Hargaysa(GNA)Wasiirka Wasaarada Gashaan-dhiga Jamuuriyada somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami Ayaa Maanta ka hadlay Xaalada Deegaanka Gobolka Awdal oo Toddobaad-yadii u danbeeyey Xukuumadu Ciidamo ku Daad-guraynaysay.
Waxa uu sheegay inaanay Xukuumadu la hadlayn Suldaanka Balse ay Salaadiin U Direen kasoo qaada Go’aankii u danbeeyey uu gaadhay suldaanku.
Ciidanka qaranka somaliland waxa uu wasiirku ku sheegay qaar ka tagaya Meel kasta oo dhibaato ka Dhacdo iyaga oo gudanaya waajibaadkooda Saaran,Waxaana uu cadeeyey in Cid Neceb In Nabadu Gaadho Bariga fog iyo Galbeedka Gogba in ay u dhiman Doonaan Iyagu.
Sidaasna waxa uu wasiirku ku sheegay Mar uu maanta Saxaafada kula Hadlayay Magaalada hargaysa waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay wasiirku.
“Hortu Anaga Hawshii Maanu Soo dhamaysan Waana uu iska dhaw yahay,Si Fiicana Gobolka Waa Naloogu Soo Dhaweeyey,Cudurka La sheegayaana Maah mid dalka Cadibay waxaana weeyaan Waxa iska Basiida Ah,Waxaana Fiican In seeska Ay leedahay Loo Daayo Oon La Dhaafin,Ciidanka Qaranka Somaliland Meel kasta oo ay Hawli ka gasho way Tagayaan Meelaha Ay tageena ilaa Maanta Meel laga Soo Cadeeyey in dhab ka Gaysteen Majiraan Ciidanku,Baal Dahab Ah ayay Somaliland kaga Qoran Yihiin,Meel ka Mam-nuuc Ahina Majiraan.
wasiirka oo hadalkiisa siiwata Ayaa intaas waxa uu raaciyay.”Bariga Fog iyo Galbeedka Fogba Ciidan isku jira Ayaa jooga waana Talaabo Dhinaca wanaagsan Loo qaaday,Ninka Neceb Ciidanka Qaranka isaga ayay jirtaa,Ninka Neceb inuu Amnigu Fido oo uu Gaadho Bariga Fog iyo Galbeedkaba isaga Ayay Jirtaa oo u dhimanaya,Soo Hadal Qaadka Ciidanka Ayaaba Ceeb Ah.
waxa uu sheegay wasiirku inaanay Ciidanku Dhuumasho ku tagin Deegaanka Ay tagayaan,waajibaad Kooduna Yahay in ay sugaan Amaanka Wadanka somaliland iyaga oo fulinaya Awaamiirta Masuuliyiinta Ka saraysa,Waxaa uu ka hadlayna Ciidanka Itoobiya oo la sheegay in Yimaadeen Deegaanada ay maamulaan ee suldaanku Kagaga Sugan yahay.
“Dawlada itoobiya waa dawlad wayn oo qadiimi Ah xuduudkeeda way taqanaa,Ciidankeenu iyo Ciidan koodu waa walaalo siwada jira ahna nabada ayay uwada ilaalinayaan,Markaas Hada anagu manihin Dad lagu khuukhinayo Ciidan ayaa halkaas kasoo dhawaaday.
Wasiirka waxa uu ka hadlay in ay wada hadal Lafureen Suldaanka Diidanka Qadiyada somaliland waxaana uu yidhi.
“Suldaanka wax wayn ayaa noo dhaxeeya Anaga,Suldaan aanu la shirnaynaana Majiro,Lakiin waxaanu la shirnay Salaadiinta Ka soo jeeda deegaankaas wanaag ayay iyaguna wadaan Dadaal Dheeraad ahna way Muujiyeen Laba Bari qaadan Mayso Ayaan odhan Lahaa sidaan anigu Xogogaal u ahay inta Hadhayna Wanaag iyo is Af-garad ayay ku dhamaanaysaa,Dadka agaas dagaana Diyaar uma Ah waxa khal-khal Galinaysa Nabadooda Caafimaadkoodii waxbarashadoodii ay gobolo Badan kagag Hor Mareen in ay dib unoqon Doonaan aniga ilama Ah,Lakiin hadalkiina Dad ayaa ka dabo tagaya oo gun u yeelaya.
Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku inanu sharcigu Siinayn in ay sitoos ah ula Hadlaan Suldaanka diidan qadiyada somaliland waxaana uu yidhi.
“Sharcigu Nasiin Maayo inaanu la hadalno Ninaan Joogin Dalka Gudihiisa,Lakiin dad Hawshaas nooga Faro dhuu-dhuuban ayaa Arintaas ku maqan Mar iyo Lababa Way is Arkeen Suldaanka Tii udanbaysay uunbaa laga soo qaadayaa Sidii isaga dani ugu jirto hayeelo,isaga haday Dani ugu jirto inuu Dawlada Dhan Dagaal la galana isaga ayay jirtaa iyo haduu uu Dibadiisa ku noqonayo.
Hadalkan kasoo yeedhay ayaa waxa uu kusoo Beegmayaa Xili Uu Suldaan Ka Soo jeeda Gobolka Awdal Siiba Caasimada Boorama Sheegay inuu Diiday Madax Banaanida somaliland Ciidamana ku uruursaday Deegaano ka Mid Ah Dalka Itoobiya, iyada oo xaalada Gobalada galbeedku siiba magaalada boorama ay tahay mid aan deganayn wakhtigan.
Mustafe Axmed(Herer)
Gobanimonews/Office
Hargaysa/Somaliland
Herersax@Gmail.Com