Wednesday, July 31, 2013

Xusuus La’aan Dhibaato Makugu Haysaa?


(GNA) Dad badan ayaa mudooyinkaan dambe la dhibaateysay xusuusta oo diciifta,waxaa jira tusaalooyin marka aad dareento inaad raadineyso magacyo ama ereyo horey aad u taqaaney,laakin carabkaagu soo qaban waayo,haseyeeshee murugadu waxey tahay maskaxdaadu si buuxdo uma shaqeyneyso.




Arimaha noocan ah ee maqnaashaha maskaxdaada ama xusuus lumida waxey dhacdaa marka aad daalan tahay,culeysuu ku haayo( Stress) iyo welwel uu ku haayo.




Ma isku aragtaa arimahan oo dhan iney dhib kugu haayan? Haka welwelin waayo waxaa jiro arimo yar oo aad maskaxdaada ku hagaajin karto.




1- bilow inaad calaashato xanjo,Marka loo eego machadka caafimaadka Baylor ee ku yaala Houston US. Calaalinta xanjada waxey kor u qaadaa feejignaanta.




2- Raadi inaad uriso doog nadiif ah.Inkastoo arintaani dadka qaar aaney farxadgelineyn,laakin udgoonka dooga nadiifka ah waxey ka caawisaa iney yareyso welwelka iyo iney kor u qaado maskaxdaada. Hadii aadan heysan doog la jaray,waxaan isticmaali kartaa dooga yar yar ee ay xoolaha magaalada loo iib keeno.




3- in aad yareyso qaadashada maadada calorie.tani waxey ka caawineysaa maskaxda iney noqoto mid aad u dareen badan Insulinta,islamarkaana u ogolaata iney hoos u dhigto curinta protien C. Labadaan cunsur waxey ka caawiyaan maskaxda iney hormariso qeybaha maskaxda,sida nutritionist Cynthia Sass




4- Awooda indho caseysiga . In yar oo aad indhaha caseysato ama aad isku daydo nasasho aad seexato  waxey dib usoo celisaa awooda maskaxda iyo iney hormariso awooda qofka inuu ka gudbo xaaladii xusuusla aaneed .




Nasiino yar waxey maskaxda ka dhigtaa mid aad u maskax furan waxyaabaha cusub iyo warbixinada.




5- Dhageyso marka aad seexaneyso qur aanka kareemka sida ay aamin san yihiin dadka reer galbeedka ah wax ku taxalukha misig ama wararka redioga.  waxaa jiro dad aanan seexan karin ilaa uu helo meel bilaa sanqadh ah  . Sikastaba, maqalka shanqadhaha xilliga jiifka waxey kor u dhigaan xusuusta si aad ah.




6- In yar oo dufin ah. Isticmaalka in yar oo dufin ah waxey kaa caawisaa iney gacanka geysato warbixinada xilli hore ahaa ee xusuusta, laakin waa inaad iska hubisaa iney ahaato xadi aad u yar oo aadan badin.




Waxaan rajeynaa iney kaa caawin doonaan calaamadahan iney dib usoo noolaato




xusuustaadii luntay.




mar hadeeynu nahay dad islaama waxaa haboon hadii aad isku aragto xuusuustaada oo yaraata in aad badisid digariga alle waxa aad heleysaa nolol xasilan waa in aad isku daydaa in ta aad ka xafidsan tahay qur,aanka aad akhridaa taa ayaa noqoneysa mid kaa ka xeysa suusla aanta.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com

Shan Ka Mid Ah Dhaqamada Guurka Ee Ugu Yaabka Badan Dunida!!


(GNA) Waxaan eegeeynaa qaar ka mid ah Caado-dhaqameedyada la yaabka leh ee ay Bulshooyinka Dunida ku nool qaarkood ku saleyaan Guurka iyo arrimihiisa.




1- Dalka Australia: Wadankan Qabiilada ku nool kuwooda Qadiimiga ah qaar ka mida ayaa waxay leeyihiin Caado-dhaqameed dhanka Guurka ah oo Wiilka marka uu Gabadha doonanayo marka hore ay Qabiilka Gabadhu samaynayaan Xaflad aad u wayn.




Iyadoo aan la eegin Gabadha uu Wiilkaas doonayo ayaa isla Guriga ay Gabadhaas kasoo jeedo waxaa lagasoo saarayaa Gabar aan Heeybteeda iyo Qofka ay tahay la eegin, oo sidaas Wiilka loogusoo Gacan galinayo.




Tani waxay Salka ku heysaa Nasiibka Wiilka, hadii Gabadhii uu doonayay ay noqoto waa uu la tagayaa hadii kalena waa nasiibkii sa cida kaga soobaxda halkaa mana diidi karo oo caado dhaqameed weeye.




2- Shiinaha: gobolada dalka shiinaha  waxa ay dhaqan uleeyihiin in  Ninka lagu mehrinayaa Gabadha uu Guursanayo iyaga oo Labadooduba aanay is arkin, taasi oo dhacaysa marka lagu heshiiyo Guurka ka dib.




Qoyska Gabadha la guursanayo ayaa waxay diyaarinayaan Howsha Meherka iyo Guurka. Waxayna Gaadhi soo saarayaan Gabadhii si Magaalada Banaankeeda loo geeyo, halkaas oo Wiilkii uu kula kulmayo.




Xubno Qoyska ka mid ah ayaa sii raacaya si ay Furaha Gaariga ay Gabadhu saarantahay ugu wareejiyaan Wiilka. Waxaase yaab leh in marka uu Gaadhiga furo oo uu Gabadha arko hadii uu ku qanci waayo uu isla Gaadhiga dib ugu soo celinayo Gurigoodiina u keenayo, haduu ku qancana uu sidaas ku guursanayo.




3- Gobalka Tibit: Waa Gobal ay Dowladda Shiinuhu maamusho. Waxaana ka jira Caado-dhaqameedyo yaab leh oo dhanka Guurka ah.




Gabadha uu Wiilku soo doonanayo waxaa la saarayaa Geed aad u dheer, hoostiisana waxaa la dhigayaa Rag Ulo ku hubeeysan.




Haduu Wiilku doonayo Gabadhaas waa inuu marka hore Dadaal u galaa siduu ku gaadhi lahaa halka ay saarantahay isagoo iska caabinaya Ragga Ulaha ku hubeeysan ee Geedka hoos jooga.




waxa uu dagaal uu ku hu juumayaa ragaa geedka hoos taagan lamana ogola in gacanta lagu qabto laakiin waa in la xanuunjiyaa isagana waa in uu is difaacaa isaga oo ka uu usha ka qaado ka fadhiisanay.




4- Malaawi: Dhaqamada Guurka ee Dalkan ka jira waxaa ka mid ah, iyadoo Wiilka marka laga ogolaado Doonashada Gabadha ka dib uu Gurigooda kusii sugnaanayo Laba Sano isagoo aan Mudadaas wax dhaq-dhaqaaq ama Socod ah samaynayn.




Hadii Gabadhu ay Dhaqanka Wiilka u aragto mid haboon waa ay ogolaanaysaa Guurkiisa, hadiisa ay u aragto mid aan Anshax wanaagsan lahayn waa ay eryeysaa.




5- Koofurta Bad-waynta Baasifiga: Dhaqanka Guurka ee ugu fudud uguna Howl yare e halkaas ka jira waxaa waaye midka ay sameeyaan Qabiilada la yiraa Nigrito oo halkaas ku nool.




Labada Lamaane ee isku doonan  waxay u tagayaan Duqa Magaalada, waxaana uu Duqa ama Mas’uulka halkaas ka taliyaa Madaxyada isugu dhufanayaa Labadooda, taas oo ka dhigan inay sidaas isku guursadeen iyadoo aan loo baahnayn Tallaabooyin Diin ku saleeysan oo Guurka loo marayo.




 





Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com

“Siilaanyo Waa Madaxweynaha Sharciga Ah Ee Dalkan Oo Waanu Uga Dambaynaynaa , Waxaana Naga Dhaxaysa Taariikhdii SNM...."Mujaahid Xasan Guure


(Gobanimo News)31/07/2013 Guddoomiyaha Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaran ee dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa xasan Guure ayaa ka hadlay sida ay u arkaan inuu madaxweynaha Somaliland axmed maxamed (Siilaanyo) aqbalo inay isa soo hor fadhiistaan ka dib markii dhex dhexaadin laga dhix billaabay golahan iyo Xukuumadda.




 





Golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka Muj:Xasan Guure waxa uu soo dhaweeyay in Siyaasiyiintagolahooda iyo Madaxweynuhu  ay isa soo hor fadhiistaan isla markaana ka wada hadlaan waxyaabaha danta u ah qaranka.
Mujaahid Xasan Guure oo Wareysi gaar ah Khadka Telefoonka ku siiyay Wargeyska Saxansaxo  waxa kale oo uu sheegayin uu Madaxweyne Axmed Siillaanyo yahay Madaxweynihii dadku doorteen waxanu yidhi "Waanu soo dhowaynaynaa inuu madaxweynuhu aqbalo in aanu isa soo hor fadhiisano siWalaaltinimo ah oo kalgacayl leh ayaanu u soo dhawaynaynaa,waxa aanu la hor tegaynana ka hor dhici mayno laakiin anagu wax  maraad ah oo gaar ah oo aanu leenahay ma jirto cid aanu necebnahay iyo cid aanu jecelahay oo gaar ahi ma jirto,dalka waa la wada leeyahay oo qofna gaar uma laha,in la wada hadlaana wax  meesha oo iyada oo uu wax wanaagsani ku jiro ayaa la wada hadlayaa,maantaba halkaas ayaynu maraynaa oo maalinba wax ayaa xun,marka aanu isku nimaadno ee aanu ka wada hadalno ayaanu ka hadli doona wax aanu Madaxweynaha la hortegidoona,




 





Guddoomiyaha Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Muj:Xasan Guure oo hadalkisa sii wata waxa uu yidhi "Ninka hada talada dalka gacanta ku haya ee aynu u dhibnayna waa Axmed Maxamed Siillaanyo Sharciga ahaa ee dalkan oo waanu uga danbeynaynaa oo waanu Ixtiraamaynaa waxaana naga dhexaysa Taariikhdii SNM gaar ahaan"








 




 




 




 




 




Guddoomiyaha GolahaWada Tashiga iyo Toosinta Muj:Xasan Guure waxa uu intaasi raaciyay "Shacabkan waxa aan leeyahay waa la wada hadlayaa oo aynu wada hadalno waa ha la heshiiyo waxanin waa wax dadka ka dhexeeya anagu  wax dhib ah ma wadno oo wax aan samo ahayn ma wadno umadda uma wadno anagu rabshad ma wadno mana wadi doono cid wadaana kama ogoin nabadana ha la ilaaliyo oo cidii rayi dhibanaysasi nabad ah ha u dhiibato oo aan ku xagid lahayn"





Wariye Mr:Hudle
Gobanimo News@gmail.com




 

Hargeysa: Hawl-wadeenadii fuliyay ololaha talaalka oo ka cabanaya Kharashkii loogu talo-galay oo dib uga dhacay


Hargeysa(GNA)-3500 hawl-wadeen oo ka mid ahaa Kooxihii fuliyay Talaalka Cudurka dabaysha oo todobaadkan la soo gabagabayeeyay, ayaa ka cabanaya lacagtii loogu talo galay oo aan ilaa hada la siin.




Ololahan Cudurka dabaysha oo laga fuliyay dhamaan lixda Gobol ee Somaliland todobaadkii hore, ayaa waxa ka qayb-qaatay kumanaan qof oo ah Hawl-wadeeno Caafimaad iyo kuwo si mutadawacnimo ah uga qayb-qaata maalmaha uu socdo, kuwaasoo la siiyo qadar lacageed oo aad u kooban. Taasoo ay bixiyaan Hay’ada UNICEF iyo WHO oo wasaarada Caafimaadka ee dawlada kala shaqeeya horumarinya adeegyada caafimaadka.




Xubno ka mid ah Hawl-wadeenada ka hawl-galay Gobolka Maroodi-jeex gaar ahaan Caasimada Hargeysa, ayaa sheegay inaan ilaa hada la siin lacagtii ay ku shaqaynayeen, taasoo awal hore la siin jiray maalinta ugu dambeysa ee Talaalka la soo gabagabeeyo, balse doorkan waxa ay sheegeen inaan wali wax lacag loo diyaarin,halka Gobolada kale ee Ololahan laga fuliyay la bixiyay Kharashkii Kooxaha Talaalka.




Ololaha Talaalka ayaa Magaalada Hargeysa ka bilaamay 25-kii bishan Jully, lana soo gabagabeeyay 29-kii oo ku beegan salaasadii doraad, iyadoo markaasina lagu war-geliyay inaan wax lacag ah loo haynin ee ay sugaan inta loo diyaarinayo, sida uu Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Kooxaha Talaalka ee arintan ka cabanayaa.




“markii la soo gabagabeeyay talaalka oo aanu ka shaqaynaynay mudo shan maalmood oo Ramadaan ah, waxaa nalugu yidhi lacagi ma jirto ee waa laydinka amaahday lacagtiini, arintaasoo ah mid aan la qaadan Karin”ayuu sheegay.




Waxaanu intaasi ku daray “Talaalkan oo aanu ka shaqayn jirnay markii hore afar maalmood wasiirka cusub ee wasaaraddu doorkan wuu kordhiyay oo waxa uu ka dhigay shan maalmood, lacagta aanu ku shaqaynaynayna waxay ahayd  maalintii Toban Dollar ($10), halka aanu hore u qaadan jirnay $6 Maalintii, taasoo aanu ku amaanayno”.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee heer Gobol iyo ka mid qaran toona oo la xidhiidha cabashada shaqaalahan iyo dib u dhaca ku yimi lacagtii loogu talo-galay ee Ololaha lagu fulinayay, balse Sarkaal ka tirsan Xafiiska Caafimaadka Gobolka oo Gobanimonews arintan wax ka waydiisay ayaa si kooban u sheegay in maalmaha soo socda loo shubayo lacagta shaqaalaha.




Sarkaalka ayaa sheegay in dib u dhacu ka dhashay sababo dhinaca amaanka ah oo ay hay’ada lacagta bixiyaa uga maqnaayeen xafiisyadooda Hargeysa, sidaasi darteedna ay u soo shubi waayeen lacagta.




Cabashada ka dhalata Ololaha talaalka ayaa ah arin mudo badan soo noqnoqoata oo lagu dhaliilo Maamulka Wasaaradda Caafimaadka, gaar ahaan Xafiiska isuduwaha Gobolka Maroodi-jeex oo ay dhawr jeer cabasho ka muujiyeen Hawl-wadeenada Talaalku.




Cabashadaasoo salka ku haysay Lunsi lacageed iyo qorasho shaqaale ka badan intii loogu talo galay oo marka hawshu dhamaato kharashkooda muran ka dhasho.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Abdaal:Bilayska Saaxil oo Xabsiga ku guray Tobaneeyo qof oo Taageeray Golaha Wada-tashiga iyo Muj.Wadne oo ku Eedeeyay Madaxtooyada


Abdaal(GNA)-Ciidamada amaanka ee Gobolka Saaxil, ayaa la sheegay inay xabsiga u taxaabeen dhawr iyo toban qof oo rayid ah oo laga qab-qabtay Maanta Magaalada Abdaal oo ka tirsan Degmada Mandheera ee gobolka saaxil, kuwaasoo lagu eedeeyay inay Taageero u muujiyeen Golaha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka ee dhawaan lagaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa.




Xadhiga dadkan oo ay ku jiraan Dumar la qabo iyo dhalinyaro, ayaa lagu soo waramay inuu ka dambeeyay, ka dib markii ay Warbaahinta ka hadleen, isla markaana taageereen Golahaasi, iyagoo daba socda hadalo hore uga soo yeedhay xubno degmadaasi Warbaahinta kula hadlay oo cambaareeyay Golah.




Goob-joogayaal ku sugan Magaalada Abdaal, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Ciidanka Bilaysku garaacis iyo hadidaad u geysteen dadkaasi markii ay qab-qabanayeen, isla markaana haween Xaamilo ah nabaro gaadhsiiyeen.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in dadkaasi ay sideed ka mid ahi ku xidhanyihiin Magaalada Berbera, mid kale ku xidhanyahay Hargeysa, halka tiro kalena aan la xaqiijin meesha ay ku xidhanyihiin, iyadoo sida Gobanimonews warka ku heshay ay ka hadleen Telefishanka Somsat ka hor intaan la xidhin.




Muj. Axmed Ibraahim Maxamuud (Wadne) oo ka mid ah Wax-garadka Gobolka Saaxil, xubina ka ahaa Aqoonyahano shalay Warbaahinta ka taageeray Golahaasi ayaa Gobanimonews uga waramay xadhiga dadkaasi “waxaa dhacday Maanta in ciidanka Bilaysku dad gaadhaya 21 qof oo  u badan Dumar ay ku jiraan kuwo Uur leh iyo dhalin yaro reer Abdaal ah laga soo qab-qabtay Magaaladaasi, ka dib markii ay dareenkooda cabireen, iskana leexiyeen hadalo ay hore uga yidhaahdeen warbaahinta shaqaale dekedda Berbera laga qaaday oo inta abdaal la keenay lagu yidhi cambaareeya golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka, arintaasoo markii ay ka war heleen iyaguna maanta cadeeyeen inay taageersanyihiin golaha”.




Muj. Wadne ayaa intaasi ku daray “waxa kale oo dhacday in tacadi iyo dhibaato loo geystay dad jilicsan oo magaalada jooga oo dumar xaamilo ah u badan, magaalada abdaalna waxa lagu wareejiyay Ciidan oo gaadh ka haya, waxaasna waxa ka dambeeya oo markii horena shaqaalaha Dekeda Magaalada inta uu geeyay arimaha siyaasada ka hadla yihi iminkana amarka dadka lagu xidh-xidhay ka dambeeya Maareeyaha Dekeda Berbera iyo Taliyaha Saldhiga dekeda horteeda ku yaala”ayuu Gobanimonews u sheegay.




Aqoonyahankan ayaa dhinaca kale xadhiga dadkaasi iyo dhibaatada loo geystayba dusha ka saaray xukuumadda siilaanyo, gaar ahaan Maareeyaha Dekedda Berbera iyo aqalka Madaxtooyada.




Dhibaatadaana waxaanu ku eedeynaynaa oo laga soo amray Guriga axmed siilaanyo oo ah meesha dalka laga maamulo, waxaanan leeyahay waxa dhibaatadaasi ka timi Guriga Axmed siilaanyo oo laga soo amray saddexda Inan ee dhibaatada, cabudhinta iyo xadhiga u geystay shacbiga reer Abdaal”




1. Muxiyadiin Faysal
2. Maxamed cabdi bidhiyo toorele
3. Cabdirisaaq Cabdilaahi
4. Xamda Maxamed Cali
5. Hoodo Amaan
6. Xaawa Cabdiqaadir
7. Cabdi Xiiray
8. Maxamed Midhiq
9. Cabdi cayuun




 Si kastaba ha ahaatee talaabada dadka lagu xidh-xidhay ayaa ku soo beegmaysa xili ay waan-waan siyaasadeed u socoto Xukuumadda iyo Golaha wada-tashiga ee ay dadkani taageereen, waan-waantaasoo la sheegay inay labada dhinac aqbaleen inay kulan wada hadal ah yeeshaan maalmaha soo socda.




Lamana oga saamaynta arintani ku yeelan doonto lad-qabada laga dhex wado Golaha iyo xukuumadda iyo inay joojin doonto balse dadka arrimaha siyaasada ka faalooda ayaa aaminsan inay hakin doonto.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

SLN: Jahawareer ka taagan Digniin Jaamacadda Hargeysa laga siiyay Weeraro ku soo fool leh oo Dad loo xidh-xidhay iyo Baabuur Bilayska laga jajabiyay


Hargeysa(GNA)-Tiro dad ah oo ay ku jiraan Saraakiil Ciidan iyo Baro-yaal ka hawl-gala Jaamacadda Hargeysa ayaa u xidh-xidhan dhacdo  Doraad ka dhacday jaamacadda hargeysa, taasoo xili ay Ardaydu wax-barashada ku jirtay lagu war-geliyay inay jiraan digniino sheegaya weerar lagu soo qaadayo Jaamacadda.




Arintan oo sababtay in mar kaliya ay Ooda Jabiyaan dhamaan Ardaydii waxbarashada ku jiray iyo Macalimiintoodiiba, si ay uga baxsadaan qaraxyo lagu war-geliyay inay ku soo fool-leeyihiin xarunta Jaamacadda, ayaa waxa la sheegay in loo xidhay Taliyihii Rugta Bilayska ee Jaamacadda, macalin ka mid ah Barayaasha Jaamacadda iyo dhawr qof oo kale, kuwaasoo la sheegay inay Laamaha Baadhistu su’aalo waydiinayaan.




Saraakiisha Bilayska ayaa Gobanimonews u sheegay in warka cabsida abuuray ee Jaamacadda galay uu sheegay Sarkaalkii haystay Ciidanka Ilaalada Jaamacadda  iyo mid ka mid ah Macalimiinta oo shalay la qabtay, ka dib markii sida la tibaaxay Taliyuhu warkaasi ka helay Sarkaal kale oo ka tirsan Saldhiga uu ka tirsanyahay.




Dhacdadan oo ka sekow ardayda jaamacadda hargeysa, cabsi iyo Jahawareer ku abuurtay bulshada ku dhaqan Xaaafadaha jiiraanka la ah, gaar ahaan Pepsi-ga iyo Isha-boorama, ayaa ka gadaal markii ay waxba dhici waayeen waxa loo arkay Dacaayad iyo borobogaande loo jeeday Jaamacaddan oo ay wax ka dhigtaan Kumanaan arday  laba gelin ee maalintii.




Hase ahaatee sida ay Saraakiisha laamaha amaanku Gobanimonews u xaqiijiyeen wali waxa jirta cabsi iyo foojignaan laga qabo arintaasi, taasoo sababtay in la adkeeyo amaanka Jaamacadda iyo guud ahaanba Nawaaxigeeda, inkasta oo aan ilaa hada la hayn xog rasmiya iyo macluumaad la xidhiidha jiritaanka weerarkaasi iyo cida soo maleegaysa toona.




Sidoo kale sheekadan ayaa dhalisay hawl-galo baadhis ah oo ay Ciidamada maanku ka fuliyeen Xaafadahaasi, hawl-galadaasi oo iska hor-imaad ka dhex abuuray Bilayska iyo Bulshada Rayidka ah, ka dib markii ciidanku xoog ku galeen guryo ay baadhayeen, ka dibna ay isku dhaceen dhalinyarada xaafada oo isku dayay inay is-hortaagaan baadhitaanka.




Isku dhaca dhalinyarada iyo bilayska ayaanu wararka ku helnay in lagu jajabiyay ilaa saddex gaadhi oo ka mid ah Gaadiidka Gurmadka deg-dega ah oo dhawaan la siiyay Ciidanka Bilayska, kuwaasoo laga jajabiyay muraayadaha iyo  qalabkii isgaadhsiinta ee ku xidhnaa.




Sidoo kale waxa jira warar aan wali soo shaac bixin oo sheegaya in Odayaash iyo dadka wax-garadka ah ee Xaafada PEPSI-gu cabasho ka dhan ah hawshan u soo gudbiyeen wasaaradda Daakhiliga, iyagoo ku andacoonaya in war-xumo tashil iyo borobogaande ka dhan ah Xaafadooda la wado, isla markaana shaki iyo jahawareer lagu abuurayo Bulshada halkaasi ku dhaqan.




Xaafaddaha PEPSI-ga iyo Isha boorama ayaa ka mid ah Xaafadaha ugu amaanka wanaagsan Magaalada Hargeysa, waxaase horaantii sanadkan ka dhacay dil fool xun oo cabsi badan dhaliyay, kaasoo lagu dilay Nin Gaadhi taxi ah watay, ninkaasoo markii la dilay Maydkiisa la dhex dhigay Gaadhigiisii, dabadeed meel xaafado dhexdood ah la soo dhigay.




Dilkaasoo noociisu ku cusbaa Magaalada, markii Bilaysku baadhayna la sheegay inuu fuliyay Nin ay Dhul isku haysteen Ninka la dilay, ayaa muddo hadal-heyntiisu ka socotay Xaafadaasi.




Si kastaba ha ahaatee Saraakiisha Ciidanka Bilayska iyo Wasaaradda Daakhiligu toona kamay hadlin dhacdadan ugu dambeysay ee salaasadii ka dhacday Xaafadaasi iyo Jaamacadda hargeysa, ilaa hadana lama hayo tirada dhabta ah ee dadka loo xidh-xidhay Kiiskan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Ramadaanta iyo Caalamka .Q-21aad. Cabdiraxmaan Wirdaani.


21-RAMADAAN IYO CAALAMKA.




Waa qormooyinkeeni taxanaha ahaa ee WAX KA BARO BISHA RAMADAAN iyo qormadeeni kaw labaatanaad oo aynu kaga hadli doono ramadaan iyo caalamka.




 waxaynu ka warami oo aynu maanta ka sheekayn doonaa bisha barakaysan ee ramadaan iyo umada muslimka ah ee dalalka caalamka ku nooli siday u soomaan, iyo wakhtiga ay af xidhanyihiin intuu leegyahay, inagoo qaaradba dhawr dal kasoo qaadan doon haduu Eebuhu inoo qadaro insha allaah.




       RAMADAAN IYO SOMALILAND.




dalka somaliland dhamaantii waa wada islaam, waxaana lagu qiyaasaa dadaka muslimka ah ee ku nool ilaa afarr milyan, waxay soomaan ilaa iyo saddex iyo toban sacaacadood,  cimilada dalku waa dhexdhexaad, jawiga ramadaan way ku fiicantahay dalkan.




       RAMADAAN IYO MASAR.




dadka masar aad ayey usoo dhaweeyaan curashada bisha ramadaan, wakhtiga ama sacaadaha ay soomaan masaaridu waa ilaa afar iyo toban saacadood, cimiladu hada masar aad ayey u kulushahay, waxaana xusuus mudan in wakhtigan masar xaalad qasan ku jirto, Eebana uga baryeynaa inuu quluubta is haya mideeyo xaqana garansiiyo.




       RAMADAAN IYO NAYGEERIA.




niygeeriya waa dal ay ku noolyihiin gaalo iyo muslim laakin mu´miniinta kaga badan yihiin gaalada, waana dal ku yaal qaarada afrika, cimilada wadankaasi aad uma kulula, saacadaha ay soomaana waa ilaa saddex iyo toban saacadood.




       RAMADAAN IYO SUCUUDIGA.




wadanka sucuudi carabiya waa dal ay ku yaalaan meel la tago meesha ugu faliga badan, MAKKAH IYO MADIINA, waa goobtii nabigeeni suubanaa (NNKHH), waa dal aad looga wayneeyo bishan ramdaan, waxayna caan ku yihiin dadka wadankaasi sadaqada ayey la baxaan bishan waxayna gaar ahaan geeyaan dadla noloshoodu hoosayso, waxaana ka mida dalkeenan somaliland, cimilada dalkaasina waa kulayla xigeen.




       RAMADAAN IYO SHIINAHA.




dalka shiinuhu waa dal badankiisu ay yihiin dad gaala ah, laakiin umadda muslimka ah ee halkaas ku dhaqani kuma badana, waana dal aanay cimiladiisu kululayn, waxaan la yidhaa waana goobaha maanta islaamku ku yaryhay, waxaanu ku yaalaa qaarada aasiya.




       RAMADAAN IYO TURKIGA.




ramadaan markay soo galayso waxa laga dareemaa dalkan turkiga dabaaldagyo lagu soo dhawaynayo bishan barakaysan ee ramadaan, caadana waxa u ah dadka ku nool dalkan turikiga in qof sooman haday arkaan wakhtiga afurka oo dariiq maray inay gacan qabsadaan oo yidhaahdaan kaalay nala afur, cimilada dalkaas ee wakhtigana waa midaad u fiican.




       RAMADAAN IYO ISWIIDHAN.




dalkani waa mid ku yaal qaarada yurub, waana dal ay gaaladu aad ugu badan yihiin, muslimka  ku nool waxa lagu qiyaasaa hal milyan, wakhtiga badan ayey soomaan dadkaa mislimka ah ee wadankaa ku dhaqani, laguna qiyaaso ilaa iyo labaatan sacaadadood.




       RAMADAAN IYO ALBAANIYA.




albaaniya waa dal isna ku yaal isla qaarada yurub, waana dalka ay ku nool yihiin muslimiinta   ugu badan qaarada yurub, wakhtiga ay soomanaadaana waa sideed iyo toban saacadood, cimilada wadanksina waa dhexdhexaad.




       RAMADAAN IYO INGIRIISKA.




wadanka ingiriisku isna waa wadan ay aad ugu dhaqan yihiin umadda muslimku, cimiladda wadankani hadda waa kulayl, taas oo keenta in dadku ka baxaan wadamo kalana ku soo soomaan, wakhtiga la soomo sideed iyo toban.




Dalalii oo dhan intani maaha laakin inii aan islahaa way ugu mudantahay, waxaana laga yaaba hoosta ayeynu iska lahayn wakhti badan ayaad soontaane qaar inaga daran aragnay, laakiin haday dheertahay iyo haday gaaban tahayba waa arin lagu raali galinayo Eebe (swt), taasaana waxkasta ka wayn,  intaana waxaan ku soo af meerayaa qormadeenii kaw labaatanaad, intaan aqoon korodhsi kan xiga isku imanayno waxaan idinku dhaafayaa, SALAAMU CALAYKUM WARAX MATULLAAHI WABARAKAATUH.




wiraani@hotmail.com




Alpha University




Hargaysa Somaliland

Dugsiga Sare ee Maroodi-jeex iyo Sannad-dugsiyeedka 2013- 2014


Maamulka Maroodijeex Schools waxa ay kuugu bushaaraynayaan inay sannad-dugsiyeedka cusub ee 2013/2014  gaar ahaan Bisha Sepmtember/2013 inay kuu furayaan Dugsi Sare oo Rasmi ah isla markaana aad ka helayso:




 




·         Macallimiin tayo leh




·         Wax-dhigis casri ah




·         Deegaan ku habboon tacliinta, 




·         Anshax, dhaqan iyo edab suubban




·         Aqoon kordhinaysa cilmiga diinta iyo waddaniyadda,




·         Casharro maqal iyo muuqaal ah





Duruustu waxa ay ku baxayaan Afka Ingiriisida waxaana la raacayaa Manhajka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland

Ku Biir ubadkana gee Maroodi-jeex Secondary School. Wixii Faahfaahina kala xidhiidh: 0634740393/0634428604 TELESOM 9169034, SOMTEL, ama booqo Xafiiska iskuulka oo ku yaalla Xaafadda Jameecada Hargeysa, halkaas oo ay dii-waangelintu ka socoto.




Wixii faahfaahina kala xidhiidh




Siciid Maxamuud Gahayr




Hargeysa




Tell: 4428604 TELESOM/9169034 SOMTEL




saedmgahair@hotmail.comt




 




Mahadsanidiin




 

Xukuumadda Itoobiya oo ku Eedeysay Dowladda Eritera inay weli Taageero siiso Al-shabaab oo Soomaaliya. ka


Addis Ababa (GNA) Dowladda Itoobiya ayaa sheetay in nabad lagu soo rogo Soomaaliya ay daba-dheeraan doonto inta Eritrea ay taageero u fidinayso Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta oo xidhiidh dhow la leh urur-weynaha Al-Qaacida.




Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti ayaa ka sheegay Addis Ababa in howlgallada nabad raadinta ee Soomaaliya ee ay ka mas’uulka tahay Midowga Afrika in aaney  noqon doonin kuwo midho-dhal ah inta Asmara ay taageerada Al-shabaab waddo.




“Inkastoo nabadda Soomaaliya ay sidii hore kasoo raynayso, haddana weli Eritera waxay si xooggan u waddaa taageerada ay u fidinayso Al-shabaabta Soomaaliya, si ay shidaal ugu shubto dhibaatada Soomaaliya,” ayuu Mufti ku yidhi wareysi uu siiyay wargeys kasoo baxa dalka Sudan.




Dina Mufti oo sii hadlaya ayaa yidhi: “Xukuumadda Asmara waxay xadgudub joogto ah ku haysaa qaraarkii golaha ammaanka ee cunno-qabteynta lagu saaray Soomaaliya, tanina waa mid ka horimaanaysa ammaanka gobolka oo dhan.”




Xukuumadda Itoobiiya waxay beesha caalamka ka dalbatay in gacan buuxda laga geysto sidii loo xaqiijin lahaa cunno-qabteynta lagu soo rogay Erirrea oo uu kala dhexeeyo dagaal ay in ka badan 70,000 oo askari ku dhinteen.




Ergayga Eritrea u jooga xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa weli jawaab kama bixin eedeymaha ay Itoobiya u jeedisay dalkiisa, sidoo kalena ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay Asmara, inkastoo ay dhowr jeer oo hore isaga fogeeyeen eedeymahan oo kale.




Dhanka kale, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Mufti ayaa sheegay in aanu jirin qorshe dhameystiran oo dalkiisa uu ciidamada kaga saarayo Soomaaliya, balse qaybo ka mid ah dalka ay ka baxayaan.




“Ma jiro qorshe la isku raacsan yahay oo aan ciidamadeenna uga saarayno Soomaaliya oo dhan,” ayuu yidhi Mufti isagoo intaas ku daray: “Ciidamada Itoobiya way sii joogi doonaan Soomaaliya inta ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay awood u yeelanayaan inay iska difaacaan weerar walba oo khatar ku ah natooda.”




Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu taageero joogto ah siiyo dowladda federaalka Soomaaliya, inta ay suuro-gal ka noqonayso in Soomaaliya oo dhan ay nabad noqoto.




Diyaarintii:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com

DJabouti: Shaqaalaha Reer Jabuuti ee ka hawl-gala Saldhiga Milateriga Maraykanka oo 40 Maalmood oo shaqo joojin ah ku jira


Jabuuti(GNA)-Shaqaalaha Reer Djabuuti ee ka hawl-gala Saldhiga Milateriga dawlada Marayakanku ku leeyihiin Duleedka Magaalada Jabuuti ayaa ku jira shaqo joojin afartan maalmood ah oo ay kaga cabanayaan dhimis lagu samaynayo shaqaalaha halkaasi ka shaqeeya iyo lacagta ay qaataan oo badh laga jarayo.




Ku dhawaad Kun qof oo ka hawl-gala Saldhigaasi ayaa todobaadkan meel ku taala xeebta Magaalada Jabuuti ka dhistay Teendhooyin iyo Guryo kale oo macbal ah oo ay cabashadooda ku muujinayaan, iyagoo aan wax shaqo ah ka qaban xarunta saldhiga ee ay ka shaqeeyaan.




Shaqaalahan ayaa ka cabanaya go’aan ay shirkadda Shaqaalaha Saldhiga Maamusha oo magaceeda la yidhaahdo PPR, ku yaraynayso tirada shaqaalaha, isla markaana sida la sheegay Mushahar dhimis dhan 50% ku samaynayso iyo qorasho shaqaale ajaanib ah oo iyagana shirkaddu qoratay muddooyinkii u dambeeyay.




Shirkadda PPR ayaa la sheegay inay tiro shaqaale cusub ah oo u kala dhashay waddamada Bangaladhish iyo Hindiya qoratay, kuwaasoo dawlada Jabuuti ka soo horjeesatay qoristeeda, kana dalbatay Madaxda shirkadda inaanay qoran shaqaale aan u dhalan dalka Jabuuti, iyadoo dhanka kalena dawladu todobaadkan u dambeeyay soo faro-gelisay arinta shaqo joojinta shaqaalaha Reer Jabuuti.




“Dawlada Jabuuti waxay qoraalo u qortay Safaarada Maraykanka ee jabuuti iyo Madaxda shirkadda Shaqaalaha Saldhiga qandaraaska ku haysata oo aanu ka dalbanay inay joojiyaan waxyaabaha shaqaaluhu ka cabanayaan iyo inaanay waddanka keenin shaqaale ajaanib ah oo aan u dhalan, wada hadalbaana noo socda labada dhinacba, Inshaalaahna waxaanu filaynaa inay guul noogu dhamaato” sidaasi waxa warbaahinta u sheegay Wasiirka arrimaha dibada  dawlda Jabuuti oo Isniintii hadlay.




Geesta kale guddoomiyaha Ururka Shaqaalaha Jabuuti Cumar Ismaaciil oo shaqo joojinta Shaqaalaha ka hadlay ayaa sheegay inay dawlada Jabuuti iyo shirkadda Maamusha Shaqaalahaba kala hadleen cabashada shaqo joojinta sababatay, meel wanaagsana u marayo wada hadalku.




Guddoomiyaha Ururka Shaqaalaha Jabuuti, ayaa sheegay in Shirkaddu doonayso inay boqolkiiba konton dhinto shaqaalaha ka hawl-gala saldhiga ee Reer Jabuuti, Mushaharkoodana sidoo kale dhimayso, isagoo xusay inay arintaasi urur ahaan si weyn uga biyo diideen.




Ciidamada Maraykanka ayaa dalka Djabuuti saldhig ka samaystay mudo sideed sanadood ah ka hor, halkaasoo loo keenay la dagaalanka Budhcad-badeeda iyo Argagixisada Mandaqada.




Shaqo joojinta Shaqaalaha saldhigaasi ka hawl-gala ayaa samaysay hawlaha saldhiga iyo inay Ciidamada saldhiga joogaa helaan shaqooyinkii ay u qaban jireen kuwa shaqo joojinta ku dhaqaaqay, sida laga soo xigtay Saraakiisha Milateriga Maraykanka ee saldhigaasi ku sugan.




Gobanimonews




Djabouti Office




Email: editor@gobanimonews.com  

Khubaro soo saartay Qalab sheegaya waxyaabaha ka ilmeysiiya Carruurta.


(GNA) oohinta carruurta ayaa calaamado kala duwan dadka u tilmaanta, sababtoo ah dhakhaatiirtu waxay u tahay qodob muhiim ah oo ay ku badhaan in ilmuhu xannuunsanaayo, halka waalidiintuna u maleeyaan marka ubadkoodu ooyaan in ay ajoonayaan, xannuun hayo amma cabsoonayaan.




Haddaba, si waxa sababa oohinka ilmahan loo ogaadyo ayaa khubaro ka tirssan Jaamacadda Brown iyo Hospital of Rhode Island oo ku yaal dalka Maraykanka ayaa soo saaray  ijiin sheegaya waxa sababay oohinta ilmaha yar.




Khubarada soo saartay qalabkan sheegaya sababta ka oohisay imaha yar ayaa dariiqa u xaadhi doona in la ogaado cudurrada maskaxda iyo neerfisyada kaga dhaca carruurta aadka u yar yar.




‘’Waxajira xaalado badan oo ubadka ka oohisa, taasaannu isku hawlnay inaanu ogaano, tusaale ahaan ilmaha maskaxda dhaawacu ka soo gaaro markuu dhasho amma ubadka xannuuno kale lafta kaga jirto’’, ayuu yiri Dr. Stephen Sheinkopf oo ka tirsan Jaamacadda Brown.
Verdana, sans-serif;">
Qalabkan wuxuu u shaqaynayaa  habka kombuyuutarada codka heerarkooda lagu tijaabiyo, waxaana si toos ah u sheegaya dhibta haysata ilmaha yar, kaasoo hab cabiraadeed ku muujinaya kolba dhibaatada ilmaha yar la soo daristay ee keentay inuu ooyo.




Barry Lester oo ah madaxa cilmi-baarista carruurta halista caafimaad ku jirta ee jaamacadda Brown ayaa sheegay in daraasadoodan ogaatay in oohintu tahay shay lagu ogaan karo dhibaatada ilmaha yar ka haysata maskaxda amma xannuunka la soo darisay.




Qalabkan ayaa dhakhaatiirta carruurtu aad u soo dhaweeyeen, iyagoo ku rajo weyn inuu ka caawin doono waxyaabo badan oo loo laa xal in si sahal ah lagu ogaado amma baaritaan caafimaad oo dhakhso ah lagu helo.




 




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com




 

Xildh.Warfaa: Tahriibku waa Masiibo Qaran oo aan Xukuumadda lagu eedeyn Karin, waayo Shaqo abuuris balaadhanbaa la sameeyay”.


Hargeysa(GNA)-Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa ( Wadka), ayaa shaaca ka qaaday in Tahriibka dhalinyaradu uu yahay Masiibo qaran oo dawlada iyo shacaba u taala sidii wax looga qaban lahaa, balse aan xukuumadda oo qudha lagu dhaliili karin.




Xildhibaan warfaa oo ka hadlayay Dood ay Ideecadda VOA-du u qabatay  isaga iyo mudane kale oo ka tirsan Golaha wakiiladda, ayaa sidoo kale sheegay inay xukuumadda talada haysaa meel fiican marinayso dedaalka ay ugu jirto aqoonsi raadiska Somaliland, isla markaana golleyaal caalamiya geysay qadiyada waddanka.




Ugu horayn isagoo hadlaya arinta Tahriibka ee xukuumadda lagu dhaliilo inay wax ka qaban wayday, waxa uu yidhi , “Tahriibka dhalinyaradu waa Masiibo qaran oo u baahan in wax laga wada qabto, laakiinse xukuumadda laguma dhaliili karo oo waxay samaysay shaqo abuuris ka badan intii laga filayay, Madaxweynuhuna waakii magacaabay agaasimeyaashii ugu badnaa oo dhalinyaro ah, hore Masuuliyiin badan oo dhalinyaro ah ayaa Golayaasha ugu jiray, markaa arinta tahriibka looma aanayn karo shaqo la’aan ee waxaan qabaa inay tahay masiibo qaran oo dhamaan umadda u taala in wax laga wada qabto”.




Dhanka kale Xildhibaanku isagoo ka hadlay aragtidiisa ku aadan siyaasada Khaarajiga waxa uu ku dooday “Siyaasadda arrimaha dibadu waxay maraysaa halkii ugu saraysay, waxaana la gaadhsiiyay Goleyaal aanay hore u gaadhin, waxaana dhacday markii ugu horaysay in Somaliland iyo Somaliya si toos ah uga wada hadlaan qadiyada Somaliland oo beesha Caalamku dhex-dhexaadiso, arimahaana waxaan u arkaa Guul weyn oo u soo hoyatay dalka”.




Doodda labada Mudan dhex martay ayaa ahayd mid si weyn loogu lafa-guray wax-qabadkii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee saddexdii sanadood ee ay talada haysay, taasoo maalintii sabtida uu soo bandhiga Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com




 

Ma Aaminsan Tahay In Mustaqbalka Noloshaadu Ku Xidhan Yahay Xariijimaha Gacmahaaga?


(GNA) Dalalka Japan iyo Korea waxaa aad uga soo xoogeysanaya howlo quraafaad u badan oo la xidhiidha in mustaqbal qofka iyo inta uu gaadhaya laga ogaan kara xariiqimaha gacmahaaga,waxaa hada ka soo ifbaxay daaweyn iyo qaliimo lagu bedelaayo xariijimaha gacmaha hadii aadan ku qanacsaneyn iney nasiib wacan kuu keeneynin.




Dad badan ayaa aaminsan in xariiqmaha ku yala gacmaha ay yihiin kuwa saameyn ku leh naftaada iyo mustaqbalkaagaba, dadbadan oo kamid ah kuwa aaminsan arimahan ayaa doonaya in laga bedelo xariijimaha gacmaha oo qaliino lagu bedelaayo loogu sameyo si ay u helaan nasiib wanaagsan oo nolosha ah.




Daaweyntan ayaa lagu sameynaayaa qaliin casriya ee loo yaqaano lesarka,waxaaney ku jareysaa maqaarka,waxaana ay uga tegeysaa nabaro yar,mana lagu reebaayo xariijino dhaadheer.




Qaliinkan ayaa lagu soo waramayaa inuu dalka Japan ka maraayo 500 euro ah, wuxuuna qaataa waqti dhan shan iyo toban daqiiqo. Waxaa jiraa 50 ilaa 10 xariijino oo ay dadka dalbadaan. Ragga badankod waxaa ay doonayaan iney ka dhex helaan xariijimaha gacmaha dhaqaalo badan,halka haweenka ay dhankooda xooga saarayaan jaceyl iyo guur wanaagsan.




Dhaqtar Japanes ah oo lagu magacaabo Matsuoka oo sameeyey 20 ka mid ah qaliimadaan ayaa sheegay in haweeney la guursaday kadibmarkii camalkaan loo sameeyey,islamarkaana labo kamid ah bukaanada ay ku guuleysteen Lottery kadibmarkii ay bedeleen xariijimaha farxada ee gacmahooda.




Marka loo eego dhaqtar Matsuoka mar jirto cadeymo daawada waxtarnimadeeda




 




Diyaariye C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com

Khubarada Bur-Burka’ waa Qeybtii 1-2W/Qoray: Maxamuud Axmad Oday


Akhriste, waxaa lga yaabaa inaad sas ka qaaddo magaca aan u xulay qormadan, haddiise aad samir u yeelato inaad akhrido, waan hubaa in wax kaaga bidhaami doonaan is-waafaqsanaanta magaca iyo qormada.




Hordhac waxaa ii ah, in keli-talisnimadu tahay midda burburisa tiirarka dhaqan-dhaqaale ee bulshadu ku taagan tahay (Madax-dhaqameed-ka, Culimada, Indheer-garad-ka, Ganacsiga, Suugaan-leyda, Dhallin-yarada,....). Si kooban haddaan u idhaahdo, keli-taliye intaa aan hore u soo sheegayba baabi'iyay ayaa ina soo maray. Waa Maxamed Siyaad Barre, cid kasta oo bur-burintii taliskiisii ka qayb-qaadatayna waa ku ammaanan yihiin. Dhanka kale, Maxamed Siyaad Barre Soomaali badan baa u taqaanna Halyey Soomaali mar u kacay, kulamana yaabayo anigu. Haddii aad faah-faahin dheeraad ah u baahan tahayna, Booqo Jaalle Siyaad.Com.




Dhacdooyinkan aan qorayo, oo aan Haddii ALLAH idmo ku salaynayo waxyaabaha aan goob-joogga u ahaa, waa mid aan uga gon-leeyahay in dhallin-yarada had iyo jeer dhuuxooda lagu khammaaraa, ay kaga digtoonaadan dhawaaqyada tooska ah iyo kuwa dadban ee Khubarada Bur-Burka. Dhallin-yaroy, haddii shalay hub la isugu kiin dhiibayay, maantana nac, naxli iyo cuqdad ayaa muuqda in la idin waraabinayo, tiiyoo meel soke oo xaqiiqda ka fog iyo dhalanteed laguu sawirayo. Sawirka shalay hadduu ahaa, ka aad xagga hoose ee qormadan iyo xagga hore ee qormooyinka dambe ugu tegi doonto. Ka maanta lagu tusayaa, waa annagaa haddaanu nahay "Khubarada Bur-Burka" malab keenaynee, halla bannaanbaxo oo magaalooyinka halla bur-buriyo. Darka aad naxliga ka dur-duurataanna, waa qaar ka mid ah mareegaha Af-Soomaaliga qora, oo weliba laga leeyahay Somaliland




Qormooyinkan waxaan ka dhigi doonaa, taxane ku soo baxa Mareegaha jecel inay ka qayb-qaataan baraarujinta dhallin-yarada iyo waayeelka ay seegtay taariikhda dhow ee dalkoodu. Waxaan kaloo rabaa, in guud ahaan bulshadu ka feejignaato qorshayaasha Khubarada Bur-Burka, oo runtii haddii lagala xisaabtami lahaa bur-burradii hore ku didibsan lahaa. Afeef: Khubarada Bur-Burku Ma aha Qolo, Qabiil, Iyo Jilib-toonna.




Anigoo aan daaq-geyn qormada, markaan ku soo gaabsho bur-burradii kala dambeeyay ee ina soo maray, ee aan ka soo bilaabo 1991 iyo sida "Khubarada Bur-Burku" ugu lug lahaayeen, Waxaan u kala qaadayaa sidan soo socota.




Xilligii Madax-weyne C/raxmaan Axmed Cali (Tuur) "Ilaahay Ha U Naxariisto" Xilligii Madax-weyne Muxamad X-Ibraahim Cigaal. (AHUN) Xilligii Madax-weyne Daahir Rayaale Kaahin. Xilligan Madax-weyne Axmed Muxamad Maxamuud (Siilaanyo)




Xilligii Madax-weyne C/raxmaan Axmed Cali (Tuur). (Allah Ha-U-Naxariisto) 1991-kii Madaxweyne C/raxmaan Axmed Cali, wuxuu magacaabay dawlad kooban oo uu isugu keenay labeentii iyo dadkii muddakar-ka ahaa ee Somaliland u dhashay, ilaa Zaylac ilaa Laas-qoray. Ogow, madaxweyne-ku-xigeenka C/raxmaan-tuur waa Xassan Ciise Jaamac (Guddoomiyaha urur-siyasadeedkii XAQ-SOOR). Tallaabadii kowaad oo madax-weyne C/raxmaan-tuur hindiseheeda lahaa, waxaa uu doonay in ciidamada lagu sameeyo hub-ka-dhigis, oo la hanto qoriga. Marka qoriga la hantona loo gudbo in la sameeyo ciidan qaran. Si ay taasi ugu meel marto, waxaa uu xushay koox ka mid ah saraakiishii SNM oo uu markaa u arkayay inay hawshaas hanan karayaan. Wadanka lacag looguma iman, oo bangiyadu waa haawanayeen. Dadaal badan oo ay gashay dawladdii C/raxmaan-tuur iyadoo kaashanaysa siyaasiyiin iyo wax-garad kale oo Somaliland iyo Somaliyaba u dhashay, waxay soo heleen, oo garoonka dayaaradaha ee Berbera ka soo dejiyeen lacag Shilin Soomaali ah oo dhammayd qiyaasta in ka badan 2 billion, oo ah noodh-ka kunka cas ah. 1.2 bilyan oo lacagtaas ka mid ah dawladii C/raxmaan-tuur waxay ugu talo-gashay in loo isticmaalo hub-ka-dhigis iyo dib-u-dhiska ciidan qaran oo ay Somaliland yeelato. In muddo ah, markii ay wadeen saraakiishii hawsha loo xil-saaray, oo aanay qaban wax la taaban karo, isla markaana aan ciidammadii weli hub-ka-dhigis lagu samayn, lacagtiina aanay wax naf-lihi ka ool, ayaa madax-weyne C/raxmaan-tuur bedelay saraakiishii uu markii hore xushay, wuxuuna xushay isla saraakiil kale oo ka tirsanayd SNM.




Taliyaha Guud ee Ciidamada wuxuu u xushay Xasan yoonis Habbane, Abbaanduulena wuxuu uga dhigay C/laahi Xuseen Iimaan (C/laahi-Darawal). Xassan Yoonis iyo C/laahi-darawal waxaa ay ku bilaabeen hawshii loo xil-saaray si dar-dar iyo daacadnimo ku jirto. Waxaa ay la kulmeen madaxdii fadhiisimada ciidamada Hargeysa deganaa, waxaa ay ku qanciyeen in loo baahan yahay in laga gudbo xaaladdan lagu jiro, oo loo gudbo in ciidan qaran la dhiso. Madaxdii fadhiisimmada ciidamadu waa aq-baleen arrinkaa. Intaa dabadeed, Hargeysa waxay kaga yimaaddeen ciidan nabad-gelyada suga, si aan dhibaato loogu geysan dadka. Waad garan kartaa in budhcadda iyo tuugadu ay ka faa'iidaystaan xilliyada kala guurka ah. Si aanay taasi u dhicin ayaa Hargeysa Ciidankaa Nabad-gelyada loogaga yimi, ciidammad intii kalena waxaa ay u dhaqaajiyeen Berbera, iyadoo ujeeddadu tahay inay ciidanka Berbera joogana qarameeyaan, Berbera ciidan nabad-gelyo u sameeyaan, dabadeedna ay Burco u gudbaan.




Subax ka mid ah bilihii jiilaalka (January ama February) ee 1992, ayaa ciidankii oo geeddi ahi kasoo galay Berbera dhinaca waddada ka timaadda Hargeysa. Subaxdaa anigu waxaan joogaa Berbera. -Haddii aan dib kuu yara celiyo, anigu waxaan ka mid ahay ciidankii SNM ee dalka ka qabsaday faqashta, waxaanaan kasoo qabtay kaalin hogaamineed ciidankaa SNM, Qaybtii 1aad-. Subaxdaa, waxaan arkay noloshayda gaadiid ciidan kii ugu faraha badnaa ee la geeddi-geliyo. Ciidankaa waxaa ka mid ahaa oo aan aad uga xasuustaa, Qaybtii 99aad, Sancaani, 10aad, iyo 11aad. Ciidanka waxaa hogaaminaya oo gaadhiga ugu horreeya saaran, Taliyihii Guud waa Xassan Yoonis Habbane, iyo Abbanduulihiisii waa C/laahi-darawal. Isla markii ay soo gaadheen Berbera, waxa ay ciidankii u leexiyeen xerada loo yaqaanno 'Guuttada', si kale u garan mayside marka aad joogto koontaroolkii hore ee Berbera, oo ahaa halka labada waddo ee Hargeysa iyo Burco ku kala baydhaan marka ay Berebera ka baxaan, ayay xerada 'Guutadu' kaga taallaa laamiga dhinaca Galbeedka, waana dugsiga xabaalaha uu ku aasan yahay Al-marxuum Muxamad Xaaji-Ibraahim Cigaal.




Subaxdii xigtay, Xassan Yoonis iyo C/laahi-darwal waxaa ay la kulmeen madaxdii ciidamda Berbera hore u sii joogay. Waxaa ay ku qanciyeen in si looga baxo faw-dada oo loogu gudbo ciidan qaran, ay ku soo biiraan walaalohoodan halkan maraya sidaana lagu dhiso ciidan qaran. Waa la isku af-gartay sidaas, laakiin qayb ka mid ahayd ciidankii Berebera hore u sii joogay ayuun baa fulisay ballantii. Ciidankii Berbera sii joogay ee aan fulin balantii uu kula ballamay Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka iyo abbaanduulihiisa, waxaa loo aanaynayaa in 'Khubarada Bur-Burku' ay iska hor-taageen inay ballantaa fuliyaan. Sidaas oo ay tahay, Xassan Yoonis iyo C/laahi-darawal wakhti ku filan bay siiyeen ciidankii aan fulin ballantii, si ay ugu yimaaddaan walaalahood. Laakiin, taasi may dhicine si deg-deg ah waxaa magaalad Berbera uga bilawday diyaar-garow dagaal oo ay hurinayaan 'Khubarada Bur-burku'.




Subax shanaaddii, waxaa uu amray Xassan Yoonis Habbane in gaadhi makarafoon la saaro, isla markaana lagu war-geliyo gaadiidka hubaysan ee magaalada jooga, iyo ciidamada kala duwaniba inay iska soo xaadiriyaan xerada 'Guutada', muddo 24 saacadood gudahood ah. Kii ku imaan waayana loo aqoonsanayo budhcad iyo fallaago ka horjeedda in C/qaran loo sameeyo Jamhuuriyadda Somaliland.




Habeenkaa magaaladu may seexan, khaasatan ciidankii qaadan waayay taladii loo soo jeediyay. Taa bedelkeedana, walalacda wildhanka lagu diyaarinayo gaadiidka dagaalka, qoryaha lidka diyaarada ah ee cagaha laga jarayo, iyo wiish-ka lalansanaya ee saaraya gaadiidka loo diyaariyay ayaa lagu mashquulsanaa. Waxaa kaloo la sameeyay, oo ay sameeyeen ciidankii talada qaadan waayay inay makarafoonno gaadiid saareen, waxaana cod sare lagu baahinayaa heeso markii hore waddani ahaa, haatanse ganac-jabay oo aan ka garanayo "..........Dhulka Saw Anigu Ma Lihi,..... Ninkii Dhoof Ku Yimibay Geeridu Dhibaysaa......". Gaadiidka heesahan baahinayaa, waxay ku wareegayaan magaalada Berbera gudaheeda, gaar ahaan waxay marba isa sii taagayaan si taxadir leh, agagaarka Hotel Shide-Yare.




Waagii ayaa beryay. Haddaba maxaa dhacay???




Qormadii II
 
Waxay inoo maraysay, Xassan Yoonis Habbane oo wada xaajood badan ka dib, amar ku bixiyay in 24 saacadood gudahood gaadiidka hubaysan iyo ciidamada kala duwan ee magaalada ku sugani ku yimaaddaan xerada ‘Guutada’. Dhanka kale, magaalada waxaa habeenkaa ka taagnaa diyaar-garow dagaal oo af iyo addin-ba leh, oo dhinac keliyihi ku jiro. Heesaha xamaasadda iyo kicinta loo adeegsanayay waxaa ka mid ahaa inta aan ka xasuusto “……..Ninkii dhoof Ku Yimibay Geeridu Dhibaysaa,…….. Dhulka Saw Anigu Ma Lihi,……” Ogow, cidda heesahan loogu dar-daar werinayaa, waa ciidanka ay hogaaminayaan Xassan Yoonis Habbane(AHN) iyo C/laahi Xuseen Iimaan (C/laahi-darawal), oo ah mas’uuliin qaran oo uu u magacaabay madaxweynihii waqtigaa ee Somaliland, Mudane C/raxmaan-tuur inay ciidamada hub-ka dhigis ku sameeyaan. Sidii aan hore idiinku soo sheegayna, ciidankani ma aha mid dhammantii Xassan Yoonis ay isku qolo yihiin, mana aha mid ay C/laahi-darawal isku hayb yihiin. Waagii ayaa beryay! Sidan soo socota ayaanay wax u dhaceen.
 
Taliskii Ciidanka Qaranku, qorshe ay habeenkii sii dhigteen oo aad sir u ahaa, oo ay ugu talo galeen in khasaaraha ugu yari ku dhaci karo ayay fuliyeen. Salaadda subax ka dib, markii nin iyo geed lakala gartay, waddo kasta oo Berbera soo gasha, dacalka ugu dhow ee ay magaalada ka soo gasho, waxaa taagnaa Ciidan Qaran oo ka amar-qaadanaya Taliska Dhexe ee Ciidanka Qaranka oo ah, Taliye Xassan Yoonis Habbane, Abbaanduule C/laahi-darawal, iyo saraakiishii maamulaysay colalka. Magaalada Berberi sidan ay iminka u fidday uma wayna. Haddii aan idiin tilmaamo meelaha ciidanka qaranka la dhigay waa sidan hoose.
 
1. Laba waddo oo xeryaha xoolaha ee Berbera ka soo gala dhinaca Koonfureed, waa dhinaca xaafadda Burco-sheekh, waxaa degay ciidan wata gaadiid aad u hubaysan.
 
2. Waddada Biyo-Guure u baxda oo ah bariga, iyo waddada Batalaale qabatana waxaa fadhiistay laba ciidan oo la mid ah kuwa degay dhinaca Burco-sheekh. Ciidanka bariga degay, magaalada siima dhex-marine, markay ka baxayeen xerada Guutada, waxay isku lug ahaayeen ciidanka Burco-sheekh dhabarkeeda degay. Sidaa ayaa intay magaalada dhinaca koonfureed ka mareen, ayay bari kaga yimaadeen goobahii loo asteeyay.
 
3. Waddada xeebta galbeed qabatana ciidanka waxaa la dhigay jeelka wayn iyo albaabka xoolaha nool ee dekkedda meel u dhaxaysa. Si kale u garan mayside waa xeradii geela Maxamed-cali. Maxamed-cali ma aha jabhadkii magacaa ku can-baxay, ee waa nin kale oo ku can baxay dhaqashada geel madani ah, oo Berbera aad looga yaqaannay isaga iyo geeliisaba.
 
4. Waddada haamaha shidaalka qabata, halka uu yahay guriga loo yaqaanno gurigii Ina-macallin, halkaana waxaa la dhigay ciidan. Ciidankaas waxay isu muuqdaan oo sidaan filayo iskaashi ka dhexeeyaa –haddii aan ciidan arki jiray- ciidankaa kala dhex-degay jeelka wayn iyo albaabka xoolaha nool ee dekkedda.
 
Qorraxdu markay baalka la soo baxday, ee aanay dhulka iska soo jarin, ayaa ciidan ilaa soddomeeyo gaadhi (tekniko) oo qoryo kala jaad-jaad ah ku hubaysani soo dhex-galay magaalada. In yar ka dibna, waxaa bilaabatay rasaas googoos ah oo u badan rasaas yar-yar. Garo oo hawlgalku wuxuu bilawday iyadoo dadweynuhu aanu aad usoo toosin, oo socodku yar yahay. Meheradahana waxaa furan makhaaydaha Geelluhu ka quraacdo iyo hudheelladii ugu horreeyay. Marka horebana dadweynuhu kuma lug laha is-mariwaaga ciidamda ee jira, maxaa yeelay xanaftii ka soo gaadhay dagaalkii ay kula jireen Ciidammadii Siyaad Barre ayaan weli ka bi’in. Markii rasaastu bilaabatay dadka intii magaalada dhex-maraysay waxay kala galeen guryaha. Meheradihiina albaabadaa loo laabay si aan sakati badani ku jirin. Hawl-gal muddo saacad-badhkeed ah socday ka dib, ciidankii qaranku dhammaan waxay gacanta ku dhigeen gaadiidkii ka soo hor-jeeday, iyadoo haba yaraatee aanu jirin khasaare dhimasho. Intaasi markay dhacday ayaa magaaladii dib loo furay.
 
Waxaa laga yaabaa inaad is weydiiso: Sidee ayaanu khasaare dhimasho u dhicin iska-hor-imaad dagaal oo socday muddo nusa-saac ku dhaw? Runtii jawaabta su’aashasi waa laba arrimood. Waa tan kowaade, labada ciidan midna ma doonayn inuu kan kale dilo, maxaa yeelay waxay u badnaayeen walaalo shalay dhinac u wada jeeday, oo xabbad cadaw (Faqash) oo aan u tudhayn wejiga u wada dhigayay. Sidaas darteed bay ku adkayd, inuu nin-ba ninka kale xabbad u quudho. Tan labaad waxay ahayd, in sabab buuran oo ay ku dagaalamaan aanay u muuqan ciidanka Berbera hore u sii joogay, ee aan gaadiidkooda keenin halkii uu kula ballamay Taliska Dhexe ee Ciidanka Qaranku, waa xeradii ‘Guutada’ e. Maxaa yeelay, in kastoo ay xalay dagaal u diyaar-garoobeen, haddana waxay isu miisamayeen waanadii iyo caqli-celintii ay u sameeyeen Taliska Dhexe ee Ciidanka Qaranku oo dhinac ah. Iyo warka ay u sheegayeen ‘Khubarada Bur-Burku’ oo ahaa in la idinku soo duulay oo la idin qabsanayo, Xassan Yoonis-na uu yahay nin aan cidna u tudhayn.
 
Waxaan hubaa in Xassan Yoonis iyo C/laahi-darawal wadnaha farta ku hayeen in khasaare ballaadhani dhaco. Markii hawl-galkii ku dhammaaday dhibaato la’aanna ay nafiseen oo ku faraxsanaayeen.
 
Akhristow, arrinta la yaabka lahayd waxay ahayd, markii gaadiidkii la isugu geeyay xeradii‘Guutada’. Dhawr saacadood ka dib, inamadii iyo gaadiidkii xalay aan joogin xerada ‘Guutadu’, waxay tageen xeradii ‘Guutada’ oo ay joogaan Xassan Yoonis iyo C/laahi-darawal. Taliskii ciidanku waa ay soo dhoweeyeen inamadii, waxa ay u sheegeen in aan cid cid kale ku soo duushay jirin, keliya inay doonayaan inay ciidan qaran abuuraan, iminkana aanu jirin mid idinka mid ah oo dembiile ahaanayaa, oo aad soo gashaan xerada, gaadiidkiinnii dib u fuushaan, aad sidaas kaga mid ahaataan ciidanka la doonayo in dib loo dhiso. Arrintaasi waxay yaab iyo fajaciso ku noqotay inamadii. Sidaas ayay badiba inamadii kaga mid noqdeen ciidankii halkaa degganaa oo ay ku walaaloobeen. Isla duhurnimadiiba waxaa la arkayey iyagoo kuwii saaka iska soo horjeeday, oo isku badhxani raabe-raabe iyagoo lugaynaya u iibsanaya qaad oo wada socda, dibna ugu noqonaya xeradoodii, ama ku wada qayilaya maqaaxiyaha. Waxaad arkaysay, iyagoo kuwii iska soo hor-jeeday sida ay u kala qalbi wanaagsan yihiin, laabta isa saaraya oo isku-ooyaya. Waxaad arkaysay, iyagoo ilaahay ugu mahad-naqaya inaanu dhiig dhexdooda ku daadan. Waxaad arkaysay iyagoo farxad iyo ray-rayn iyo kalsooni ku kaftamaya, oo shaydaanka iska naaraya. Waxaad arkaysay iyagoo ka qoomamoonaya sida ay hoog iyo kugu-dhimay-oo-kaa-dhimay faraha ula geli gaadheen. Intaasi haddii ay guul laba dhinac (win-win) ku dhamaatay, cid bay ku ahayd in Waa Baas u beryay, waa ‘Khubarada Bur-Burka’
 
La soco Qaybta III.
W/Qoray: Maxamuud Axmad Oday




 




 

Soo Digii ku Digriyi jiray “UDUB WAY TEGAYSAAYE, HA TAHRIIBIN WALAL”


Dhalinyaroy ka digtoonow! “Beenta Casriyaysan ee loo yaqaano Dab-damiska”
Waxaan jeclaystay inaaan ku soo bandhigo qormadan kooban, qoraal xambaarsan xikmada
odhanaysa “Kud ka Guur oo Qanjo u Guur” odhaahdan oo u jeedada aan u soo biyo dhici doono, aan ugu horayn u hambalyeeyo xukuumada uu hogaamiyo Madaweyne Siilaanyo, oo saddex jirsatay!(happy birth day ).
Hadaba waxay iswaydiintu tahay maxay keentay wax isbedela, oo ka duwan tii Madaxweyne Rayaale? Ma qof ku bedel qof ayaa wadanku ?




Waxa hubaal ah inaanay waxba iska bedelin bulshada ku dhaqan wadanka, gar,ahaan dhalinyarada oo inta badan ka cabata shaqo la,aan, waxa ka sii daran oo ugub ku ah casrigan,been cilmiyaysan  oo aad moodo in loo isticmaalayo sida “DAB-DAMIS”oo kale.




Anigoon jeclayn inaan ku sii fogaado isbar-bar dhiga labadii xukuumadood ee ugu dambeeyay kuwaasi oo  aynu xaq ugu leenahay inaynu ku canaano isbedel iyo horumar, maadama oo Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur)iyo Madaxweyne Maxamed X. Ibrahim Cigaal ku mashquulsanaayeen dhisida haykal dowladeed oo dhamaystiran.




Dowladii hore ee Madaxweyne Rayaale waxaan inbadan ku dhaliili jiray dhalinyarada iyo tahriibka. Waxan ku rajo waynaa dawlad cusub oo dhalataa inay wax ka bedeli doonto mushkilada tahriibta oo sidaynu ka dheregsanahay ay tiir dhexaad u tahay shaqo la,aantu, laakiin se, waxa dhacday in dawlada maanta talada wadanka haysa ee uu hogaamiyo Madaweyne Siilaanyo noqotay tii ugu darayd abid taariikhda Somaliland ee ku caan baxda “BEEN”. Beentaas oo weliba la jaanqaadaysa technologyada.




Runtii waxan u hanweynaa labba qodob ood moodo, inaan aad ugu farxay markaan ka maqlay dhawaaqa xukuumada cusub ee Somaliland, balse dhicisoobay!




Midi waxay ahayd markii Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale uu baarlamanka hortiisa ka shaaciyay inuu sanadkan shaqaalaysiinayo 1500 oo ardaydii jamacadaha ka qalinjebisay ah! Waxay ahayd talaabo mudan in lagu majiirto masuulka hadalku ka soo yeedhay, laakiin waxa waqtigaa taagnayd hadal-hayn badan oo ku saabsan shaqo la,aanta, iyo xafladihii qalinjebinta jaamacadaha oo inyar ka hor u kala hor dheerayn jireen masuuliyiinta dawladu siday uga qayb-geli lahaayeen, habada hadalka wasiirku wuxu ahaa Dab-damis!!




Waxa farxad gaara lahayd, maalin maal-maha ka mida ayaan arkay dhalinyaro ka soo baxday imtixaan laga qaaday oo shaqaale ku doonayso wasaarada maaliyadu, naasiib daro inkastoo ay dhalinyadu ahayd qaar dadka lagu tusayo dhalanteed oo dhabtu ahayd in hoos loo qoran doono shaqaalaha, hadana waxay ahayd niyad dhis wanaagsan in muwaadinku  arko inuu ku tar-tamayo shaqooyinka wadankiisa iyo dawladiisa looga baahday. Hadaba su,aasha iswaydiinta lihi waxay tahay, maxaa ku dhacay wasaaradihii kale oo imtixaan loogu geliwayay, halkay ku dambaysay 1500 ee shaqaale, halkay ka shaqeeyaan, se haday shaqeeyaana yaa qortay? Sifadee loo maray shaqaalaysiinta dhalinyaradaasi?




Mida labaada waxay ahady ayaamo dhawayd waxa tahriibku gaadhay meeshii ugu xumayd, taasi oo ka baxsanayd meel uu ka  adkaysto qof damiir lihi, sidoo kale markii xukuumada Siilaanyo oo ku dhawaata inay shicib isu bedelaan masuuliyiintu markay maqlaan inyar oo mucaarada, ayaa waxay sameeyeen Dab-damis kale.




Taasi oo ahayd wax loogu yeedhay “shirweynaha wada tashiga shaqo abuurka ee wadanka” kaasi oo ahaa dab-damis, dadka hadalkooda lagu majaro habaabinayo.




Maxaa keenay marka dadku ka qayliyeen in dhalinyarada tahriibaysa la yidhaa waa laga wada tashanayaa? Se miyaanad qorshe u hayn ka hor qaylada dadka? ileen waadigii buuga yelowga ah sidan jiray ee nagu dewersanjiray ee lahaa, tahriibta ayaan waxka qabanayaaye? Soo digii ku digriyi jiray “Udub way tegaysaaye, ha tahriibin walal!!




Hadaba beentan casriyaysan ee la jaan-qaadaysa jiilka cusub, waxay u baahantahay inay dhalinyarada laftoodu ka yeeshaan talo qaran.




Waxaynu ku kalsoonahay ilaahay markasta SWT, inuu Somaliland siduu nabad-gelayada ku siiyay, una siiyo hogaamiye toosan oo aanu habaar ku dhicin.




Ugu dambayntii yaan laga daalin Somalilandnimada iyo ilaalinta qarankeena curdinka ah,




Somaliland Guul.




Lasoco qormooyinkan ………..…………….
Mahadsanidiin.




Qalinka: Mahad Abdi Ali
Mahad252@hotmail.com
Hargeisa,Somaliland.




 




 

Hashu Maankaygii Gadaye Ma Maansaar Bay Liqday?


Bismilah maanta waxa aan jeclaaday oo aan qalinka u qaatay in aan waxyar ka taabto marxalada  uu wadanku ku sugan yahay.




Anigoo jecel  in aan wixii talo ah ee suurto gal ah aan halkan u mariyo madaxweynaha s/land




Mudane  AHMED MAHAMED MAHAMOUD (SIILANYO). Waxa mahad iska leh ilaaha inagu galadaystay nimcadan aynu ku jirno ee ah inaynu fikirkeena  Halkan isku waydaarsano,waxa kale oo mahad iska leh alle sw dabadii inta jecel maqaalada  Madaxa banana iyo shacbi weynaha s/land. Walaalayaal hadii aan u daadago dulucda odhaahdaydu waxa ay tahay inyar oo aan u arko inay tahay  Dhaliil yar balse u baahan toosin yar. Walaalayal beryahan dambe waxad mooda in siyaasada xukuumada s/land ama gaar ahaan wasiiradii Madaxweynuhu u igmaday inay ushaqeeyaan bulshada ay saxaafada uun aad ku arkayso hadh iyo habeen iyagoo dadka aflagaadaynaya waar miyay hilmaameen shaqadii ay umada u hayeen  Mise iyagu ma qabtaane waa loo qabtaayo turubkay madaxtooyada ku dhex ciyaaraan. Hore ayaa loo yidhi nin xilqaaday eed qaadye,hadii wax laga sheego miyay dulqaataan  Oo shaqooyinkooda ku foofaan ma I jiid aan ku jiidee ayay noqotay taladiii dawladu . Ninkii aan doonaynin in la dhaliilo muxuu soo doonay miyuu halkiisii iska joogo ilayn cidi kumay Soo doonateene ,cidina kumay barateene. Walaalayaal marwalba waxay nu maqalnaa isku shaandhayn lagu sameeyay golaha wasiirada S/land. Ma xuma in isku shaandhayn lasameeyaa oo waa sunaha dawladnimo oo loogu talo galay in  lagu muujiyo waxqabadka ay umadu ka sugayso dawladeeda,balse tani matahay mid lagu muujinayo  Waxqabad ama loo niyooday horumarka dadka iyo dalkuba ay ka sugayaan xukuumadooda Aniga waxa aan u arkaa iskada wax qabade ay tahay dib u dhac wayn waayo marka isku shaandhayn lasameeyoba waxa lagu sii daraa tiro wasiiro ah ama wasiiru dawlayaal ah ama wasiirku xigeeno ah ama  Jagooyin cusub oo meel la deeqsiinayo oo reeraysan waliba . Hadaba su’aashu waxay tahay ma xalbaa in dalyar oo aan aqoonsi haysani uu yeesho 46 wasiir,wasiiru dawle ,iyo wasiir ku xigeeno.Taaba waxa sii dheer agaasimayashii iyo la taliyayaashii.




TUSAALE: wasiiru dawlaha madaxtooyada, wasiiru dawlaha maaliyada ,wasiiru dawlaha waxbarashada, wasiiru dawlaha arimaha dibada. Miyaanay ahayn shaqo rag loo waayay oo la jihaynayo ,anuu waxan qabaa in laga maarmi karo  Mar haday joogaan dhamaan wasaaradahaasi rag aqoon u leh oo ka adag wasaaradahooga.




Waxa kale oo jira xukuumada maanta talada haysa ee uu hogaamiyo




MUDANE: AHMED MAHAMED MAHAMOUD (SIILANYO),markii uu ololaha doorashada ku jiray




Waxa uu balan qaaday in uu dhisi doono dawlad yar oo tayo leh dadka iyo dalkana wax u qabata. Isagoo markii ugu horaysay ku bilaabay wasiirada 20 WASIIR IYO 6 WASIIR  KU XIGEEN IYO 18 wasaaradood.




Maalintii 28/july/2013 waxa uu madaxweyne SIILAANYO  kala wareegay talada xukuumada. Madaxweynihii hore ee s/land MUDANE: DAAHIR RIYAALE KAAHIN.




Alle raali haka ahaade isagoo 8 sano wadanka xukumayay lahaa guud ahaan tirade wasiiradiisu, Wasiir ku xigeenadiisa iyo wasiiru dawlayaashiisu ay ahaayeen 52 wasiir,wasiir ku xigeen,wasiiru dawlayaal. Maanta oo ay xukuumada  siilaanyo ay 3 jirsatay na waxa ay marayaan 46 wasiir,wasiirku xigeen ,wasiiru dawlayaal iyo inka badan dhawr iyo labaatan wasaaradood. Hadaba walaalayaal iyadoo miisaaniyadeena yar ee curdinka ahi ay imika aad moodo inay inyar inyar  Soo koraysa oo ay ahayd sanadkii 2013 miisaaniyadu 125 milyan $.




Makula muuqata in dadka iyo dalkaba wax loogu qabanayo,alaylehe jawaabtu waa maya haday tirada  Weji ku maxaabista ahi ee beelaysani ay jirto. Hadaba walaalayaal si dakhliga yar ee umadu haysato loo ilaaliyo oo ay unabad gasho waxa loo bahan yahay saddexdan qodob:




1.TASHIIL:  in loo tashiilo hantida yar ee ay umada leedahay oo wax loogu qabto .




2.TAXLIIL: in taxliil looga dhigo dadka caadaystay musuqmaasuqa iyo dibudhaca.




3.TURUQ: in si wada jir ah danta umada mucaarad iyo muxaafad,shicib iyo dawladba loo midaysnaado oo turuq lagashado wadanka .




TALLO.




Waxa aan madax waynaha usoo jeedinaya anigoo ku amaanaya wax qabadkiisa balaadhan ee uu muujiyay




Iyadoo waxbadanina ay u hadhsan yihiin. Madaxwayne shalay waxaad ahayd mujaahid dalka iyo dadkaba usoo halgamay sidii aad dalka  Ugu soo hiilisay ayay dadka reer s/landna kuugu hiiliyeen markii aad musharaxa madaxweyne ka




Ahayd xisbiga kulmiye. Miyaad ilowday madaxweyne shalay markii ay dadka reer s/land inta ay labada gacmood ku qabteen Suuqa dhexdiisa kugula mudaharaadayay ee ay dhalinyartii reer hargeisa ahayd ee qaar kamidi rasaastii  Ay askartu ridaysay qaarkood ku dhinteen.




Miyaad ilowday markii rag,dumar,iyo cirooleba ahaa ay naftooda kuu hibeeyeen. Isku soo wada duuboo waxa aan talo usoo jeedinayaa madaxwaynaha wakhti xaadirkan  talada haya ee




MUDANE:AHMED MAHAMED MAHAMOUD (SIILAANYO)




1.In aad dadka iyo dalkaba ku hogaamiso daacad,cadaalad,wax qabad ,iyo karti,




Adigoo eegaya sida aad ugu cadaalad samayso dhamaanba beelaha wada dega dhulka s/land.




Horaa loo yidhi QAYBIYAA QADA EE HADAY CIDI  QADAYSO WAA INAAD ADIGU QADAA.




2.Waa inaad dalka iyo dadkaba ku hogaamisaa wada tashi is maqal iyo cabudhin la’aan.




Hadii kale oo ay timaado taa mid ka duwani  waad u indho fiiqan tahay dalalka carabta iyo afrika




Qaarkood waxa kasocda iyo halkay ku dambeeyeen ragii awoodaha is biday.




3.Waa in aad ogaataa cabashada dadwaynaha ama shacabka reer s/land kaaga timaadaa




Waxa keenay  oo aad xal u raadisaa.




Anagoo dhamaan tayo beryahan danbe maqmaqlayno  wasiir inta uu shaqadii aad u igmatay ee uu shacabka u hayay inta uu iloobay cay uun warbaahinta la taagan,waa inaad madaxweyne ninkaa




Sharafta iyo maamuuskii aad la hayd wax udhimay waa in aad wax ka qabataa,oo aad arinkiisa meel




Uridaa.Ileen dadku aday ku doorteene isaga may doorane.




   4.Waa inaad tirada wasiirada iyo wasaaradaha aad ka dhigtaa wixii aad shalay umada ugu balan                               qaaday illaahayna waa ka yidhi :waar balanka oofiya balanku waa masuul adage.TIRO YAR OO TAYO LEH.             




5.Madaxweyne dalka iyo dadkuba waxa uu ubaahan yahay badbaado qaran.




DADKA:dadku badbaado ayuu ubaahan yahay waayo noloshii ayaabay la daalaa dhacayaan ,




Dhalinyaradu shaqo la’aan ayay la daalaa dhacayaan markaa waxa loo baahan yahay horumar




Iyo wada jir in loo hawl galo .




DALKA:dalku badbaado ayuu ubaahan yahay oo marxalada uu ku jiro waa la ogyahay rag xamar




Joogaana waysoo hanjabayaan oo uu ka mid yahay ninka janaraalka ka ah ciidamada Somalia




Ee la yidhaa CAANOOD markaa in laysku mashquulaa ma qurux badna ee in ciiidamada iyo




Qalabkoda la tayeeyo oo la diyaar garoobaa aad ayay u wanagsan tahay.




 W/Q: Ismaaciil Axmed Ismaaciil




atoor52@hotmail.co.uk  




            




 




 




 




 

Axmed Godane: Dagaalka aanu Gaalada kula jirnaa Waa mid Xuduud lahayn,waa mid aan Habar gaar ah ku waajahnayn”.


Muqdisho(GNA)-"Waxaan halkaan dar daaran ugu soo gudbinayaa Mujaahidiinta, dardaaranka 2 waa arrin aan looga maarmin in Jihaadku uu maqbuul noqdo, 3-na waa tiirar aan looga maarmin isku duubmida safka Mujaahidiinta, 3-na waxey inoogu kaalmeynayaan dagaalka aan kula jirno cadowgeena, 3-na waa sifaat iyo tilmaamo ay tahay qofka Mujaahidka ah inuu ku tilmaanaado dagaalka lagula jiro Saliibiyiinta"sidaasi waxa yidhi Amiirka Guud ee ee Xarakadda Al-shaabab Mukhtaar Abusubayr oo soo saaray fariin Maqal ah oo uu kaga hadlayo arimo badan.




Maqaalka codka ah ee uu soo saaray oo soconayay ilaa saacad iyo sideed daqiiqo, ayuu sidoo kale ku sheegay "Waxaa loo baahan yahay qofka Mujaahidka ah inuu ogaado dagaalka maanta aan gaalada kula jirnaa inuu yahay dagaal aan xuduud laheyn, oo bad iyo birri-ba ah, cir iyo dhul ah, wadan gaar ah, wadan gaar ah aan ku ekeyn, asaaliibtiisuna aaney ku ekeyn Asluub ama hab gaar ah, balse ay tahay hab waliba oo ay ku imaan karto"ayuu hadalkiisa sii raaciyay.




Isagoo tix gabay ah ku cabiraya ayuu sheegay in guusha iyo Nasriga la sugayo inay ka horeeyaan imtixaano iyo kala sooc dadka ah, taas oo ah Sunnada ALLAH ayna tahay in Mujaahidiintu ay adkeysi iyo thabaat kaga gudbaan.




 




Abuu Zubeyr ayaa ugu baaqay dagaalyahanada Shabaab inay hormariyaan xeelahada iyo taatikada dagaal, sidoo kale ay xoojiyaan aqoonsiga dhulka keymaha oo ay kula dagaalami karaan cadawga sida uu yiri.




 




Wuxuu sidoo kale adkeeyay in xeeladha dagaalka oo la hormariyo ay qeyb ka tahay dagaalka Jihaadka, sidaa darteed ugu baaqay Mujaahidiinta inay si wanaagsan u meel mariyaan xeeladahooda dagaalka ayna xoojiyaan aqoontooda dhulka iyo sida uu kala duwan yahay.




 




Fariintiisa oo dhinaca kale aheyd qaab muxaadaro ah ayaa waxa uu ugu dambeyn ku soo qaaday waxa uu ugu yeedhay shirqoolada ka dhanka ah Shabaab iyo talooyin lagu bixiyay in la kala qeybiyo Mujaahidiinta, taasoo uu dagaalyahanadiisa uga digay inay raacaan.




 




fariintan ayaa noqonaysa tii ugu  horeysay ee uu diray tan iyo markii  ay dibada u soo baxday khilaafka Ururka Al-shabaab.




Islamarkaana howl gal ka dhacay bishii Shacbaan magaalada Baraawe lagu dilay Ibraahim Afhgaan iyo Macalin Burhaan oo labaduba ka mid ahaa Saraakiisha Shabaab ee ay aadka isugu dhawaayeen.




sidoo kalena uu isa soo dhiibay Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa hogaamiyayaasha Ururka Al-shabaab, kaasoo markii labada sarkaal la toogtay ka soo firxaday Baraawe.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com




 

Tuesday, July 30, 2013

Kabtan Casillas: Gareth Bale Waa Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Fiican Yurub.


Kabtanka Real Madrid Iker Casillas ayaa ku tilmaamay Gareth Bale mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican Yurub, iyadoo kooxda reer Spain ay diyaar u tahay inay rikoor kale oo suuqa kala iibsiga ku jabiso xiddiga Tottenham.




Waxaa la rumeysan yahay in Tottenham ay soo diiday isbuuc dhamaadkii dalab aad u culus oo Bale u yimid, si kastaba, waxaa la soo warinayaa in Real Madrid ay isku diyaarineyso si kale oo ay ugu dhawaato ciyaaryahanka.




Casillas oo ka hadlayay fasaxa ay Madrid ku joogto Los Angeles ayaa amaan kala duldhacay Bale markii wax laga weydiiyay xiisaha ay kooxda u heyso xiddiga reer Wales.




“Waxaan ka hadleynaa ciyaaryahan ka mid ah seddexda ama afarta ciyaaryahan ee ugu fiican Yurub, waana wax iska caadi ah in isaga laga hadlo sababtoo ah waxa uu ku jiraa xaalad aad u fiican oo ciyaarta ah.” Ayuu Casillas u sheegay suxufiyiinta.




Saxaafada Ingariiska iyo Spain ayaa labadoodaba warinaya in Bale lagu doonayo 120 milyan euros lacag ku dhow taasoo ka dhigeysa mid jabineysa rikoorkii Madrid ay ku soo iibsatay Cristiano Ronaldo 2009kii.




“Qiimihiisa? Waxyaabaha la sheegayo oo dhan waa iska xan, laakiin waxaan ka hadleynaa ciyaaryahan muhim ah oo aad u fiican” ayuu hadalkiisa raaciyay Casillas.




 




 




“Ilaa iyo inta uu suuqa kala iibsiga ka xirmayo, waxaa jirto fursad uu ciyaaryahan halkaan ku imaanayo.”

Tababaraha Cusub Ee Barca Oo Dalbaday In Loo Keeno Midkood Shan Daafac Oo Ingariiska Ka Ciyaara.


Tababaraha cusub ee kooxda Barcelona Gerardo Martino ayaa kooxda u gudbiyay liis ay ku qoran yihiin shan daafac oo Premier League ka ciyaarta oo uu doonayo in midkood la keeno Camp Nou xagaagan, sida ay qortay Daily Mail.




Wargeyska ayaa sheegaya in Tata Martino uu la kulmay shalayto agaasimaha kooxda Andoni Zubizarreta isagoo u gudbiyay qorshihiisa suuqa kala iibsiga, waxaana uu dalbaday in loo soo iibiyo midkood Vincent Kompany, David Luiz, Dan Agger, Thomas Vermaelen, Jan Vertonghen ka hor inta uusan bilaaban xilli ciyaareedka cusub bisha soo socota.




Waxaana ay talaabadan ay ruxi doontaa kooxaha waa weyn ee Ingariiska oo ciyaaryahan walba uu muhim ka yahay.




Agger, Luiz iyo Vermaelen ayaa in muddo ah diirada u saarnaa Barcelona, waxaana Liverpool, Chelsea iyo Arsenal ay dagaal adag u geli doonaan inay ceshtaan isbuucyada soo socda.




Barcelona ayaa muhiimadeeda ugu weyn ee suuqa kala iibsiga waxa ay haatan tahay sidii ay ku heli lahaayeen daafac dhexe oo cusub ka dib markii Javier Mascherano iyo Alex Song lagu qasbay inay booskaas ciyaaraan dhaawacyo soo wajahay Gerard Pique iyo Carles Puyol aawadeed.




 




 




Waxa ay doonayeen daafaca kooxda PSG Thiago Silva laakiinse waa ay ku hungoobeen iyadoo daafaca reer Brazil uu heshiis cusub u saxiixay kooxda heysata horyaalka Faransiiska.

Neymar Oo La Filayo Inuu Markii Ugu Horeysay U Ciyaaro Barcelona Maanta.


Saxiixa cusub ee xagaaga Neymar ayaa laga yaabaa inuu kulankiisii ugu horeysay u safto Barcelona manta, isagoo lagu soo daray kooxda wajaheysa Lechia Gdansk.




Inkastoo uu tababarka Barcelona soo xaadiray kaliya shalayto, waxaa la qiyaasayaa hadii 21 jirkaan uu taam yahay inuu ciyaari doono kulanka ay Catalans ugu safartay Poland ee saaxiibtinimo.




Sababta saxiixaan 57 milyan euro ku fadhiya loogu soo daray kooxda Barcelona ee joogta Poland ayaa loo arkaa inay magdhow u tahay kooxda Lechia Gdansk, madaama Barcelona ay baajisay kulankaan oo dhici lahaa 20kii July xilligaasoo ay ku soo beegantay iscasilaadii Tito Vilanova.




Ciyaaryahanka ayaa marii uu shalay maray baaritaan caafimaad, waxaa lagu daray kooxda loo magacaabay in ay wajaheyso maanta Lechia Gdansk.




Ciyaartoydii ciyaaray kulamadii saaxiibtinimo ee Bayern Munich iyo Valerenga ayaa sidoo kale lagu soo daray marka laga reebo Javier Mascherano.




Tababaraha cusub Gerardo Martino ayaan kooxda macalin u noqon doonin kulanka maanta, taas bedelkeeda waxa uu mas’uuliyada saaray caawiyayaasha Jordi Roura iyo Rubi, isagoo sii joogaya Barcelona halkaasoo uu ku leylinayo Mascherano, Dani Alves iyo ciyaartoyda Isbaanishka ee fasaxa ka soo laabatay shalayto.




 




 




Kooxda Barcelona Ee Wajaheysa Lechia Gdansk: Pinto, Oier, Montoya, Bartra, Adriano, Song, Sergi Roberto, Dos Santos, Messi, Tello, Neymar, Alexis, Sergi Gómez, Planas, Joan Román, Dani Nieto, Bagnack, Samper, Ilie, Patric, Dongou, Espinosa and Kiko Femenía

SLN: Jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera oo Dayac badani soo food-saaray, xili Dawladu Malaayiin lacag ah ku bixiso Loolan iyo Laaluush siyaasadeed


 Hargeysa(GNA)-Dayac iyo Bur-bur laxaad leh ayaa soo food saaray Jidka isku xidha Berbera iyo Hargeysa oo muhiimad weyn u leh isu socodka Goboladda Somaliland, siiba Magaalada Berbera oo ay ku taalo Dekedda wax uga soo degaan Somaliland  iyo Goboladda Galbeedka oo ay ka mid tahay Magaalo Ganacsiga Wajaale  ee xuduudka saaran.




Jidkan ayaa meelo badan ka googo’an, isla markaana gaadiidku dhibaato kala kulmaan xiliga ay marayaan, iyadoo uu jiro dil-dilaac iyo Godad tiro badan oo dayac tir iyo hagaajin u baahan oo wadadaasi soo food-saaray.




Boqolaal Gaadiid ah oo isugu jira kuwa Xamuulka qaada iyo kuwa ay raacaan dadka isaga goosha laba Gobol ayaa maalin kasta Isticmaala Jidkaasi, kuwaasoo dhibaato dhanka socodka ah kala kulma, isla markaana mar kasta oo ay ku safrayaan halkaasi karahsada Godadka iyo Laagaha ka dilaacay Diilinta Laamiga oo labadii KM mitirba tobanaan god iyo dilaac ka muuqdaan.




“Wadadan waxa dhisay Cumaan, sidii loo dhisayna wax dambe oo hagaagsan lagama qaban, waxaanad moodaa inaanay dawladu warba ka hayn, waxaana maalin walba soo mara boqolaal Gaadhi oo sida Badeecado kumanaan ton ah iyo kuwo dad la socdaan”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Wadayaasha sida joogtada ah u mara wadadasi.




Magaalada Berbera ee Jidkani galo ama ka soo baxo waxa ku yaala Dekedda Somaliland Baddeecadaha Ganacsiga iyo kuwa kaleba uga soo degaan, taasoo dawladu ka hesho saddex meeloodow laba meelood Dhaqaalaha ay ku shaqayso iyo Madaarka ugu weyn waddanka oo hada ay maalin kasta oo degaan boqolaal qof oo dibada iyo dariska diyaarado ka soo raacay, kaasoo isuguna muhimaad khaasa ugu fadhiya dhanka Dakhliga iyo adeega socdaalka dadweynaha ee dibada iyo gudaha.








 



Dhanka kale Magaalada Hargeysa ayaa ah Caasimadda dalka oo ay Kumanaan qof si joogto ah muraadyo uga soo raadsadaan Goboladda Bari ee Somaliland oo Dariiqan soo mara, kuwaasoo dadka berbera iyo hargeysa u soo kala safra la qaba dhibaatada dayaca wadada ka dhalata .




Deegaamada ugu daran ee wadadu ka bur-bursantahay waxa ka mid ah inta u dhaxaysa Tuulada xamaas iyo ilaa Dacar budhuq oo dhinaca Gobolka Saaxil ah iyo Degmada Aw-barkhad leh ilaa iyo Dacar Budhuq, haba ugu darnaadeen kuwa dhinaca Berbera ka xiga Dacar-budhuqe.




Wariye ka tirsan Warbaahinta Gobanimonews oo safar ku maray jidkan ayaa indhihiisa ku soo arkay meelo ka mid ah wadadan oo Bohol waaweyn noqday iyo jeex-jeexyo ka dilaacay oo u daran socodka Baabuurta, kuwaasoo gawaadhida Rarka culus sidaa ku maraan xawaare aad u hooseeya, kuwa lagu tamashleeyo iyo kuwa dadka qaadaana rafaad ku maraan.




Inkasta oo ay jiraan meelo badan oo wadadan laga kab-kabay wakhti hore oo ay sii muuqdaan raadad muujinaya in xili hore dayactir lagu sameeyay, hadana  bur-burka soo wajahay xiligani waxa uu muujinayaa inaan waxba laga qaban muddo dheer oo ay Roobab waaweyni ka da’een deegaamada ay marto, isla markaana Daadadku jareen qaybo badan oo ka mid ah jeex-jeexyada ka dilaacay.




Wax- ka qabasho la’aanta dayaca Jidkan ayaa lagu dhaliilayaa xukuumadda Somaliland iyo dadka Ganacsatada ah ee ay Hantida badani u soo marto Maalin kasta, kuwaasoo aan la odhan kari way ka war ka la’yihiin dayaca la soo dersay, balse u muuqda kuwo indhaha ka qarsanaya arintan.




Waxaana si gaar ah loogu canaannayaa Hay’ada dawlada u qaabilsan horumarinta Waddooyinka oo hawshani si gaar ah u khusayso, taasoo sanadkii hore Madaxweynuhu digreeto ku hoos-geeyay Wasaaradda madaxtooyada, ilaa hadana shaqo muuqata oo ay qabatay jirin, marka laga yimaado Wadooyin iskaa wax u qabso lagu sameeyay oo Wasiirka madaxtooyada xadhiga ka jarayay Bilihii u dambeeyay.




“Lacagta Berbera ka soo baxda waxa lagu cunaa Madaxtooyada, Laamida la soo mariyaana waataasoo dayac iyo dar xumaa ka muuqata, sidii loo sameeyayna dayactir hagaagsan oo dambe lagu samayn”sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah Waddeyaasha Baabuurta dadweynaha qaade ee u kala gooshta Hargeysa iyo Berbera.




Si kastaba ha ahaatee maa jirto ceeb iyo Dhaliil ka weyn dal dhan oo uu bur-buray dariiqii isku xidhayay Caasimadiisa iyo Magaalada ay ku taalo Dekedda kali ah ee ay wax uga soo degeen, kana soo galo dhaqaalaha ugu badan ee ay dawladu hesho, hadana Mujtamaca Caalamka mar kasta waydiista inay maal-gashi ka samaystaan.




Waayo? Ma jiro Dal ama qof Hantidiisa ku aaminaya dawlada iyo dad Baylahda Hantidoodu Al-baabka laga soo galo ilaa Daakhilka wadhantahay oo waxba ka qaban kari waayay, hadana maalin kasta yooyoon siyaasadeed iyo loolan Doorasho ku jira, sida hada ka muuqata Somaliland oo kale.




Si aanay taasi u dhicin, hadii ay dhacdayna looga soo kabto, waxa muhiim ah inay xukuumadda talada haysa iyo Maalqabeenada Malaayiinka Dollar marinkaasi u soo maraan iska kaashadaan dib dhiska waddan, isla markaana waddamada qaadhaan bixiyayaasha  u bandhigaan sidii Biriijyo looga dhisi lahaa Doocyada waaweyn ee wadadan ka gudba oo ah Mahalako sanad kasta Xilyada Roobka  ay ku naf-waayaan tobanaan qof, hanti badanina ku baa’bado.




Hadiise taasi la samayn waayo, ma jirto wax macno ah oo ay samaynayso Dimuquraadiyad iyo horumar siyaasadeed oo waddanku gaadhaa, dayacanina wuxuu noqon doonaa mid saamayn dhaqaale iyo mid nololeedba yeesha.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com  




 

Axmed Arwo: Xusuusta Talooyinkaygii 2007 ee Kulmiye


Waxaan jecleystay inaan maqaalkan aan daabacay September 04/2007, aan dib idiin xusuusiyo, iyadoo aynu ku jirno dabaaldegi sannad guurada seddexaad ee xukuumadda Kulmiye. Waxaan dib u eegey qodobadii aan soo jeediyey xiligaas oo Kulmiye isu ababulaayey Shirweyne. In badan oo muhiim ah ayey Alle mahadi ha ka gaadee laga qabtay, waxna wey dhiman yihiin waana sunaha nolosha oo cidina ma fuliso qorshaheeda boqolkiiba boqol, waa se inaynu isku deynaa. Waxa kale oo igu kalifey waa isla shirweynii Kulmiye oo isna daaqada soo saaran. Waxaan muuqata isla duruufihii xiligaas jirey kolkaas dardarankani waa mid xiligiisii iyo goobtiisii shiishku ku beegan yahay.  


 




KULMIYE ALLE KA SAKOW ISAGAA GUUSHA ISU HAYA



 



AHMED ARWO



September 04, 2007



 



Saaxadda siyaasadda ee Soomaliland, waxa cad in aqlibiyadda shacbigu sugayaan hoggaanka dalka oo lagu wareejiyo Kulmiye, haddii aanu Kulmiye iska daadin. 



 



Maanta xisbigu waa mid qaran oo matalaaya gobal kasta oo Soomaaaliland ah, waana in laabta lagu hayaa dhismaha qaran loo dhan yahay, gobal waliba iska dhex arko maamulkiisa, la xoojiyaa awoodaha gobolada. Kulmiye waa inuu la yimaadaa barnaamaj u qalma hiilka dadweynaha. Waxaa u bilow ah inay barnaamajka xisbigu ku salaysnaado:



 





  1. Dib u eegidda distoorka, si loo adkeeyo dimuquraadiyadda iyo hab-maamul-wanaaga, oo ay ugu horreyso kala xadaynta Golaha Fulinta, Sharci-dejinta iyo Garsoorka.




  2. Dhismaha Xukuumad kooban oo tayayeysan.




  3. Adkaynta dhismaha ciidanka, darajo, dhaqaale iyo farsamaba.




  4. Kor-u-qaadka aqoonta iyo ka xooreynta shaqaalaha dawladda arrimaha siyaasadda. Hab-dhaqanaka shaqaalha ( Civil service code) iyo sharciga shaqo-gelinta qaranka (Public Appointments Law)




  5. Xoojinta maamulada gobalada, iyo yareenta forogelinta xukuumadda dhexe.




  6. Xoojinta Wasaaradaha Wax-soosaarka sida Beeraha, xoolaha, iyo kaluumeysiga, iyo horumarinta wasaaradaha bulsho, sida caafimaadka, tacliinta, iyo shaqada.




  7. Xalinta iyo sharciyenta arrimaha dhulka, beeraha iyo degaanada.




  8. Yareenta miisaaniyadda Madaxtooyada.




  9. Dhismaha Bankiyo ganacsi oo khaas ah.




  10. Barnaamaj khaas ah oo khuseeya Gobalada Bari, uguna horeyso lacag bedelka.




  11. Sharciyenta Idaacado xor ah




  12. Dhismaha Kuliyadaha Ciidamada: Boliska iyo Xoogaba( Military).




  13. Maalgelinta Xisbiyadda Qaranka





Waa iga tilmaan uun ee waxaan hubaa in intaas iyo dar kaleba shirka lagu soo qaadi doono. Waxa se loo baahan yahay in dheg loo yeesho rabitaanka dadweynaha, gobal kastana si siman soo-jeedintooda loo maqlo, loona qiimeeyo. Waa in xubnaha cusub ee ku soo biiray aad loo soo dhoweeya, maamulkana lagu kabaa. Waa dhig cusub oo dardartiisa iyo tabtiisa wata. Isla markaas waa inaan la iloobin ragga iyo dumarka u dhabar adeegay dhismaha xisbiga, marwalbana la siiyaa abaal marin iyo qadarin khaas ah. Haddaan wax qabadka xisbiga leysku abaal marin, oon mar walba la xusuusan cidda tiirka u taagtay, weeraha iyo waraabaha ka ilaalisay, cidda maskax iyo maalba u hurtay, la heli maayo cid u darbanaata jiritaanka xisbiga, arrintuna waxay noqonaysaa daneysi, qofba maalinta uu meel kale gacan haadis ka helo u jarmaado. Waxa xisbiga ku haya xubnihiisa waa ixtiraamka iyo qadarinta loo hayo xubnaha hadh iyo habeen u darban danta guud. Yaan leys garab dhigin colka siigadooda la arko kolka tartan jiro, iyo kuwa aan saacadna ka nasan dhismaha iyo hawlaha xisbiga. Xubnaha xisbiga waxa kala qiimeeya oo kala saara, waxqabadkooda, kaalinta ay buuxin karaan, awoodda shacbi ee dabo joogta, ee ma aha dhalashada qofka amba gobalka uu ka soo jeedo.



 



 



Bal aan hoos u degnee, sidee Kulmiye guushiisa u tuuri karaa? Waxa arrintan xilkeedu saran yahay xubnaha shirku uga bilaabmaayo 8da bishan Hargeysa. Iyagaan cidi ku labayn mas'uuliyadeeda horeyn iyo dambaynba. Waxay noqon karaan dar himmilada dadweynaha rumeeya oo jeexa dariiqii guusha, amba waxay noqon dar qardo jeexa oo dhabada loo salaxay ka luma, taariikhdana ka gala bog madow oo ku soo noqnoqda taariikhda qaranka Soomaaliland.



 



Dhabada guusha waxa lagu gaadhi karaa wadajir, is-maqal, is-dhegeysi, wada-shaqayn, is-tixgelin, is-ixtiraam, is-qadarin, kala-dambayn, abaal- marin, qiimeyn, tilmaan, tusaaleyn, is-dhaliil waxtar leh (Constructive criticism), tartan aan shakhsiyeysnayn ee loo tartamaayo sidii guusha loo dhalin lahaa,( Selfless Competition).



 



Guusha waxa rumeyn kara, shirweynaha oo dood, iyo tartan dabadeed xula Gole Dhexe oo hawsha xisbiga tunka u rita, iyagoo dhammaan aan u kala hadhin, kala leexan oo labadii tartamayba gacmaha is qabsadaan, lagana dhigo muramadii tartanka ka dhashay fikrado ninba si u arkaayey si uu u xoojiyo xisbiga. Waana in fikradaha la soo uruuriyaa oo nin walba la siiyaa fursad uu ku hadlo, ku muujiyo fikirkiisa, isna waa inuu ku qancaa dhinaca loo bato, oo ayna marna raad ku reebin fikirkiisa laga bediyey. Waxa xisbi waliba leeyahay kooxo amba garabo is bahaysta, waa sunaha dimuquraadiyadda ee ma aha mid xisbiga wax yeelaysa, haddii koox kastaa ay ixtiraameyso distoorka, iyo nidaamka aqlabiyadda ( Majority rule). Go'aanka ka soo baxa shirwedynahu waa inuu noqda mid dhammaan reer Kulmiye qaataan, mid wax diidan iyo mid dhammaantiiba ku qanacsan, kol haddii inta badani qaadatay. Go'aanku waa mid loo midaysan yahay, kii soo jeediyey, iyo kii diidanaaba. Ninba mar ayuu fikirkiisu hanan karaa aqlabiyadda xisbiga.Waxayna



sharci ahaan dhammaan xubnaha xisbigu ku qasban yihiin go'aanada aqlabiyadda, oo ah habka keliya ee xisbi dimuquraadi ihi ku jiri karo.



 



Xisbi doorasho u soo dhowdahay oo maamulkiisu kala furmaa, kala dudaa, kala cararaa guul meelna kuma leh. Waxa xisbiyada qadiimka ah sida kuwan U.K ay ka qaadataa tobaneeye sano iyo siyaade inta ay ka soo doogaan burbur ku yimaada maamulkooda, maxaad u malayn xisbi cusub oo bulshadiisu weli beelaysantay, dawladuna awooddeedoo dhan mid sharci ah iyo mid kaleba saartay burburintiisa. 20taneeye sano ayey ka qaadatay xisbiga talada haya ee Shaqaalahu (Labour Party) inuu ka soo kaco kala-jabkii ku dhacay 1978. Waxa sidoo kale saaxadda ka maqan ilaa 1997 xisbigii mudada badan dalkan ka taliyey ee Qunyarsocodka ah ( Conservative Party), markii is qabsi dhexdooda galay, Raiisul Wasaarihii ugu mudada dheeraana Mrs. Thacher iyadoo xilka haysa xisbigu tukhaantukhiyey. Waa cabasho iyo eed maalin walba dhex taala xisbiga ood hadwalba canaanteedu hadhayso hogaamiye kasta oo cusub. Waxay marayaan shan hoggaamiye ilaa maalintaas, kan maantana, waa Mr. Cameron ee ragbaa u heesaaya oo waxaa maalin kasta warbaahinta ku jira eedo uga imanaaya isla xubno maamulkiisa ka tirsan.



 



Qof kasta oo xilka loo dhiibo, mid dal iyo mid xisbiba, haddaan mas'uuliinta kale la shaqayn,oo daacadnimo iyo hagrasho la'aan leysu barbartaagin, laguma farxo guusha uu keeno. Ma aha inta qofka xilka loo dhiibo, loo durbaan tumo, haddana hawsha keligii lagu daayo. Far qudhi fool ma dhaqdo, wado-shaqayntu waxay waxay miisaan gaar u leedahay marka xisbigu yahay mucaarid , oo dal Afrika ah ka jira, aan helin taageero dawladeed, bal se dawladdu awooddeeda iyo hantida qaranka kula dagaalayso. Waxa u hiil ah waa tabaruca maskaxeed iyo tan adduunyo ee xubnahiisa. Itaalka dhaqaale ee dadweynahana weynu ognahay. Waxa halkan laga dareemi karaa xilka gaarka ah ee saran inteena qurbojooga ah. Miyeyna ahayn in xilkaa si gaar ah qurbojoogu u qaato, inaynu seeska u aasno xisbiga, u dhisno hab-maamul oo taabogal ah, dhinac hawlgelin iyo mid dhaqaaleba.



 



Ha noqon nin gacmahu u laabnaayeen, oo la taagan dhaliil oon. Adigu is weydii waajibkaagii ma ka soo baxday. Intee wax aad qaban lahayd kaa baaqday, yaad canaananaysaa haddaad ahayd Gudiga Fulinta, haddaad ahyd Golaha Dhexe, haddaad ahyd Guddiga Laamaha. Xisbigu ma qofbaa leh, ma shaqaale ayuu leeyahay. Haddaad waajibaadkaaga ka soo baxday ood cid gooni ah u aragto inay hagratay, waa banaantay inaad keento ood ka dodo. Haddii se qof waliba eedda iska riixo, oo aynu la mid noqono sida Wasiirada Riyaale, ee laga sheego dhaliisha oo ay dhammaan ku riixaan dhinaca Madaxtooyada. Taasi waxay keentaa niyad jab iyo cuqdad aan laga doogsan. Waxa loo baahan yahay dhaliil ku dhisan run, ka bilaabanta naftaada, wadata toosin, dulqaadna u leh inay dhegeysato darafka kale.



 



Aan si fudud oo dul xaadis ah u muujiyo, waxyaabaha guusha maamul nooc kasta ha noqdee cilmi ahaan la ogaaday inay muhiim yihiin ku dhaqankoodu, anigoo inta aan dhaqan ahaan iyo dal ahaanba is leeyahay wey ugu mudan yihiin soo qaatay.



 





  1. Qofkaad qiimeynayso, wanaagiisa ka horeysii, qaladkiisa.




  2. Qaladka qofka si dadban u sheeg, una caddee in aadmigu qaldamo balse lagu kala badiyo sida qof waliba qaladkiisa uga faa'ideysto.




  3. Qofka hawshu isku keen xidho, horeysii qaladkaaga intaadan kiisa sheegin




  4. Amar mutaxan ha bixin, ee dalabkaaga hab su'aalo ah u dhig.




  5. Dhegeysiga badi. Kolka qofkaad la doodaysaa hadlaayo, labada dhegoodba u fur. Maskaxdaada, maankaaga iyo jidhkaaguba ha dhuuxaan hadalka qofka kaa soo horjeeda, nuxurka weedhihiisa qiimee, oo caadifadda iyo cuqdad aad ka qabtay ha ku fiirin.




  6. Ammaanta qof leeyahy ha ku masuugin, tan kooxi leedayna sidoo kale. U bushaaree waxii fiican, waxii xuna ka tacsiyadee mid shaqo iyo mid shakhsiba.




  7. Fikradaada gasho dadka, kana dhig mid aan adiga keli kaa soo bixin.Cidda kula fikradda noqota, ka yeel inay fikirka laftiisa kula unkeen. Waxayga ku bedel waxayna.




  8. Qofka kale duruufahiisa ogow, iyo siday saamayn ugu leedahay fikirkiisu




  9. Noqo qof hadal kooban oo dhegeysi badan. Ha boobin hadalka, kuna bilow ereyo macaan, ladifan oo mudan ixtiraam dhinaca kale ah.




  10. Hadafkaagu ha ahado inaad adiga iyo kan kaa soo horjeedaaba guulaysataan. Ha noqon nin doonaaya inuu jabiyo walaalkii oo isagu keli guulaysto. Ogow taasi inay hadafkii weyne wiiqayso.





 



Sirta nolahu waa samir, is-qancin, dulqaad. Waxa kaba cadaalad aad adiga iyo walaalkaa u sinaantaan maamulka idinka dhexeeya. Waxa lagu gaadhaa run sheeg, daacadnimo, iyo wadajir. Waxa fashilka muftaax u ah danaysinimo, shaki, nafjecleysi, iyo dulqaad la'aan. Waxa fashilka kaba cadaalad darro iyo sharci aan loo sinayn. Waxa fashilka badhitaara been iyo jaahilnimo.



 



Aniga aan ku bedelno inaga iyo danta guud. Aan qiimeyno taariikhda qofka iyo tamarta uu geliyey xisbiga. Idinkama aqoon badni, ee taladaa halkaas ila martay.  Faylasuufkii weynaa ee Giriiga ahaa, lana odhan jiray Socrates, ayaa yidhi: " Waxa keliya ee aan aqaan, waa inaanan waxba aqoonin." Waxaan leeyahy waxaan ogahay inaan aqoon wax badani iga maqantay.



 



Dunidu waxay ku socotaa waa aqoon wadareed leysu geeyey, ninna keli waxba ma aha, qof walibana meel iyo arrin ayuu ku wacan yahay ee gacmaha is qabsada, is-aamina, Illaahayna talo saarta. Waa idinkoo shirka ku soo af jaray go,aankii guusha oo loo wado dhan yahay iyo awoodda oo leysugu geeyo guusha doorashooyinka. Insha Allah waxaan idinla joogi idinkuu go'aamadiina ku hawl galaaya doorashooyinka soo-socda.



 



Waa iga dardaaran ee hooy yaan la il-duufin, yaan tartanka gudahiina cadow idiin ilowsiin, ha noqonin labadii dibi ee qooqanaa, sida ay isu dilaayeena, iyagoo dhawac iyo daal carabka u soo tuuray, waraabuhu ku wishiriiyey raqdoodii, ha yeelanina indhihii duqanka, samirna ha ka noqonin goon, kibir iyo islaweyni yeyna awood beena idiin sawirin. Tusa ummadda Soomaliland inaydun isu habayseen hogaanka qaranaka, inaydun tihiin awood gobal kasta ka muuqata, soona jiidatay bulsha weynta degmo kasta oo dalkeen ka tirsan. Kiina camalka fudud soo dabra, kan degdegsan la gucleeya, kan gaabiska ah jiida, kan hurda toosiya, ka kaftanka badan la qosla, kan cadhada dhowna kaftanka ka dhowra. Go'a Kulmiye huwda oo dhaxanta iyo dabaysha ka dugsada.



 



Bir-tilmaameedka Kulmiye ha noqoto cadaalad bulsho, cadaalad maaamul, cadaalad waxbarasho, cadaalad ganacsi, cadaalad laan kasta oo dawladnimo taabata, ha noqdo magaca Kulmiye mid carabka bulshadu u duceeyo, mid noqda astaanta dhismaha dalka iyo dadka Soomaaliland.



 



REER KULMIYOW KAMARADA TAARIIKHDAA IDIN DUL SAARAN EE WAA WAXA NIN WALBA AY KA DUUBAA. U GUNTADA MASIIRKA UMMADDA.



 



SOOMAALILAANDEEY WAA KAA KULMIYE EE KADABAA DHAHA.



 



 



KULMIYE HA GUULAYSTO



 



SOOMAALILAND HA NOOLAATO



 



 



 



MAHAD ALLE IYO BARIIDO RASUUL,



 



Ahmed Arwo



 







 



samotalis@gmail.com