Friday, July 5, 2013

Halkan ka akhriso taariikhda xornimada jamuuriyada jabuuti iyo qalinkii Cabdala Xaaji.


(GNA) XASUUS, MAALINTII GOBONNIMADA 27 JUUN 1977 Boqol iyo labaatan sannadood oo gumaysigii Faransiisku dalka haystay iyo halgan dheer oo hadba heer ahaa oo loo soo galay xornimada, kadib ayaa dadka reer Jabuuti gobannimadooda hantiyeen 27 Juun 1977. Qoraalkan waxa keliya oo aan ugu talo galay inaan kaga hadlo habeenkii iyo maalintii calan-saarka sidii jawigu ahaa gaar ahaan kala wareeggii, farxaddii, rayrayntii, mashxaraddii,dalbaadeggii iyo kaalintii abwaannada iyo fannaaniintu qaateen. « Xoorkii laga dhamay xagaagiyo, xasuus baa geela lagu xer geeyaa » Intii habeenkaa u joogtay xusuus wacan buu qoraalkani u yahay, intii dabadeed dhalatay iyo kuwii dhallaanka ahaana wax barasho ayuu u yahay qoraalkani.8 May 1977 ayaa dadweynaha reer Jabuuti cod bixintii laga qaaday boqolkiiba toddoba iyo sagaashan waxay ku codeeyeen haa gobannimo,isla maalintaa waxay soo doorteen baarlamaankii ugu horreeyey oo ka koobnaa 65 mudane. Dhammaan kuraastii waxa ku guulaystay xisbigii gobannimada dhaliyey ee ( L. P. A. I.)(Ligue populair Africain pour l’independance) oo uu hoggaaminayey Xasan Guuleed Abtidoon.Maalintaa ka dib waxa loo xamaan qaatay isu diyaarinta dabbaaldegga maalinta gobannimada oo loo asteeyey 27 Juun 1977. Bil gudaheed waxa isbeddelay muuqaalkii, dhismayaashii magaalada iyo goobihii ganacsiga dhammaantood amma intoodii badnayd waxa lagu qurxiyey ranjiyo kala midabyo ah oo bilicsan.Aqallada amma guryaha ku soo jeeda waddooyinka waawey waxa lagu xardhay midabyada calanka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti.Xaafad kasta oo ka tirsan magaalada Jabuuti way is habaysay oo gooni-gooni bay isu soo abaabuleen si ay wacdaro u dhigaan habeenka calan-saarka.




 




Iyadoo diyaargarowgaa ballaadhan loo soo galay ayaa habeenkii la wada sugayey uu dadweynaha hortooda yimid.Laba goobood baa habeenkaa loo asteeyey in lagu qabto dabbaaldegga calan-saarka.Midka koowaad waa qasrigii uu degganaa waaligii (Badhasaabka) Faransiiska oo habeenkaa dabadeed noqday Madaxtooyada.Goobta labaad waa fagaare ku yaal badhtamaha caasimadda.Ugu horrayn goor sheegtu markay tobankii habeennimo ku beegnayd waxa shir loo dhan yahay lagu qabtay golaha baarlamaanka oo ay ka soo qayb galeen dhammaan mudanayaashii la soo doortay,waxa kale oo goob-joog ahaa wafdi ballaadhan oo ka socday dawladda Faransiiska iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badnaa oo ay ka mid ahaayeen waddamada jaarka oo dhan.




Madaxweyne Xasan Guuleed iyo ra’iisalwasaare Axmed Diini ayaa halkaa ka soo jeediyey khudbado. Axmed Diini Axmed ayaa halkaa kaga dhawaaqay in imika laga bilaabo dalkani uu xor yahay oo uu gobannimadiisii qaatay.Guddoomiyaha baarlamaanka oo ahaa Xaaji Sacad Warsame Diiriye ayaa madaxda goobtaa ku soo dhaweeyey.




 




Markii laga soo baxay shirkii baarlamaanka,dhammaan madaxdii iyo martidii waxay u jahaysteen dhinaca madaxtooyada, halkaas oo loogu diyaargaroobay munaasabadda calan-saarka.Dadweynihii waxay iyagu fiid horeba ku soo xoomeen fagaarihii loogu talo galay,halkaas oo ay ka heeseen fannaaniintii dalka oo aan u kala hadhin iyo dhalliyaro ku labisan dharkii hiddaha iyo dhaqanka oo ciyaarihii hiddaha aan u lahayn iyo gabayo soo bandhigay habeenkaa.Habeenkaa wajiyada dadka farxaddii ka muuqatay waxad moodaysay in jannadii loogu ballan qaaday.




 




Goorsheegtu markay ku dhawaatay 12kii habeennimo ayaa tabaabushihii u weynaa la galay.12kii oo hal daqiiqo dhiman ayaa calankii Faransiiska la dejiyey, 12kii oo gaw ahna calankii lawada sugayey ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa la saaray oo markii u horreysay hawada ka babaday.Intii calanku hawada ku sii maqnaa ciidamada Faanfaarta (baamboyda) ayaa salaamay isla markaana tumay oo ku heesay,heestii calanka.




Heesta calanka Jabuuti waxa qoray amma tiriyey Aadan Cilmi(Qooryare)laxankana waxa saaray Cabdi Roobleh(Qarshiile).Midhaha heesta calanku waa sidan.




 




Hinjinnee u sara kaca




Calankaan harraadiyo




Haydaar u mudateen




 




Hir cagaarku qariyiyo




Habkay samaadu tahayoo




Xiddig dhiigleh hoorshoo




Caddaan lagu hadheeyaay




 




Maxaa haybad kugu yaal




Maxaa habad kugu yaal




 




Inkastoo dhacdooyinkii habeenkaa ay wada cajaa’ib ahaayeen haddana tii ugu yaabka badnayd ee maskaxdayda sina uga tirmayn waxay ahayd.12kii habeennimoo gaw ah markay ahayd ee calanka la saarayey ayaa dhammaan la demiyey amma la bakhtiiyey laydhkii amma tiriigyadii magaalada oo dhan.Dabadeed baabuurtii iyo maraakiibtii habeenkaa dekadda Jabuuti ku xidhnaa oo dhan ayaa mar qudha hoonka kaga dhawaajiyey,dadweynuhuna sacab iyo mashxarad bay ku dareen. 12kii iyo hal daqiiqana waa la shiday laydhkii.Arrintaa laydhka la demiyey ee haddana la shiday waxay ka dhignayd “Xilligii gumaysigu uu damay amma uu bakhtiyey,xilligii xornimaduna uu siraadmay amma uu ifay”.




 




Kadib xafladdii calan-saarka ee aqalka madaxtooyada lagu qabtay markay dhammaatay ayaa madaxweyne Xasan Guuleed oo ay galbinayaan wasiirradii, u soo digarogteen fagaarihii, si ay dadweynaha u gala qayb qaataan dabbaaldegga




gobannimadii dhiigga badan loo soo daadiyey.Kooxdii Gacan-macaan oo ay weheliyaan dhallinyaro ku labisan dharka dhaqanka iyo qaar kale oo calanka ruxayey,dadwenihii iyo ciidamadii dalka oo ay horkacayaan saraakiishooddu ayaa madaxweynaha goobtaa si ballaadhan ugu soo dhaweeyey.




Habeenkaa fannaaniintii,abwaannadii, ubixii iyo hooyooyinkii ayaa fagaaraha ku soo bandhigay gabayo, geeraarro, heeso iyo buraanbur ka tarjumaya halgankii gobannimada loo soo galay iyo ammaanta calanka.Suugaantaa oo dadweynihii aad iyo aad u qiira gelisay isla markaana ay indhahaagu qabanayeen qaar badan oo ilmaynaya farxadda awgeed.Heesihii habeenkaa fagaaraha laga qaaday waxa ka mid ahaa labadan heesood ee caanka noqotay oo ay qaadeen kooxdii Gacan-macaan, Aadan Faarax baana curiyey.(Calankeenna dhidba) iyo (Gobannimoy)




 




 




HEESTA KOOWAAD




 




Nin xaqiisii la dhacay




Dhab u raadinaayoo




Dhaansaday sufraarkoo




Dhereg iyo hurdaba nacay




……….




 




Dhiig yacabka maradiisa




Dhaadhiciya




Calankeenna dhidba dhidba




Dhinacyada ka joogsada




 




 




HEESTA LABAAD




 




Gobonimoy,gobonimoy




Imisaa nin geesiya




God kuu galayoo




Aawadaa u geeryooday




 




Tii innoo gargaartaye




Guulluhu na siiyaay




Guushii dadkiyo




Dadka, gacal iyo xigtoy




Ha na gabin ha gaagixin




Hana gudhin gu’iyo jiilaaley




 




Waxa kale oo iyaguna habeenkaa fagaaraha wacdaro ka dhigay kooxdii Waaberi ee dalka Somalia oo halkaa ku soo bandhigay suugaan kala geddisan oo aan ka xasuusto heestan halkudhiggeedu ahaa,




 




Waa lagu filaayoo




Lagaa foolinaayee




Fadka saar Jabuutaay








Aroornimadii 27kii Juun 1977kii, markuu waagu beryey aqalka madaxtooyada waddada hor marta ee loo yaqaan ( Escale) ayaa lagu qabtay dabaaaldeggii ciidammada kala duwan ee milateriga, booliska iyo jandaaranka.Ciidammada oo socod iyo gaadda-ka-ciyaar fagaaraha ku maray oo ay sharaf iyo haybadi ka ifaysay, waxay salaam-sharaf siiyeen madaxweyne Xasan Guuleed Abtidoon oo ay hareera fadhiyaan madaxdii dalka iyo marti sharaf kale ee ka soo qayb galay




xuska maalinta xornimada jamhuuriyadda Jabuuti.Quruxda fagaaraha ka muuqday waxa maalintaa qayb xoogleh ka qaatay calanka cusub oo geestaad daymootaba ka babanaayey.




Waxa kale oo aroortaa fagaaraha ku soo xoomay kumanyaal dadweynaha reer Jabuutiya oo wajiyadooda laga dheehanayey farxad aan la malayn karin,qaar baa farxad daraaddeed ilmadu dhabannadooda qoysay.




 




Isla maalintaa galabnimadii, waxa debaaldeg lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee ku yaal badhtamaha magaalada, halkaas oo ay ka soo qayb galeen taageerayaashii xisbiga gobannimada dheliyey ee L.P.A.I.( Ligue Populair Africain pour l’independance) iyo dadweyne kale oo ka koobnaa bulshada reer Jabuuti, kuwaas oo xaafad-xaafad isku soo habeeyey isla markaana si wanaagsan u habaysanaa.Dumarku gooni bay u socdeen iyagoo calanka ku soo labistay, ragguna iyagoo dharkii dhaqanka xidhan oo tirtirfanaya qaarna Saylici ciyaarayaan ayey hormareen halkii uu fadhiyeen madaxweynaha iyo martidii kale.Galabtaa dhalliyaro aad u yaryar ayaa garoonka ku soo badhigay mahrajaan




indhaha dadka aad u soo jiitay.




Maalintaa waxa xusuustayda ku hadhay oo ka tirmi waayey jawigii fagaaraha ka muuqday, waa quruxdii, waa nidaamkii, wadajirkii, kala-dambayntii, haybaddii iyo niyad-wanaaggii shacabka ka muuqday oo aan is idhaa yaa soo celiya maalintaas.U dambay aan ku soo xidho qoraalkan qayb ka mida geeraar ka hadlaya calan-saarka, isla habeenkaana uu tiriyey abwaan Jaamac Muuse .




 




Samaalow calankeenna




Muddaan u socdaallayoo




Suumo looga wareegayoo




Seeda gooye billaawiyo




Sartii aan la hurayn iyo




Samay loogu horseedayoo




Sidaasaa lagu keenaye




Sooryadii indhaheennow




Haddaan saaka arkaynno




Saatirow mahaddaa




 




Samaalow calankeena




Niman uu hadal seegino




Surmaseegto lahayn baa




Sufraarkooda biyeystayo




Gaajo ay sari weydayo




Suumaha uga wareegayo




Suunku uu kala gooyayo




Sidaasaa lagu keenaye




Sooryadii indheheennow




Haddaan saaka arkayno




Saatirow mahaddaa




 




Samaalow calankeenna




Isagoo salalaaya oo




Summaddii waddankeennu




Sinta ay kaga taallo




Sabuuxoo soddon jooga




Saqdhexaadka isniintaa




Samaydiisa la taagayoo




Saacad samiyo maalmo




Saraa loo gayaxnaayoo




Sameentaan ku sadqaynay




Sidci baa la yidhaayoo




Cadawgay sobobtaaye




Indhahaaba nin saaray




Hurdo seexanimaayee




Ciidankeennan sin joogow




Saatir baan nigu dhaarshaye




Hurdo yeyna ni saaqinoo




Cadaw yuu na simbiidhin




Waa sidaa ballankeennu




 




W/Q. Cabdalla Xaaji Cusmaan