Tuesday, July 23, 2013

SLN: Ciidanka Bilayska oo loo qaybiyay Gaadiidka Isgaadhsiintu ku xidhantahay ee Xaaladaha deg-dega ah (999)+Sawiro


Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha somaliand ayaa Maanta Gaadiid cusub oo nooca Bilayska ee Gurmadka Deg-dega ah ku wareejiyay Ciidanka Bilayska Somaliland.




Gaadiidkan oo isugu jira Indho-caddeyaal iyo nooca Noohada loo yaqaano ee Mini Buska, ayaa leh Lambar Gaar ah oo laga soo xidhiidhayo marka ay dhibaatooyin dhacaan, kaasoo ah nooca Gurmadka deg-deg ah loogu talo galay.




Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ka hadlay Xaflada Ciidanka lagu Wareejinayay Gaadiidkaasi , ayaa sheegay  inay Baabuurtan Lambarka loo sameeyay  wax badan ka tari doonaan Sugida amaanka dalka iyo inay dadku   Bilayska la shaqeeyaan oo ay ku soo war-geliyaan wixii falal amni daro.




Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Bilayska Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa ka mahad-naqay Gaadiidkan cusub ee lagu wareejiyay waxaanu sheegay in baahi weyn loo qabay Baabuurtan Isgaadhsiintu ku xidhantahay oo wax badan ka ka bedeli doona habsami u socodka hawlaha Bilayska iyo dhanka nabad-gelyo oo ay Daruuri u tahay.




Gaadiidka ayaa waxa ku xardhan Lambarka Telefoonka ah ee 999 oo wicitaanka Xaaladaha Deg-deg ah, waxaanay ka qayb-qaadayaan Gurmad kasta oo dhanka Nabad-gelyada la xidhidha, iyadoo ay yihiin kuwa aad u dheereeya oo loogu talo-galay inay Mudo kooban ku gaadhaan Masaafo aad u fog.




Waana markii ugu horaysay ee ay Ciidanka amaanka Somaliland helaan Gaadiidka Isgaadhsiinta Xaaladaha deg-deg ah lagu rakibay, (999), taasoo dadkii ka qayb-galay munaasibada lagu kala guddoomay soo dhaweeyeen, kuna tilmaameen horumar wanaagsan.




Sawirada Gaadiidkan Halkan ka Daawo




 




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com