Monday, July 8, 2013

Taliye C/raxmaan Caato oo Koox hubaysani ku Dishay Muqdisho iyo Nabad-sugida oo Baadhaya






Muqdisho(GNA)-Waxa Caaw lagu Dilay Magaalada Muqdisho Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Nabad-sugida somaliya, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka dawlada.




Rag ku hubaysan Baskooladdo, ayaa la sheegay inay Isgoyska Banaadir ee Muqdisho ku  dileen  C/Raxmaan Caato oo ahaa Taliyihii Ciidanka Nabad Sugida ee Degmada Dharkeenley , sida ay Goob-joogayaal xaqiijiyeen.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Kooxaha hubeesan ee dilay Sargaalkan  ay ka qaateen Bastoolad uu watay, ka dibna ka baxsadeen halkaasi.

waxa la sheegay in Daqiiqado yar kadib markii Dilku dhacay ay  halkaasi soo gaadheen ciidamo katirsan Dowlada oo halkaasi ka qaaday Meydka Sargaalkan,iyagoo hawl-gal baadhis ahna  goobtaasi ka sameeyay.

Ma jiro cid sheegatay dilka ,wax war ahina kama soo bixin Hay’ada amaanka ee dalka, balse waxa jira tuhuno lala xidhiidhanayo in Kooxda alshabaab dilkan fulisay.




Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkan dambe soo hagaagayay, wallow aanu ahayn mid laysku halayn karo oo wali Qaraxyo iyo dilal qorsheysani ka dhacaan.




Gobanimonews




Muqdisho  Office