Hargeysa(GNA)-Warar Wargeyska Yool ka helay ilo-rasmi ah, ayaa dabboolka ka qaaday in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Shalay uu ka baaqday safar dibadeed oo markii hore uu u holoday inuu Shalay dalka kaga dhoofo. Ma jiro War amuurtaas ku saabsan oo kasoo baxay dhinaca Xukuumadda.Hase-yeeshee, xoggo laga helay ilo ku dhow-dhow qasriga Madaxtooyadda, ayaa lagu sheegay in safarka lama filaanka ah ee Madaxweynuhu u handeday ama u holladay oo ahaa mid Md. Axmed Siilaanyo uu ku damacsanaa inuu ku tego dalka aynu derska nahay ee Jabuuti, balse Warka barii-qadka ku keenay Safarka Madaxweynaha oo soo shaac-baxay, sida iluhu xuseen Abaara 10-kii Barqanimo, xilliigaasoo badi xubnihii loo asteeyay weftiga ku wehelin doona Md. Siilaanyo safarka soo gaadheen qasriga Madaxtooyadda, halkaasoo sidii qorshuhu ahaa bar-kulan u ahayd weftiga.
Geesta kale, illaha qaarkood ayaa tibaaxaya in isla waqtigaa aynu soo sheegay ee Shalay Madaarka Egal Interanational Ariport ee Magaalada Hargeysa ay kusii sugnaayeen dadweyne kala duwan oo loogu talo-galay inay kasii qayb-qaataan saggootiska weftiga Madaxweynuhu marka Garroonka uu soo gaadhaan, waxa wararku intaa ku dareen, sidoo kalena in heeggan la geliyey cutub ka tirsan Ciidanka qaranka, kana kooban kooxaha Baam-booyda ee Tuma Heesta Astaanta u ah Calanka Somaliland iyo Unnug kaloo salaan-sharaf kusii saggootiyi lahaa Madaxweynaha qaranka.
Sidoo kale, Wararka la xidhiidha safarka Laab-la-kaca ah, ayaa waxa qaarkood sheegayaan inay Niskii hore ee Shalay oo dhan xaalad aan ka dhicin Digtoonow ku jireen xubno isugu jirey Wasiiro iyo Xildhibaano Xiiris iyo Xaal-xaal-ba usoo dhammaystay u diyaar-garowga safarka Jabuuti, xubnahaasoo ka koobnaa Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi X Cali, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw-daahir, Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geeddoole, Labada Guddoomiye-ku-xigeen ee Guurtida iyo Wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Siciid, Xildhibaan Axmed Diiriye (Ina Diiriye Nac-nacle), iyo sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo isagu hadda ku sugan Magaalada Jabuuti.
Dhinaca kale, ilaa iyo hadda Xukuumadu shaaca-kama-qaadin sababta dhabta ah ee lagu baajiyey safarka Madaxweynuhu ku tegi lahaa Magaalo-madaxda dalka Jabuuti. Hase-ahaatee, Warar Wargeysku ka helay ilo-diblomaasiyadeed, ayaa ujeedada safarka Madaxweynaha ku fasiray mid looga gol-lahaa kulan gacan-ku-rimis ah oo lagu inay Magaalada Jabuuti ku yeeshaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Siilaanyo, waxa xoggaha diplomaasiyiintu intaa ku dareen in baaqashada weftiguna ahayd mid ka timi dhinaca Muqdisho, oo sida la sheegay marka hore-ba barnaamujka wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya qiimo weyn aanu dhinacooda ugu fadhiyin, isla markaana dheefta ugu weyn ee Maamulka Muqdisho arimaha wada-hadalada [Somaliland iyo Soomaaliya] kasoo gashaa uu yahay muran iyo khilaaf horleh oo kaga yimaada Villa Somalia maamul-hoosaadada Koonfurta Soomaaliya.
Waxa kaloo, xoggo diplomaasiyiin laga helay sheegeen in Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya baajinta kulankaas uu dhankiisa cuddur-daar uga dhigtay haleelitaan la’aan xaggiisa ka jirta iyo duruufo kale, oo isaga dhinaciisa laga sugayo inuu go’aan ka gaadho, kuwaasoo uu qayb ka yahay magacaabista Ra’iisal-wasaaraha cusub ee beddeli doona Ra’iisal-wasaare Cabdiweli ee dhowaan Baarlamaanku kalsoonidii kala noqdeen Xukuumadiisa, kadib khilaaf dheer oo ku dhowaad muddo laba Bilood ah ka dhex aloosnaa Madaxweynaha iyo Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya.
Docda kale, wararku ma sheegin waqti kale oo labbada dhinaca isla qaadteen, oo dib loogu dhigay kulanka dhicisoobay ee la filayey inay isku soo hor-fadhiistaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Maaha markii ugu horreysay ee sidan oo kale uu hakad ama dib-dhac ku yimaado kulan ay u balansanayeen inay isku soo hor-fadhiistaan maamulada Somaliland iyo Soomaaliya.
Hase-ahaatee, waxa jirey marar dhawr ah, oo sidan-oo-kale dib-uga-dhacay waqtigii rasmiga ahaa ee loo asteeyay, kadib markii cuddur-daar kasoo yeedhay dhanka kooxda Soomaaliya. Haddabaa inkastoo marka la eego dhinaca diplomaasiyada tallaabadan iyo kuwii ka horeeyay-ba, waxa ay si cad u muujinayaan maqaamka ama mustawaha-siyaasadeed ee Somaliland ka taagan tahay Xukuumada fadhigeedu yahay Villa Somalia, hadana waxa dadweynuhu reer Somaliland is-weydiinayaa waxa Xukuumadeenu ka habranayso iyo meeshaa ay kasoo raacday Mu’xibbeda iyo Jibbeda Madax-martay ee dabada ugu xidhay Soomaali-weyn.