HARGEYSA (GNA)-Kulan ay ka qayb qaadanayeen Culimada Caasimada lagagana hadlayay Sidii la isaga baadhi lahaa Cuddurka HIV/AIDS ayaa Khamiistii lagu soo Gabo gabeeyay Hargaysa.
Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Komishanka qaranka ee la dagaalan HIV/AIDS Waxaa sidoo kale lagaga arrinsanayay inaan la faqooqin Xuquuqda dadka la Nool Xanuunkan.Waxa Kulankaas laga soo saaray bayaan bulshadda loogu baaqay in aanay Takoorin Bukaanka qaba Cudurkan iyo Sidii dadweynuhu iskaga baadhi lahaayeen Xanuunkan.
Agaasimaha Fulinta ee Xafiiska Qaran ee Xakamaynta Cudurka AIDS-ka Prof. Cabdi Cali Jaamac oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in culimaddu ay yihiin halbawlayaasha ummadi ka dhaqaaqdo, Qayb weyna ay ka qaadan karaan ka Wacyigelinta Bulshadda ee Cudurka HIV/AIDS. Agaasimahu waxa uu intaas ku daray in Qodobada ka soo baxay Kulankan ee Ku wajahan inaan la Takoorin dadka la Nool Xanuunkan ay wax badan ka tarayso Ilaalinta Xuquuqdooda aasaasiga ah.
Prof. Cabdi Cali Jaamac, waxa kale oo uu sheegay baahida loo qabo in loo baahan yahay diyaar garaw dhab ah oo lagula tacaalo xanuunkan,si bulshadeena looga badbaadiyo Khatartiisa .
Sidoo kale mid ka mid ah dadka ku dhiiraday inay iska hubiyaan xanuunkan iskana baadhaan ayaa sheegay in wakhtigii uu ku sugnaa shaybaadhka ee baadhistiisu socotay ay maskaxdiisa ku soo dhaceen dareemo, khatar galiyey inuu ku kaco oo uu iska daayo shaybaadhka, Isagoo intaas raaciyay inuu markii danbe iska baadhay Xanuunkan Isla markaana uu kalsooni faro badan ku qabo caafimaadkiisa.
Waxaanu Qaybaha kala duwan ee Bulshada ka dalbaday in laga dheeraado Ficilada lagu faqpooqo dadka uu Xanuunkani asiibay oo mar walba u nugul fasiraada laga bixiyo qaabka ay Cudurkan u qaadeen.
Culimadii kulankan ku sugnaa oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay wada shaqayn iyo wacyi galin ku saabsan ka feejignaanta Cudurkan iyo qaabka loola dhaqmayo bukaanada uu ku dhaco inay Samayn doonaan. Culimada Kulankan loo qabtay ayaa ahaa hormadii labaad ee ka qayb gasha Wacyigelinta iyo Xakamaynta Cudurka HIV/AIDS.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dhawaan booqday xarunta Komishankan ayaa balan-qaaday inay sanadka fooda innagu soo haya ee 2014-ka ay Komishankan u qoondeyn doonaan miisaaniyad balaadhan oo ay ku hawl-galaan.
Waxa kale oo uu baaq culus u diray Ganacsatadda iyo dadweynaha oo uu ugu baaqay in la gacan qabto dadka la nool xanuunka HIV/AIDS.
Booqahada Madaxweynaha ee xafiiska SOLNAC,ayaa ka dambeeyay cabasho ka soo yeedhay qaar ka mid ah qoysaska la nool cudurkan oo ka cabanayay cuntooyinkii la siin jiray oo laga jaray lixdii bilood ee ugu dambeeyay, iyagoo dhanka kalena qaar ka mid ahi Gobanimonews u sheegeen inay bil kasta kordhaan dadka laga helo cudurkaasi, kuwaasoo qofka qaadaa loo bilaabo daawo lagula tacaalayo noloshiisa.
Dhawaan ayaanay ahayd markii qaar k mid ah Hooyooyinka ku Agoomoobay cudurka ee uu ragoodii dilay, cabasho la hortageen Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, iyagoo ku dacwoonayay in dayac iyo dar-xumo loo baneeyay, isla markaana dawladu sabab u ahayd in Hay’adihii caawin jiray Cunnadda ka jaraan.
Hay’adda WFP oo ahayd Hay’adaha Kaalmada ugu badan ee raashinka ah dadka ku caawin jiray bil kasta ayaa la sheegay inaanay muddo lix bilood ah Raashin siinin qoysaskaasi, waxaana jira kuwo kale oo iyaguna dhawaan cuntooyin nafaqo leh oo ay qaadan jireen dadkaasi joojiyay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com