Kumanaan Dadwaynaha Somaliland Ahi waxay Aad ula yaaban yihiin xaalada Is bad-badalaya eek u Imanaya Siyaasada geeska gaar ahaana ta Somalida ama Somaliland , si gaara hadan u abaaro masalada aan ka hadlayo manta waa Somaliland oo Qadiyadaheedii ay Sidatay ama aminsanayd aad moodo in wax badani ka diciifeen ama hoos uga dhaceen ,
Sida Ay Qabaan Kumanaan Muwaadin Oo an ka Mid ahay Somaliland Siyaasiyan way u fashilantay ama wa lagaga awood roonaaday Siyaasadii Caalamka ee Ino Dhexaysay Afkaartii Midowga Iyo Gooni Isutaaga ee aynu kala sidanay labadeeni Dowladood ee is hayay ku dhawad Rubuc Qarniga aynu Gooni Isu taagnay ,
Waxan runtii Qaba manta waxa socda maaha wax manta loo baahna inay yimaadan balse qofkasto Somaliland ka naxaya waxan qaba malintay eekayd waynu soo dhafnay , Somaliland waxan qababa inaynu ka noqonay mab-da eeni Gooni isutaaga waliba inaynaan manta iyo Shalay toona ka noqone waxaynu ka noqonay ban qaba malintii Hadh Cad Dastuurka la furay ee la baabiyay wixi Inaka Iyo Somalia Ino Dhexeeyay ee ahayd Inaynaan Nimanka waxbaba wadaagin hadalna Ino Dhaxayn Karin , Malinta labad ee so raacaysay na waxay ahayd malintii aynu Qubnay Kaadhkii Aqoonsiga Muwaadinka Somalilander ka ah ee aynu Doorashadii ku galnay Qaawanaanta ,
Iskuso wada Duubo Anigu Waxan idiin Sheegaya Kaliya waxay tahay In Dalka Ragii Soo Xukumi Jiray ee Hore wixi la doonaba halagu eedeeye ay ahaayeen SIYAASIYIIN u bisil Siyaasada Dunida amaanka wadankoodana ka adag , balse taa badalkeedii Kuwan Hada Wadanka Maamula Shaqsiyan waxan ka aminsanahay GANACSATO aan wax aqoona u lahayn Siyaasada Iyo Qabdhaqankeeda ,
Waxa Jira wax badan oo u dhexeeya Shaqsiga Ganacsiga Kuso barbaaray Iyo Shaqsiyaadka Siyaasada laso koray , Ganacsaduhu wuxu miisaanka Saara siduu u laba jibaari laha Hanti nooc kastuu leeyahay una balaadhin laha meelaha dakhliyaadku kaso galan , sido kale wuxu caan ku yahay soo dhawaysashada Ashqaasta ay ISIRKA wadaagaan isago ka doorbida mid walba midka uga caayilad dhow , Halka Ninka Siyaasiga ahi aanu Inta badan ka fakarin Manfaca balse culayskiisu yahay Magaca Iyo Waxa uu fikriyan ka qabo xaaladaha laso gudboonaada markastana doorbida waxa magaca u dhowraya kana dhaqaaqa dhuuniga iyo korodhsashada dhakhliga teeda kalena Siyaasiga dhabta ahi wuxu caan ku yahay in aan dadku u kala sokayn , oo aanu qofna qof kaga door bidin dhiig iyo dhalasho toona , taa badalkeedana uu raadiyo marba kuu u arko inu la fikirka iyo aragtida yahay , taasina waxay meesha ka saarta arinta Somalidu inta badan hadal hayso ee ah Ninkani Qoys buu dabada ku haya ama meesha u jooga ,
Hadan waxaso dhan soo dhaafo Maanta Somaliland Siyaasadeedii waxay soo fadhiisatay xagan dhaqaale ka doona , Side loo hela koboc miisaaniyadeed , maxaynu u abuurna mashaariic dadkani ku jeestaan IWM- dhamaan ahdaaftani waa sax waana qaar qiimo badan leh laakiin maaha qaar mabdi-ii umadan loo baabiin karo ama qaranimadii SOMALILAND lagaga noqon karo . maahmaah Somaliya aya ahayd { Naf Magac wayday manfacna ha waydo } waxan qaba In aanay Habdhaqanka Siyaasiga ee Caalamiga ku jirin in Qofna fikirkiisa uga tago wuxu maalmo quuto .
Somaliland Qaranimadeedu ka wayn baan qaba In Duulimaadyada Somalia la keeno Hargeisa , waxan qaba ka wayn in Qolo waliba Khayraadkeeda maamulato Iyadoo shaadhka waxaso dhan lagu saxeexaya yahay mid aan ino qalmin ama aan qaranimadeena aqoon sanayn , mid aan aqoon sanayn wuxu ino gaystay , mid aan fahansanaynba waxan aynu ka hadlayna waxay yihiin ,
Waxan Qaba Xukuumadan Wadanka Haysa maaha tii aynu u baahnayn wakhti xaadirkan waxanan aminsanahay Inay ku dhacday hog siyaasadeed oo ay qodistiisa wax wayn ku lahayd xata lama odhan karo Siyaasada Caalamiga ba lagaga adkaaday ee waxan qaba wax kasta oo ay seegto inay seegistiisa qayb ka ahayd , waxad ka dharagsantihiin xidhiidhka muuqashada iyo dhuumashadaba laha ee ka dhexeeyay labada geesood oo gaadhsiisan ilaa in ay qayb ka ahayd dhisidii Dowlada hada Somalia ka jirta sida hore ugaso fakatay wasiirkii Arimaha Gudaha Mr Duur ,
Anigu Waxan Qaba waxano caqabad ah oo Siyaasad Xumo leh , oo dadka Qaar eex iyo wax la mida ku darayaan inaynaan daawan ee ay u baahan tahay in wax loo sheego qoloda hada maamulka joogta waliba si badheedh ah TV-yada Iyo Shaashadaha lala yimaado haday qaadan waayaan oo dhaqso wax uga qaban waayaana In Umada lagu kiciyo laamiyadana Lays tubo , kadibna wixi looga gudbayo looga gudbo .
Waxanan Soo Dhawaynaya Golaha Dhawaan lagu dhawaaqay ee Shaqsiyaadka badani ka muuqdeen runtii walow aan iyaga laftooda dhaliilayo oo an leeyahay wad laso raagteen hadana waa mid aynu u baahnayn una baahanahay saacadan hada taagan , Somaliland Bad baaday u baahan tahay runtii Ninki Aaminayow amin ,
Dalkuna waxan qaba ka wayn meel dhowr nin oo waliba dhalinyaro ahi taladiisa maroor sadan waaban qaadan la ahay wax yaalo badan sababto ah maskaxdayda ayanay marayn runtii marka lay sheegana aad ban ula yaaba waxa kalifay inay waxasi dhacan , Si gaara hadan mid uga xuso Ninka dhalinyarada ah ee Wasiir XIRSI oo an qabo runtii in la buunbuuniyayba , waa wax lala yaaba iyo waliba wax laga cadhooda wuxu wado ee aan joogsiga lahayn , haba ugu darnaate Nimankan Isaga u shaqeeya ee Xamar loo diro aad ban uga xunahay , waxanay cadaynaysa Xidhiidhkii hoose ee isaga iyo koonfur nimanka haysta u dhexeeyay ee inta badan dahsoona waana mid ii muujinaysa xidhiidho fog oo anan qoraalka kuso bandhigi Karin ,
Waxan hadalkayga kuso koobi laha waar Qarankani badbaado ayuu u baahan yahay Goloyaashii howsha qaban lahana waynu ognahay oo Speaker ki Baarlamaanka Wa Cabdiraxmaan Cire , waynu ka dharagsanahay wuxu ku mashquulay waana mid ayaan daro ah shaqsiyan waxanan ugu baaqi laha inu Is casilo laftiisu , Saleebaan Maxamud Adan laftiisu kuma qanacsani sida cusub ee uu hada laso baxay walow anan sababta garanayn ,
Somaliland Badbaaday u baahan tahay waliba mid siyaasiya ayay u baahantahay oo lo dhan yahay qolodan goloha cusub ku dhawaaqdayna waxan odhan laha waar balaadhiya golaha oo Somaliland oo dhami hayska dhex aragto si uu dhaxal gal u noqdo .
By Mohamed Ahmed
Hargeisa Somaliland
063-4436369