Wednesday, July 10, 2013

Basaaska Faysal Cali Waraabe ka Qayliyay ee Xirsi Xidhiidhku ka dhexeeyo oo ka Muuqday Shirkii Stanbul






Stanbul(GNA) Ergaygii Madaxtooyadda Somalia u qaabilsanaa xiriirka iyo basaasida Dowladda Federalka Somalia ayaa markii ugu horeeysay wuxuu ka qeybgalay wada hadalada Dowladda federalka iyo Maamulka Siilaanyo uga socda dalka Turkiga.




Ninkaan oo lagu magacaabo Faarax Giindho una dhashay beesha Hawiye,Habargidir, Ceyr wuxuu shirka Turkiga ka soo muuqday isagoo fadhiya safka ergadda Dowladda Federalka Somalia kadib markii lagu deray.
Inkastoo Gudoomiyaha Xisbiga UCid Faysal Cali Waraabe shaki geliyay in Faarax Giindho yahay basaas Madaxtooyadda Somaliland u qaabilsan Dowladda Federalka Somalia ,hadana wuxuu xaqiijiyay in Mr Giindho yahay ergayga Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland u qaabilsan xiriirinta Villa Somalia.




“Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mr Xersi Xaaji Cali markaan weydiiyay ninkaan Faarax Giindho wuxuu ii sheegay inuu Dowladda Federalka Somalia u basaasayo hasse yeeshee anigu waxaan weydiiyay {MA ANAGUU NA BASAASAA MISE FEDERALKA AYUU SOO BASAASAA,WAAR MANAGA HUBTAA ARRINTAAS” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay ninkaan.
Faarax Giindho oo sheegta inuu yahay Gudoomiyaha Jaaliyadda Hawiye ee Somaliland wuxuu ka ganacsadaa qudaarta uu geeyo Hargeysa.
Faarax Giindho wuxuu toos ugu xiran yahay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xersi Xaaji waxaana la xaqiijiyay inuu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu mushaarka badan Maamulka Siilaanyo.
Saraakiisha Nabadsugida Madaarada Berbera iyo Hargeysa waxay Qaranside ugu xog warameen in Faarax Giindho uu safaradiisa sii sagootiyo,soona dhaweeyo Wasiir Xersi,iyadoo la rumeeysan yahay inuu ka shaqeeyay hoowlo culus shantii sano ee ugu dambeysay.
Faarax Giindho wuxuu ka mid ahaan jiray golahii shuurada ee Maxaakiimtii Islaamiga,wuxuu ka soo galay xaga Al-Shabaab laakiin waqtiyadii dambe wuxuu ku biiray Xisbigii Burburay ee Xasan Dahir Aweys.
Faarax Giindho oo weli degan Hargeysa wuxuu saaxiibadiis u sheegay inuu ku hoowlan yahay sidii Somaliland ula midoobi laheyd Somalia,wuxuu sidoo kale tibaaxay in heshiis ganacsi uu dhexmaray Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xersi Xaaji Cali iyo Wasiirka Madaxtooyadda Villa Somalia Faarax Sheekh Cabduqadir.
Heshiiska ganacsi ee labada Wasiir kala saxiixdeen waxaa ugu weyn saami dhan %20 in Faarax Sheekh Cabduqaadir laga siiyay Somtel Telecom .
Wasiir Faarax Sheekh Cabduqaadir walaalkiis Ahmed Sheekh Galool ayaa loo magacaabay Maamulaha Somtel Telecom Koofurta Somalia.