacdoonak ka soo socdee ,hadaan dib u xasuusiyo Alla ha u naxariistee aabiihii Indha deero waxa  uu berbera ugu suntana aiyo dalkoo dhan waa misaan aan la qiyasi karin ,waxa uu ahaa gob gobi dhashay oo aad u idheer garad ah shacabkana u daneeya muu sameeyeen maanta inuu ciyaal iyo dumar ku oon tiro barbara ee waxa uu samayn laha riig u gaara shirkada oo biyaha usoo tuura .hase ahaatee waa cadaawad uu uhorsadeey mustafe indhedeero shacabka berbera iyo shirkadiisa Waana habaar ku maqan .




Xaga badhasaabka saaxil isaga waxa igu maqaalaa lacagtii uu maareeyaha biyuhu qaatayt ayuu wax ka siiyay ,sababtoo ah wuu ka qaylin lahaa sidii badhasaabkii ka horeeyay ee orodka badnaa soomlidaana hore hadalka u dhamaysay oo tidhi (waraabaha ciya iyo ka aamusa waxa fiican ka ciya) sabtoo ah waad ka diyaar garawi kartaa intaanu kusoo gaadhin ,waa ta maanta saaxil haysata oo la garan laayahy cida ka badhasaaba gobolka Allaw u door madax damiir leh saaxil




Hadii sidan kusii socoto biy la'aantaa waa la isku far saari doonaa waxana ka masuul noqon doonta dawlada dhex maxaa yelaay maayarka yar ee dadaalka badani wuxuu si degdega oo muwaadinimo ku dheehanthay ugusoo iibiyey mishiino waawayn




By:Eng Abdi kadir Yool




              Uk