Wednesday, July 10, 2013

Somaliland: Xukuumadda oo Joojisay Isticmaalka Baasaaboorkii Cagaarnaa ee Somaliya,Jidaynaysana ka Federaalka





Hargeysa(GNA)-Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa soo saartay go’aan lagu joojinayo Isticmaalka Baasaaboorkii hore ee somaliya (Green Pasports), kaasoo ay hore u madnuuc dawlada somaliya, balse shacbiga somaliland hore uga biyo diideen maadaama aan la aqoonsanayn Baasaaboorkooda somaliland.



Qoraal ka soo baxay xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada Axmed Cali Faarax, ayaa lagu amray inaanay shirkadaha diyaaraduhu soo qaadi Karin, Tigidhna ka iibin Karin qof sita Baasaaboorkii Cagaarnaa ee somaliya.



Amarka ka soo baxay Wasaaaradda Duulista Hawada oo Tix-raacyay awaamiir ay hore uga soo saareen Isticmaalka Baasaaboorkan Wasaaradda Daakhiliga iyo Laanta socdaalka Somaliland, isla markaana Nuqul ka mid ah ay heshay Mareegta Gobanimonews, ayaa u dhignaa sidan:-



“Mudanayaal aniga oo tixraacaya warqadda sumadeedu tahay WSW/HG/02/14/2013 ee ku taariikhaysan 06/05/2013 kana soo baxday xafiiska taliyaha waaxda socdaalka qaranka laguna soo lifaaqay amarka Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee sumadeedu tahay WAG/XW/369/04/2013 kuna taariikhaysan 07/05/2013 ujeedadeeduna tahay in la dhaqangaliyo go’aankii joojinta Baasboorkii hore ee Soomaaliya (Green Passport) maadaama ay sidoo kale joojisay Dawladda Soomaaliya dalkii lahaa.



Sidaas awgeed, waxaa dhammaantiinba la idin farayaa in laga bilaabo marka warqadan dhaqangelisaan si toos ahaana aad u raacdaan amarka dawliga ah.



Waxaan ku rajo weynahay in aad gacan ku siin doontaan waaxda socdaalka oo shirkadaha ganacsiga dayuuraduhu soo qaadin qof sita Baasboorka la joojiyay kuwa tigidhaduna ayna ka iibin qof sita marka laga reebo dadweynaha Somaliland ee ka shaqeeya dalalka Carabta ee deganaansho (Ciqaamadaha)ugu yaalaan inta aanay badalin Baasboorkaas.



Sidaas iyo wada shaqeyn wanaagsan.



Qoraalka soo baxay Wasaaradda laguma cadayn Baasaaboorka ay dadku isticmaalayaan maadaama la joogo xiligii Xajka loo diyaar-garoobayay, balse waxa lagu sheegay oo qudha joojinta Baasaaboorkii hore.



Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay shirkadaha Diyaaradaha oo la xidhiidha arintan oo si toosa u saamaynaysa Bulshada Reer Somaliland Macluumaadka ay socdaalaan oo boqolkiiba sagaashan u isticmaali jiray arimaha Xajka Baasaaboorkii hore.



Talaabada ay xukuumadda Somaliland qaaday ayaa shacbigeeda ku Khasbaya inay qaataan Baasaaboorka somaliya si ay ugu tagaan dhamaan Wadamada Carabta iyo Sucuudiga oo ay awal hore ku aadi jirin Green Pasports-kii somalida ka dhexeeyay ka hor intii aan la kala goosan.



Gobanimonews



Hargeysa Office