Hargeysa(GNA)-Laba xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa si weyn u dhaliilay korodhka tirada Golaha wasiiradda ee xukuumadda Somaliland, waxaanay taasi ku tilmaameen arin dhiig-bax ku ah Dhaqaalaha Qaranka iyo qiyamka dawliga ah.
Xildhibaan Mahdi Ibraahim Buubaa oo ka mid ah Mudaneyaasha dhinaca Mucaaridka ugu cad-cad Golaha wakiiladda xiligan, ahna afhayeenka Xisbiga WADDANI iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka mid ah xildhibaanadii Xisbigii UDUB golaha ugu jiray, balse markii uu bur-buray dhinaca Mucaaridka u jan-jeedha, ayaa madaxweynaha ku dhaliilay inuu ka baxay balanqaadkiisii ahaa inuu samayn doono xukuumad tiro yar oo tayo leh, xiligii Ololaha ilaa markii la doortay, waxaanay ku doodeen intaa bedelkeeda Golaha wasiirrada ee xukuumadda iyo Hay’adaha kale ee dawliga ah ee uu magacaabay ku laban-laabmayaan Maamulkii Daahir Rayaale ee lagu dhaliili jiray wasiir u dawleyaasha badan iyo ku-xigeenadda.
Xildhibaan Mahdi Ibraahim Buubaa oo Maanta ansixinta 9 Wasiir o xukuumadda dhawaan ku soo biiray codkiisa kala masuugay, isla markaana qaarkood gacanta diidmo ah kala hortegay, kuwana ka aamusay, mid qudhana aan codkiisa saxda ogolaanshiyaha ah siin, ayaa Gobanimonews u sheegay inuu go’aankan u qaatay si uu umadda u difaaco.
“Wasiiradan la soo magacaabay ee la ansixinayay waxay iila muuqdaan shakhsi ahaan inaan waddanka iyo dadkani u baahanayn oo qaadi Karin ee dano gaar ah iyo Olole beeleed loo soo magacaabayo,waayo waad ogtahay dhaqaalaha waddanka, waad ogtahay in cashuurta Masaakiinta laga qaado mooyaane wax kale oo dhaqaale ahi dalka soo gelin, intiinain lagu mashquuliyo boqolaal wasiir oo beelo lagu raali-gelinayo oo Olole loo isticmaalayo.
markaa waxaan u arkaa inaan loo baahanayn wasiir Kaambeyn looga dan leeyahay ee waxa loo baahanyahay wax-qabad muuqda, kamana muuqato xukuumadda maanta ee Madaxweyne Siilaanyo u soo magacaabay inay waddanka maamusho ee waa mid siyaasadeysan”, markaa xaqbaanu u leenayahay inaanu umadda ka qabano”ayuu yidhi Mudane Buubaa oo gobanimo la hadlay.
Ibraahim Mahdi Buubaa waxa uu sheegay in madaxweyne siilaanyo ku fashilmay dhismaha xukuumaddii uu shacbiga u balanqaaday markii la soo doortay, waxaanu yidhi “Madaxweynaha waxaa looga fadhiyaa inuu keeno Golihiisii tirada yaraa ee tayada badnaa ee uu balan qaaday, meedey xukuumadaad umadda ku lahayd wasiirradeedu 20 kama badnaan karaan, miyaanad ka war hayn inay xukuuamddu lixdan wasiir kor u dhaaftay xageed ku soo wadaa?, waxaanan ugu baaqayaa fadlan naga jooji kuwa kale ee aad soo wado, hadii kuwani xoog nagu dhaafeen”.
Xildhibaanka ayaa ka hadlay kala qaad-qaadista wasaaraha dawlada si badan nidaamkii Rayaale “Wasaaradaha qaarkood waa la aqbali karaa, laakiinse markaad aragto wasaaradii macdanta oo afar look ala qaybiya, ee aad aragto wasaaraddii madaxtooyada oo awalba waxay qabato umaddu isweydiinaysay oo culays kale la sii saaray, waxaan u arkaa inay wax aan la qaadan Karin ay tahay oo umadda dulmi ku ah, waxaanay ka mid tahay arimaha Golaha u yaala ee calaamatu su’aashu saarantahay umadduna ka sugayso inay wax ka qabtaan, oo xukuumadda kula xisaabtamaan”ayuu yidhi.
Geesta kale Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, ayaa waraysi dheer oo uu siiyay Gobanimonews, kaga hadlay tiro badnaanta Golaha Xukuumadda, Cadaalad daro uu sheegay inay bulshadu kala kulanto Masuuliyiin xilalka loo dhiibo iyo saameynta arimahani ku yeelanayaan horumarka dawlada.
“Wasiiradda Warbixintooda iyo C,V-yadoodu fiicnayd , laakiinse waxaan qabaa wasiiradda xukuumadda qaarkood waddanka looga tahriibay oo Cadaalad daro laga tirsanayo oo dhalinyarada tahriibaysaa cadaalad daro ay ku sameeeyeen u tahriibeen, oo wasiirrada xukuumadda qaarkood ayaan ku eedeynayaa cadaalad daro ay sameeyeen oo waddanka looga tegay, waxaana muuqata in sodonka sanadood ee soo socda hadii aan wax laga qaban cadaalad darada waddanka ka jirta ee shaqaalaysiinta, dhalinyaradu dalka ka dhamaanayso”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi raaciyay “mida kale tiradii wasiiraddu xadkay ka baxday, waxaanan u arkaa in madaxweynuhu ku raali gelinayo Beelaha, laakiinse dawladnimada wax yeelo ayay ku tahay, uma waanaagsana, kolayna dalka wax badanbaa ka qabyo ah oo Maanta derejo ciidanbaa la bixinayaa, sharcina looma hayo, dabadeed derejadii inta Jawaano lagu soo qaaday ayuunbaa askartii look ala dhiidhiibay, waxaasna waxaanu doonaynaa inanu sharci samayno mustaqbalka, sida hay’adaha madaxbanaan iyo shuruucda kale ee dalka ka qabyada ah”.
Ugu dambeyn Xildhibaan Tukaale isagoo ka hadlay mawduucan, waxa uu shaaca ka qaaday in Goluhu kula xisaabtami doono dhismaha Hay’adahan aan waxba dalka u qaban, kuwaasoo uu tilmaamay in lagu qiimeyn karo Miisaaniyada ay qaataan iyo baaxada shaqada ay hayaan.
“Miisaaniyda marka naloo keeno Hay’ad walba waxaanu u eegi doonaa baaxada hawlaha ay qabanayso iyo baahideeda, wixii khaldana inaanu meesha ka saarno, lagana doodo ayay noqonaysaa, waayo meelaha qaarkood ayaa buro xoog leh la saarayaa, kuwaana uma ogolaanayno”ayuu sheegay.
Tirada Golaha wasiiradda xukuumadda Somaliland ayaa tiroba afar jeer la kordhiyay, waxaana lagu daray xilal cusub oo aan hore u jirin, halka kuwii uu hore u baabi’iyay madaxweynuhu badankoodii dib loo dhisay.
Waxaana intaasi dheer Baaxadda Hay’adaha Dawliga ah ee xukuumadan la kowsaday oo kor u dhaafaya Nus darsin, kuwaasoo mid walba Miisaaniyad, maamul iyo Shaqaale iyo Guri u gaar ah oo qaarkood loo kireeyay ku jiraan.
Hay’adaha dawlada qaarkood ayaa isugu yimaadaan shaqo qudha, sida Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Komishanka Tiknoolajiyada qaranka iyo Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi baadhista iyo tiknoolajiyada Qaranka, waxaana Xafiiska Tiknoojajiyadu ahaa xiliyadii hore waax ka mid ah wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta.
Sidoo kale waxa jira laba Hay’adood u xilsaaran la dagaalanka Musuqmaasuqa, kuwaasoo kala ah Hanti-dhawrka Guud ee qaranka iyo Hay’ada Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuqmaasuqa, halka ay jiraan afar Komishan iyo laba Wasaaradood kale oo dhamaantood u wada xilsaaran hawlaha Mucaawimooyinka iyo samo-falka.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com