

Hargaysa(GNA).xisbiyada somaliland oo haatan ku loolamaaya sidii ay u helilaahaayeen kalsoonida shacabka reer somaliland, oo ay kaga doonayaan inay ugu codeeyaan kursiga dalka ugu sareeya ee madaxtooyada iyada oo labada xisbi mucaarid ee ucid iyo Waddani ay hada si xooga isku riixayaan loolankooda si ay dhinac ugu tuuraan xisbiga talada dalka haye ee Kulmiye oo isagu hada awooda dawladnimada u isticmaal xisbiyada mucaaridka ah.hadaba labad xisbi mucaarid ee Ucid iyo Waddani oo iyagu hore hesiis u wada galay ayaa waxa baryahan dambe soo ifbaxaayay in uu jiro khilaaf ka dhex aloosan kaas oo ka bilaamay isku hirdida ay kala jiidanayaan shacabka cod bixiyeyaasha ah, iyada oo ay arintani soo if baxday ka dib markii dhawan xisbiga Waddani uu soo dhaweeyay xogahayahii maaliyada xisbiga Ucid faadumo Siciid oo iyadu ku biirtay xisbiga waddani.
tan maaalintii xisbiga waddani uu soo dhaweeyay marwo. faadumo siciid waxa soo kordhaayay hadalad is maan dhaafsan ee ay iku marinayaan qalabka warbaahinta somaliland,taas oo ay dadku markay maqlaan xasuustaan maah maah soomaaliyeed oo tidhaahda Cadawgaaga cadawgiisu waa Saaxiibkaa, taas oo laga dareemo asxaabta mucaaridka qaarkood in ay mararka qaarkood ku kala aragti duwan yahiin qaabkii xukuumada looga tuurilahaa kursiga madaxtooyada oo ay u arkaan inay dalka ragaadisay balse mar la garab dhigo sidii ay ahaayeen Ucid Iyo Kulmiye wakhtigii xukuumadii Xisbigii Udub ee madaxweyne Riyaale oo ay ahaayeen labadii xisbi mucaarid kuwo meel qudha ka wada duula oo ka gil gila xukuumadii Riyaale, walaw ay mabadiidoodu kala duwanaaayeen hadna waxay mawqif isku mida ka taagnaayeen sidii Riyaale iyo xukuumadiisu ay talada dalka u wareejin lahaayeen .
geesta kale is faham waaga labada xisbi mucaarid ayaa dadku waxay iska waydiiyaan su,aalo badan oo ku saabsan halka xaaladooda mucaaridnimo ka diciiftay iyada oo aragtiyaha shacabku ay kala gadisan yahiin hadana dadka siyaasada somaliland, ka faalooda ayaa sheegaaya in ay tahay arintu iyada oo labada xisbi mucaarid ay isku barnaamij yahiin, marka loo eego barnaamijkooda siyaasadeed oo isku mida taas oo ay sababtay maadaama ay markii hore isku xisbi ahaayeen oo xisbiga waddani uu intiisa badani yahay xogaankii xisbiga ucid oo ay ka go,een ka dib khilaaf dhex galay Gudoomiye Cirro iyo Gudoomiye Faysal cali waraabe,kaas oo ahaa halkii uu xisbiga Waddani ka bilaamay ka dib G,aan maxkamada sare guusha ku siisay Gudoomiye faysal cali waraabe,halka ay Gudoomiye Cirana dusha uga saartay khalad iyo dacwad bilaa Qiila.
Isku soo wada duuboo xaalada xisbiyada mucaaridka ee somaliland, xiligani waa mid dulucdeedu tahay Cadawgaaga Cadawgiisu Waa Saaxiibkaa.
Faalo.qore:Mustafe Axmed(Herer)
Herersax@gmail.com
Gobanimonews.com.office
Hargaysa/somaliland