Sunday, September 8, 2013

Gabiley: Dawlada hoose oo Hunguri ka Galay Dhaqaalaha ka soo baxa Biyaha, xili Bulshadu saluugsantahay Adeegyada kale ee ay Maamusho


Hargeysa (GNA) -  Golaha deegaanka ee degmada gabilay ayaa kalfadhigoodii sadexaad ee ka dambaysay intii loo doortay maanta u furmay, waxaanay ku soo qaadeen qodobo kala duwan oo uu ugu muhiimsanaayeen  sidii ay ula soo wareegi lahaayeen maamulka biyaha Gabilay oo shirkad madaxbanaan maamusho.




Qorshahan oo uu ka hadlay maayirka Magaalada gabilay Shucayb Maxamed Muuse  ayaa ahaa mid u muuqda inaanu hirgalayn iyadoo dadka qaarkood ku sababeeyeen in golaha deegaanka gabilay ay ku hafteen hawlihii kale ee u yaalay golaha Deegaanka oo Maayir shucayb iyo badi xildhibaanada golaha ay dhex taalo shaki ah inay jiraan xildhibaano doonaya  inay maayarka ka tuuraan kursiga,taasina ay kaliftay in maayar shucayb ku mashquulay iska ilaalinta iyo laaluushka xildhibaanada.




taasoo sabab u noqotay inay meesha ka baxdo adeega iyo waxqabadkii ay u baahnaayeen  shacabka degmada gabilay oo khaatiyaan ka taagnaa murankii iyo khilaafkii golihii hore ee  wakhtigoodu dhamaaday oo ku dhamaysta muran iyo mooshin joogto ah.




Arintan biyaha gabilay ayaa warar xogogaal ahi Warbaahinta usheegeen in ujeedada ka dambaysa Isku dayga maamulida biyaha gabilay tuhun iyo hunguri ka galay maayarka iyo xoghaya dawlada hoose ee gabilay lacagta ka soo xerootada biyahaasi.




hadana markaad eegto kalfadhigan golaha deegaanka gabilay ay ku soo qaadeen biyaha iyo maamuli dooda inay jiraan arimo kale oo u baahnaa inay waajahaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen.




Si kasta oo ay wax noqdaanba, hadii ay suurto gal-noqoto inay hoos yimaadaan maamulka biyaha gabilay golaha deegaanka inay la mid noqon doonaan adeegyadii kale ee arimaha bulshada oo baahi wayni ka jirto, Waxana sida Cadcadeeda u muuqda in aanay haba yaraatee, waxba ka qaban Karin Baahida iyo Horumarinta




 Gobanimonews




Gabiley Office




Email: editor@gobanimonews.com