Hargeysa(GNA)-Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Somaliland ayaa shirkoodii Maanta oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (siilanyo), ka soo saaray Go’aan xaaraantimaynaya samaysiga Abaabul kasta oo ku lug leh siyaasada oo dalka laga aasaaso, kaasoo ka baxsan saddexda xisbi qaran iyo Golayaasha Dawlada ee jira.
Go’aankan ayaa ah mid ay Xukuumaddu markii labaad kaga fal-celinayso Golaha siyaasiga ah ee dhawaan lagaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa, kaasoo siyaasiyiinta samaysay ku doodayaan inaanu ahayn Urur siyaasadeed iyo Golle xisbi toona ee ay yihiin Golle toosinaya Khaladaadka Xukuumadda.
Afhayeenka Qasriga madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul oo markii shirka Golaha Wasiiradda la soo gabagabeeyay Warbaahinta dawlada la hadlay ayaa sheegay in Golaha wasiiraddu isku raacay go’aan lagu madnuucayo Golle kasta oo sharci daro ah oo dalka laga sameeyo.
“Golaha wasiiradddu waxay isku raaceen oo shirka laga soo saaray Go’aan cad oo xaaraantimaynaya in Urur kasta iyo Golle kasta oo siyaasi ah oo aan ahayn kuwa Sharciga ku fadhiya ahayni oo sharci daro yahay”ayuu yidhi Axmed Saleban Dhuxul.
Xukuumadda Somaliland ayaa tan iyo markii Golahan lagu dhawaaqay si Jahawareer siyaasadeed ka muuqdo marba jar ay kaga gaashaamanayso jiritaanka golaha fuulayso, iyadoo si is-daba joog ahna maalmahanba diirada u saaraysay abaabul ka dhan ah Golahaasi.
Hase ahaatee warar labadii maalmood ee ugu dambeeyay laysla dhexmarayay ayaa sheegayay inay xukuumaddu ergo u dirtay siyaasiyiinta Golahaasi ku bahoobay, kuwaasoo ay doonayso in la dhexdhexaadiyo oo ay Miiska wada hadalka kula dooddo, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo labada dhanba ku dhadhow.
Sidaasoo ay tahay wali hadana waxa muuqata inay xukuumaddu bulshada dhexdeeda Kooxo Fikirka Golaha lid ku ah ka abaabulayso, isla markaana cambaareyn ay daaha dabadiisa ka hagayso laga soo jeedinayo arintan.
Gobanimonews
Hargeysa Office