Hargeysa(GNA)-Waraar isa soo taraya ayaa sheegay in Dawlada somaliya tebtay Sir badan oo ku jirtay Computer nooca gacanta ah oo laga xaday Wasiirka arrimaha dibadda somaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Qabille, kaasoo la sheegay inay ku jireen macluumaad badan oo ay Wasaaraddeedu lahayd.
Xogaha laga helayo sheekadan ayaa ah mid si aad ah looga hadal-hayo gudaha dawlada somaliya, waxana lagu waramayaa inay Computer-kaasi ka xadeen Wasiiradda Dhalinyaro ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradu, kuwaasoo ula soo baxsaday dhinaca Somaliland.
Saraakiil ka tirsan Dawlada somaliya ayaa laga xaqiijiyay jiritaanka in Mishiinkaasi sirtu ku jirtay laga xaday Marwo Foosiya, xogo kale oo Gobanimonews heshayna waxay tibaaxayaan inay hawshaasi fuliyeen dad ay Wasiiradda aad isugu dhawyihiin, kuwaasoo laga soo xigtay inay hayaan Macluumaad fara badan oo ku saabsan xidhiidhka Foosiya eesomaliland iyo Heshiisyo ay dawladeedu gashay oo muhiim ah.
Inkasta oo ay adagtahay sida loo helo sirta noocan oo kale ahi, hadana qaar ka mid ah dadka arintan la socda ayaa ku doodaya inay Foosiya iyo kuwa arintan maleegay ku wada socdaan bixinta sirta dawlada Federaalka Somalia.
Mareegta Warkii24.com oo ka mid ah Warbaahinta somaliya ayaa sheegtay inay saraakiil ku dhadhow Foosiya ka soo xigatay in Computer-kaasi ay ku kaydsanaayeen Heshiisyo iyo Macluumaad kale oo dawladu leedahay, isla markaana ay xadeen Koox dhalinyaro ah oo Wasiirka la shaqaynayay.
Gobanimonews, ayaa baadhaysa jiritaanka warkan, waxaana jira Ilo-wareedyo kala duwan oo aanu ka helayno xaqiijintiisa, iyadoo aanu isku dayi doono inaanu helno Maclmuud fara badan oo sirtan ka mid ah.
Hadii ay dhab noqoto sheekadani waxay noqonaysaa sirtii ugu weyneyd ee laga helo dawlada Xasan Sheikh maxamuud oo muddooyinkan dambe ku hawlanayd hir-gelinta Heshiisyo qabyo ahaa iyo kuwa cusub oo ay la gashay dawlado kala duwan.
Dad badan iyo dawlado tiro ayaa u dheg-taagi doono macluumadka sirtaasi ku duugan hadii la helo, waxaana jira qaar ay muhiimad weyn ugu fadhido oo aad u danaynaya aragtida siyaasadeed dhinaca arrimaha dibada ee dawlada Somaliya.
Dhawaan ayay ahayd markii la helay Qoraal ka dhan ah dawlada Kenya iyo Ciidamadeed ka jooga somaliya oo ka baxday Wasaaradda Khaarajiga somaliya, qoraalkaasoo sida la sheegay si khaldan loogu diray Email aan ku jirin dadkii loogu talo galay oo uu leeyahay Nin Wariye ah.
Qoraalkaasi markii Warbaahintu baahisay, waxa ka dhashay Khilaaf diblo-maasiyadeed oo ka dhex qarxay somaliya iyo Kenya, tanina waxay noqonaysaa Fashilaadii labaad ee ka baxda Xafiiska Raysal-wasaare ku-xigeenka somaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Qabiille.
Gobanimonews
Hargeysa Office