Berbera(GNA)-Weftigii Somaliland ee Turkiga kaga qayb-galay shirkii Wadahadalada ayaa ku soo laabtay dalka, waxaanay ka soo degeen Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera, halkaaso oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Weftigan oo ka kooban todoba xubnood ayaa ka waramay natiijada shirkii Turkiga, waxaanay go’aamadii ka soo baxay ku tilmaameen kuwo Guul u ah Somaliland, isla markaana wax badan ka bedelaya qaabkii hore ee ay somaliya u martay Maamulka Hawadda somaliya.
“Shirkaasi wuxuu ahaa mid guul ku dhamaaday , waxaana go’aamadii ka soo baxay wax ka bedelayaan qaabkii ay somaliya doonaysay inay u maamusho Hawada somaliya iyo Somaliland, waxa la sameeyay guddi farsamo oo labada dhinac ah oo ka shaqaynaya Maamulka duulimaadyada”sidaasi waxa yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland oo xubin ka ah weftiga.
Sidoo kale weftigu waxay sheegeen in sii wadida wada hadaladu qayb ka tahay go’aamada guusha ah ee shirkaasi laga soo saaray.
Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ayaa si adag uga soo horjeeda go’aamada ka soo baxay shirkaasi, gaar ahaan qodobka Wada maamulida Hawada somaliya “go’aamada ka soo baxay shirkaasi waxaanu u aragnaa waxaan anfacayn Madaxbanaanida shacbiga Somaliland, waxaana ayaan daro ah in lagu heshiiyay in Xafiis Muqdisho laga xukumo Hargeysa laga furo, taasi wax aanu aqbalayno shacbiga Somaliland-na u cuntamaya maaha”sidaasi waxa yidhi Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid Axmed Kayse oo maanta la hadlay Telefishanka HORNCABLE.
Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa gaashaanka ku dhuftay natiijada ka soo baxday Wadahadalada Somaliland iyo somaliya , waxaanu ku tilmaamay arin lagu Hungoobaay “Shirkaa waxa ka soo baxay waxaanu u aragnaa waxaan umadda dan u ahayn, mana taageerayno”ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
Xukuumadda Somaliland iyo somaliya ayaa laga sugayaa inay waajahaan qaabka lagu dhaqan gelin karo go’aamadii ka soo baxay shirkii ay wada yeesheen, gaar ahaan dhisidda Guddida farsamo ee ay ku heshiiyeen inay wada maamulaan Hawada.
Hase ahaatee dhinaca Somaliland arintaasi waxay u muuqataa mid shacbiga iyo asxaabta Mucaaridku meel adag ka taaganyihiin oo aanay aqbalayn, taasoo su’aal gelinaysa qaabka ay xukuumaddu ku dhaqan-gelinayso, isla markaana Bulshada uga damaanad qaadayso inaanay arintaasi Sahayan doonin qadiyada Gooni-isutaagooda.
Gobanimonews
Hargeysa Office