Monday, July 15, 2013

Xog Xiiso Leh: Jawaabtii Faysal ee Dhambaalka Xirsi Ma Aha Ra'iisal-wasaare”Q.2aad


Waxa layaab ah jawaabtii aan emailka kaga helay Faysal markii aan u diray maqaalkii ciwaankiisu ahaa “Hadma Ayaa Dastuurka Somaliland lagu daray Jagada Ra’iisal-wasaaraha ee Xirsi loo magaacabay?”Tolow muxuu yidhi?




 Isaga oo aan hubsan cidda wax weydiinaysaa deegaanka ay ka soo jeedo, haybtiisa iyo wax kale toona ayuu markiiba ii maleeyay inaan ka soo jeedo Bariga Burco oo uu weliba u yidhi “Habarjeclo weeye ninka su’aashaas i weydiinayaa. Faysal ciddii muxaafid noqota ama dhaliisha isaga ma Habarjeclo ayuu u yaqaannaa?. Waa miqyaas laga garan karo garashada uu leeyahay maanka sidaas u fekerayaa.




Guddoomiyeha UCID waxa aan weydiistay fasax ah inaan faafin karo maqaalkan iyo in kale waxaanu igu yidhi “sidaad doonto ka yeel” waana sababta aan u baahiyay sheekada aniga iyo Faysal na dhexmartay. Shakhsi ahaan waxa dhabannahays igu noqotay inuu ku celceliyo cambaaraynta aan qiilka wadannin ee aanu u bandhigay Aasaasaha UCID.




Waa tan farriinta uu Faysal Cali-Waraabe soo qoray ee ila eega “Adeer waad Mahadsantahay ninkani waa Habar Jeclo jaahil ah. Maalin dhawayto ayu iga helay mansoor hotel markka ayu waxaa ku hadalay. Faisal distuurkii ayaad jabisay markad Hersi aad ku sheegtay Raaisa wasare markka ayaan ku idhi Silaanyo aya jabiyey oo Hersi siiyey role PM. 




Markka u iga tagay ayaan waydiyey nin meesha tagna markka ayu igu yidhi waa Habar Jeclo uu dhaqma siidi Mareexaanka. 




Markka adeer sida aad kartid ka yeel. 




 Allah Mahad le” ayuu Faysal ku xidhay jawaabtii uu ii soo diray




 Ku darsada oo anigu ma ihi ninka ay Maansoor isku arkeen ee sidayda ayaan u diiday kelmadaha xajiinta leh ee uu yidhi, waxaanan kula xidhiidhay dhambaal aanu ciwaankiisa internetka uga diray. Amakaag!, waxa aan leeyahay ma aha wax ugub ah eedaymahan gurracan ee Faysal jeedinayaa waana nin ka quustay inuu hoggaamiyo qarankan.




 Guddoomiyeninmadiisa UCID waxa ay laf-jab ku tahay Jamaal Cali Xuseen oo ah murashaxa madaxweyne ee Xisbigaas iyo ku-xigeenkii C/Rashiid Xasan Mataan oo kolba weedhihiisu ka didinayaan taageerayaal mug leh. Dhaliisha Faysal aan jeedinayaa ma aha inuu yahay qof aan dhinacna ku roonayn. Gunaanadka waxa aan ugu baaqayaa siyaasiinta Somaliland iyo cid kasta oo rabta inay duraan qof kale inay iska dhawraan cayda iyo shakhsi-weerarka, hadalkoodana ay gundhig uga dhigaan qodobbo laga garaabi karo.




 




Ugu dambayntii waxa aan Wasiirka Madaxtooyada leeyahay "Taariikhda ayaa xusi doonta sida aad ugu dhabar-adaytay cambaaraynta billaa ujeeddada ah ee ay warbaahinta ku mariyaan dadka aan xilkaska ahayni"




 




Axmed Cabdi Axmed




ayaasiin55@hotmail.com