Monday, July 8, 2013

Qorshaha iyo ujeeddada fog ay Reer Galbeedku ka leeyihiin magangelyada iyo sharciga qaxootinimo ay Siiyaan Soomaalida ?”


(GNA) Qorshaha iyo ujeeddada fog ee reer galbeedku ka leeyihiin magangelyada iyo sharciga qaxootinimo ee ay siiyaan Soomaalida ma aha mid ku salaysan bani’aadannimo oo kaliya ee waxaa jira qorshe kale oo halistiisa wata oo arrintaasi ku hoos duugan.




Ma u malayn kartaa in dal, urur ama shaqsi aadan isku diin iyo hadaf ahayn uu si maalayacni ah dhaqaale fara badan kuugu huro isagoo aan qorshe kaa lahayn…?




Bal isweydii sababta Soomaalida qaxootiga ah ee dalkooda ka soo barakacay loo dejiyo xerooyin gaar ah, bil walibana loo siiyo raashiin iyo dawo, kadibna leyn dhoof loo  diyaariyo, shaqsi ama qoys waliba oo qaxooti Soomaaliyeed ahna lagu qarash gareeyo dhaqaalo aad u fara badan, waxaa la saaraa diyaarad oo qarashka tikidhka iyo fiisaha waa laga shubaa, waxaa la dejiyaa guryo loo sii diyaariyay oo aan kiro ahayn, waxaa loogu sii daraa oo weliba la siiyaa lacag lagu sheego Cayr, daawo iyo waxbarasho lacag la’aan ah iyo weliba ka warqabid iyo xanaanayn dheeraad ah.




Kuwa aan dalka ka soo barakicin iyagana waxaa loo diraa shaqsiyaad wata magacyo hay’ado samafal oo raashiin quudin ah loogu dhiibo, waxaana shaqaalaha hay’adahaasi lagu qarash gareeyaa dhaqaalo fara badan tikidh ayaa loo gooyaa, qarashka diyaaraddaa laga bixiyaa, Hoteelo qaali ah ayaa la dejiyaa, dhismayaal iyo gaadiid ayaa loo kireeyaa, bal adiguba garo qorshaha laga leeyahay!!.




Dhammaan arrimahaas loo samaynayo Soomaalida ma aha isxaanfal bani’aadamee qorshe aad u fog oo qof waxgarad ah mooyee qof kale uusan si fudud ku fahmi karin ayaa ku hoos duugan, weliba si gaar ah waxaa tixgelin loo siiyaa dhalinta aan qaangaarin iyo haweenka.




Ilmaha waxaa iskuulada lagu baraa sharciyo iyo dhaqan aan Diintooda sal iyo raad ku lahayn, in ay waalidkood dacweyn karaan ayaana la xafidsiiyaa oo laga dhaadhiciyaa, sidoo kale in aan la canaanan karin ayaa loo sheegaa iska daa garbaash iyo wax kale oo aad ku samaysee.
Haweenka waxaa dhegta bidix loogu sheegaa inay iyagu yihiin hormuudka qoyska, raggana ay iyaga u talin karaan, haddii ay u hoggaansami waayaan amaradoodana ay awood u leeyihiin in ay dacwad ku soo oogaan ama si xor ah ay isaga furi karaan amaba guriga ka raacdeyn karaan.




Sababta iyo ujeeddada ilmaha iyo haweenka xoogga loo saarayo macnuhu waa inay iyagu dhego nugul yihiin oo  si fudud wax looga dhaadhicin karo, quluubtoodana la beddeli karo, wixii la doonana lagu shuban karo.




Sidoo kale hay’adaha samafal ee dalka gudihiisa loo diro iyagana qorshe gaalaysiin ah ayay wataan oo waxaa la arkay qaar hay’adahaasi ka mid ah oo faafinaya diinta Kirishtaanka, Baybalo qeybinaya, waxaana jira ilmo yaryar oo dalkii laga soo qaaday  iyagoon waalidkood la socon oo dhulka gaalada la geeyay, iyadoo saxaafaddu ay horey u shaacisay in magaalada Baydhabo sanadihii Sagaashameeyadii ay hay’ado samafal ilmo badan ka daabuleen, kuwaasoo qorshuhu yahay in iyagoo Soomaali la soo dhaqan rogay ah dalka dib loogu soo celiyo.




Garo ama ha garan qorshaha fog ee reer Galbeedku ka leeyihiin Soomaalida ay dalalkooda dejinayaan waa inay maskaxiyan beddelaan, weliba haatan ma ahee qorshuhu waa Tobanaan sano kadib, waxaana la doonayaa in carruurta Soomaaliyeed ee ku dhalata Yurub iyo Ameerika kuwa fac Tobnaad lagu dhalo halkaasi si fudud looga dhaadhacsiiyo hadafka gaalada, hadafkaasoo aan laga furfuri karin haddii wax kasta loo sheego, kadibna iyagoo wata Diin aan diinta Islaamka ahayn dalkooda dib loogu soo celiyo talada dalkana loo dhiibo, markaasina ay dhacdo in dad kala diin iyo hadaf ah ay Soomaaliya ku noolaadaan, lana arko Soomaali  u kala safan Gaalo iyo Islaam.




Maadaama ay Soomaalidu yihiin dad isku diin ah, isku dhaqan iyo af ah ayaa ujeeddada dahsoon ee reer Galbeedku ka  leeyihiin inay qaxootinimo ruqsadeysan siiyaan hanti fara badana u huraan ay tahay inay Diin rogid ku sameeyaan, lana gaaro heer la yiraahdo Soomaaliya Boqolkiiba intaas waa Muslimiin, Boqolkiiba intaas waa Gaalo, Boqolkiiba intaas waa Diin-laawayaal cawaan ah, markaasina ay soo baxaan kuwo u ololeeya in Ninku guursan karo nin kale, Naagtuna ay guursan karto Naag kale iyo weliba arrimo kale oo ka sii fool xun.








Sanadkii 2002-dii xilligii uu socday shirkii Soomaalida loogu qabtay magaalada Eldarot ee dalka Kenya dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa shirkaasi ka sheegtay in ay yihiin Falaashiyiin (Macnaha Gaalo) kuwaasoo ku dooday in iyagoo Gaalo Falaashiyiin ah ay doonayaan in xukunka qeyb laga siiyo.




Sidoo kale haatan sida laga warqabo mid ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Dimoqraadiyadda ay Soomaaliya higsanayso ay tahay in Labo nin is guursan karaan, Labo naagna is guursan karaan.




Af kala taag iyo fajac ayay arrintani dhalisay, Soomaali badan ayaana layaab ka muujisay oo in xildhibaan  ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya uu hadalkaasi ku dhawaaqo wax filanwaa ah ayay la noqotay,  waxaase isweydiin leh tani dhacdaye maxaa ku sii xiga?.




Waa suuragal in xildhibaanno kale iyo qaar Soomaalida ka mid ah ay fikirkaas guracani la qabaan xildhibaankaasi haatan isa soo shaac bixiyey oo hadafkii gaalada ay ka soo dhaadhiciyeen uurkiisa ku xajisan waayay,  waxaana la oran karaa kuwo badan oo is qarinaya ayaa ku jira Baarlamaanka iyo xukuumaddaba, kuwaasoo sugaya  xilligooda.




Sida la ogsoon yahay inta badan xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa Golaha wasiirrada ku jira waa dad qurbaha ka yimid oo aaminsan hadafka iyo dhaqanka reer Galbeedka, marka waxaa si aayar aayar ah haatan u soo ifbaxaya qorshaha reer Galbeedku ka lahaayeen Soomaaliya oo si hordhac ah loo arkayo.




Iska daa dadka la soo dhaqan iyo maskax rogay oo reer Galbeedku soo diyaariyay 20-kii sano ee ugu dambeysee waxaa xusid mudan in dadkii Gaalada la soo shaqeeyay barisamaadkii ay xitaa badankood dhaqanka  gaalada ku dhaqmaan.




Nin ka soo jeeda dalalka reer Galbeedka oo caasimadda  Soomaaliya ee Muqdisho howlo shaqo u tegay sanadihii 90-meeyadii ayaa rag Soomaaliyeed oo ay wada shaqeynayeen waxay ku qalqaaliyeen inuu Islaamo, wuu ka ogolaaday, laakiin wuxuu xujo kaga dhigay oo uu ku yiri “Aniga waan Islaamayaa laakiin waxaan rabaa Islaamnimada hebel iyo hebel” isagoo markaasi tilmaamay qaar ka mid ah Hoggaamiye Kooxeedyadii jiray, markii la weydiiyay sababta uu hadalkaasi u yiri ayaa waxa uu yiri “Qamriga way cabaan, gabdhaha way la tuntaan, haddii ay rabaan way tukadaan haddii ay rabaan ma tukadaan,  Soon warkiisba ha sheegin… marka haddii aan Islaamnimada kuwaas ay qaateen aan qaadanayo, waan Islaamayaa !!”.




Marka kuwii aan dhulka  gaalada tegin ee aan la soo maskax iyo dhaqan rogin, balse Gaalo dalka timid la macaamilay ayaa sidaas ahaa, bal ka waran kuwa 20-sano iyo ka badan Gaalo la jir ahaa oo Iskuulladooda wax ka bartay dhaqankoodana soo xifdiyay.




Sheekh Mustafa Ismaaciil ayaa xilli uu wacdinayay waxa uu yiri “Marka aad Yurub iyo Ameerika joogto waxaad dareemeysaa in  aakhiro la hilmaamay”.




Haddaba ma isweydiiseen dadyahoow Soomaaliyeed dalal badan oo Islaam ah ayaa jira oo Mareykanka iyo Yurub ka dhaqaalo badan sababta ay Soomaalida oo ay walaalo Islaam ah isla yihiin qaxootinimo ugu qaabili la’ yihiin oo dalalka reer Galbeedku ay Soomaalidu u daabulayaan ilaa iyo haatan, isla markaana u diidan yihiin in Soomaaliya ay degto oo dowlad mayal adag ay yeelato.




Bal u fiirso marka  ay wax ka dhacaan dal afrikaan  ah oo dadkoodu gaalo u badan yihiin waxaa markiiba u gurmanaya dalalka waaweyn ee Gaalada oo in dalkaasi fowdo iyo rabsho ka dhacdo dowlad la’aanna uu noqdo ka ilaaliya, halka Soomaaliyo 22-sano dowlad la’aan lagu eeganayo, welibana loo diidan yahay inay iyadu is xaliso, mar walibana faragelin joogto ah lagu sii  hayo, bal adiguba ujeeddadaasi  fasiro !!.




Haatan waxaan joognaa in xildhibaan Soomaaliyeed uu yiraahdo Nin wuu guursan karaa nin kale,  naagina naag kale way guursan kartaa, marka maadaama xildhibaannada iyo inta badan xubnaha xukuumadda ku jira ay qurbaha kawada yimaadeen sow lama oran qaar ku fakar ah xildhibaankaasi waa jiraan?.




Soomaalidu waxa ay tiraahdaa “Waxan eeg, waxa ku sii xigana eeg, tani aragnaye wax ka sii daran ayaa la fili karaaye Soomaaliyay feejignaada oo inta goori goor tahay arrimaha soo wajahan ee dhaqan roga diinta iyo dhaqanka ah haloo dhug hayo oo halaga shaqeeyo sidii arrimahaas looga  digtoonaan lahaa.




caaqildalmar@gmail.com
caaqildalmar@hotmail.com
Muqdisho – Somalia