Tuesday, July 9, 2013

Cuqaasha Axmed Faarax: Muddo-xileedkii Guddida H.J, wuu dhamaaday,mana jirto cid ay metelaan.


Burco(GNA)-Cuqaasha,wax garadka iyo aqoonyahanka Beesha Axmed Faarax Gaashaan buur oo ka mid ah Beelaha Gobalka Togdheer ayaa maanta shir jaraa'id oo ay ku qabteen magaalada Burco waxay kaga jawaabeen ,Baaq ay hore usoo saareen odaayaal ka mid ah Beelaha habarjeco kuwaas oo baaq ay ku taageersan yihiin hawlaha shidaal baadhista ku qabtay  magaalada Burco,waxaanay beesha Axmed faarax cod dheer ku  sheegatay inaanay odayaashaasi matalin isla markaana ay tabasho ka tirsanayaan saamiga ku aadan  hawlaha shidaal baadhista.





Xuseen Maxamuud faarax ayaa ugu horayn shirkaas jaraa'id isagoo qoraal ka Akhriyaya waxa uu yidhi ''waxaanu taageersanahay anagoo ah beesha gaashaan buur Axmed faarax'waxaanu taageersanaay dedaalka iyo wax qabadka  ay xukuumadu wado,waxaa nu kale oo taageeraynaa soona dhawaynaynaa cid kasta oo horumarka dadka iyo dalkaba wax ku soo kordhinaysa,hadii aanu nahay gaashaan buurta Axmed faarax waxaanu kasoo hor jeednaa sirkii  jaraa'id ee qabteen ragii seegtay gudida Habar jeclo,Gudidaas oo aany beeshu aqoonsanayn kana mid ahayn kalsoonina ka haysan.waxaanu ka xunahay xiliga lagu soo beegay shirka jaraa'id  iyadoo la ogyahay in beeshu(Axmed Faarax) tabasho ku saabsan arimaha shidaal baadhista ay u gudbisay dawlada,waxaanu cid walba u sheegaynaa in dalka la wada leeyahay laakiin degaan kastaa  cidii degtaa ay leedahay qaradiisa,tusmadiisa iyo marti galin tiisa.
Gudoomye xigeenka Beesha Axmed Faarax Cismaan x.Saleebaan oo ka hadlaya tabashada beesha iyo ujeedadada ay u qabteen shirkan jaraa'id ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa''
shirkan jaraa'id ee ay qabtay beelaha gaashaan buur Axmed faaraxshirkan jaraaid oo aanu kaga jawaabaynaa,
Tabashada aanu ugudbinay shirkada shidaalka iyo dawlada waxa weeye Beeshu waxa ay aragtay ama qawaday degaanka ay degantahay ee ay fadhido iyo saamiga laga siiyay inaanay is lahayn oo isu dhawayn ,sidaas daraadeed ayaanu tabasho u gudbinay sirkada iyo dawladaba in la siiyo beesha iyadoo aanay dhibaato jirin oo xumaani jirin,beesha iyo kuwa kale ee la degaaba qola waliba xaqii ay lahayd  ama saamigii ay ku lahayd  degaanka wax laga baadhayo ay  hesho,sirkadana waanu soo dawaynaynaa waxaanu leenahay dalka wax halaga soo saaaro,laakiin saamigii aanu ku lahayn ee degaanku ku lahaa ayaanu ka rabnaa,

Oday Xuseen Cabdi Axmed(Xuseen dheere)  oo isna halkaas ka hadlay ayaa isna yidhi,nimanka gurigaas habarjeclo ka sheegatayayaanu ka jawaabaynaa, dariska iyo daaqa cidna ka sheegan mayno ,laakiin nin guri aanu lahayn inuu iska taago oo miidhiyaha ka sheego waa ku khalad,nimankaas hadlayna beesha ayay khalad ka galeen.
Caaqil Aadan Ducaale(aadan faray)ayaa sheegay isaguna sheegay inaya sirkada shidaalka tabshooyin badan u gudbiyeen,ila alaanadaana aan laga soo jawaabin,isla markaana aan degaanka cid degto aan cid kale ka hadli karin,waxaanu sheegay in ay sababi karo burbur ku yimaada beesha habar jeclo hadii kooxo ay shir jaraa;d qabtaan oo aya afka beesha ku hadlaan.
Caaqil Cismaan  Saleebaan Diiriye,Caaqil  Jaamac Caamir iyo Siciid Yuusuf saleebaan oo iyaguna shirkaas jaraai'id ka hadlay'ayaa sheegay in gudida  Habar jeclo ee lagu soo doortay Gar,adag ay mudadoodu ahayd sadex sano isla markaan ay ka dhamaatay cidna aanay matalin.waxaanay shirkada shidaal baadhista  ugu baaqeen wada hadal iyo wada xaajood.