Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa u muuqda inuu miciin siyaasadeed bidayo Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xulafadiisa Qasriga Madaxtooyada si uu uga guulaysto Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo si ba’an ugula loolamaya Guddoomiyenimada xisbigaasi ee shanta sanadood ee soo socda oo Madaxweyne siilaanyo markii Kursiga fuulay si ku-meel gaadh ah ugu wareejiyay.
Muuse Biixi Cabdi ayaa Beryahan dambe lagu arkaa iyagoo isku soo dhawaanaya Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay hore ugu kala aragti fogaayeen damaca Hogaamiyaha xisbigaasi oo Wasiir Xirsi laftiisa hunguri kaga jiro, balse aan wali rabitaankiisu noqon mid sida labada siyaasi ee kale Fagaarayaasha ka bu’ayo.
Culays badan oo kaga yimi dhinaca Taageero raadiska Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo kala hororsi Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda ayaa la sheegayaa inay ku kaliftay inuu miciin bido raga ugu awoodda baan Golaha Xukuumadda oo uu Xirsi ugu horeeyo, waxaana muuqata inuu sii xoogaysanayo isku xidhnaanshiyaha labada Nin waayo loo kala xan-qaadi jiray.
Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa isaguna ku goodiyaya sidii uu meesha uga saari lahaa awoodaha siyaasadeed ee Muuse Biixi ku leeyahay dhinacyada ay taageerada ka wada filayaan oo ay ugu horayso Bulshada ku dhaqan Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa, taasoo shir-weyne loo arko inuu xambaarsanyahay ujeedooyin siyaasadeed oo ay qabsan lahayd Xasarad iyo Xiisad lagu kiciyay.
Xidhiidhka Muuse u sameeyay xubinya awoodda badan eek u jira aqalka madaxtooyada, ayaa u muuqda tanaasul iyo rabitaan siyaasaddi aanay ka madhnayn oo uu kula baratamayo Ninka Wasaaradda Maaliyada haysta oo inuu dhaqaale badan iyo taageero haysto lagu tuhmayo.
Waxa la eegi doonaa hada bal halka uu Xirsi dhigo Muuse Biixi Cabdi oo Buur iyo banaanba u jiidhaya sidii uu u hanan lahaa Kursiga oo guushiisu ku xidhantahay ku dhawaad saddexda Boqol ee xubnood ee uu ka koobanyahay Golaha dhexe ee Xisbigu, uguna badanyihiin dadka ku jira Ashkhaasta xilalka ka haya dawladu.
Gobanimonews
Hargeysa Office