Fadlan Saxeex Pettition-ka Links-ka hoos yaala ku jira oo ka qayb-qaado Joojinta Talaabada Bangiga Barclays.
London(GNA)-Banka Barclays bank wuxuu qorsheynayaa inuu xidho Buug-xisaabeedyada (accounts) in ka badan boqol Xawaaladood oo ah kuwa lacagta Xawila ee somalida.
Adeega lacag dirista ee uu baanku xayirayo ayaa mid kaalin mug leh kaga jira Noloshada dadka somalida ah ee ku nool dalka, waxaana lagu qiyaasaa in 42% ka mid ah Bulshada somalida ee dalka noloshoodu ku xidhantahay lacagta dibada looga soo diro.
Lacagtaasi waxa loo isticmaalaa Cuntada, Waxbarashada, Daryeelka Caafimaadka iyo waxyaabaja kale ee aanau bulshadu ka helin in laga taageero, siiba qoysaska Xuduudaha dalka uga qaxay Dagaaladii dhacay.
Hadaba 17 Bisha Jully oo ku began berito hadii alle ka dhigo, xubno ka mid ah Baarlamanka Ingiriiska , ayaa aqalka Baarlamanka hor-geynaya Mooshin ka dhan ah talaabada Baanka Barcalays ku xidhayo accounts-yada Xawaaladaha somalida ee lacagta ka dirsada.
Xubnahan ayaa dawlada hor-dhigaya mushkiladaha bino-aadanimo ee ka dhalanaya joojinta lacagta ay qoysaska somalidu u diraan eheladooda ku nool gudaha waddanka.
Sidaasoo ay tahay bulshada somalida ee ku kala nool daafaha adduunka ayaa looga baahanyahay inay ka qayb-qaataan Ololaha lagaga soo horjeedo talaabada Baanka Ingiriisku qaaday oo uu hore u fuliyay qayb ka mid ah dhamaadka Bishan laga cabsi qabo inuu dhamaystiro qorshaha uu ku joojinayo la macaamilka Ganacsatada somalida ee lacagta dhigta.
Saddex kun iyo todoba boqol oo qof (3700 qof) ayaa loo baahanyahay inay saxeexaan Ambiilka ku jira Links-ka hoose ka muuqda, kaasoo lagu badhitaarayo dhamaan dhaqdhaqaaqyada arintaasi lagu diidanyahay ee socda.
Hadaba Fadlan fur Links-kan oo ka mid noqo dadka u Hiilinaya dadka ay arintani saamaynayso, iyadoo codkaaga oo aad ku biirisaa Ololahani uu badbaadin karo nolosha qoys ka mid ah Bulshada somalida ee ay khatartu ku soo waajahantahay.
Riix halkan:
Change.Org
Gobanimonews.com
London Office