,Siilaanyo-Na Si Fiican U Seexan Maayo Dadkayagana La Dhibaatayn Maayo Jamaal Cali Xuseen
Hargaysa(GNA)Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan Ayaa si adag uga Hadlay Ciidanka Booliska ooh or istaagay in ay Maraan Wada Halbolaha Ah ee Hor Marta Madaxtooyada somaliland,waxaana ay ciidanku Shegeen in ay qabaan Amar ka sareeyo.
waxa ay shegeen In Maant laga bilaabo ay Abaabulayaan Mudaharaado lagaga Soo horjeedo Tacdiga ay Ciidanka Boolisku ku hayaan Asxaabta Mucaaradka Somaliland.
Jamaal Cali xuseen oo ugu Horayn Kulan kaasi ka hadlay ayaa sheegay inaanu Madaxwayne Siilaanyo Sifiican u seexanayn Shacabkana La dhibaataynay waxaana uu yidhi.
“Laga bilaabo Maanta maaha wax loo dulqaadan karaayo waxa dalka ka socda. Waar ma wax loo dulqaataaba in naloo diido Dariiqii Madaxtooyada hormarayay ee aanu maraynay, haddii anago Madaxda Xisbiga ah sidaa nalagu samaynayo Idinka(Shacabka) maxaa la idinku samaynayaa, ma wax loo dulqaataaba in toban qof oo ka mid ah dadkii I soo dhaweynayay maanta la xidho oo ay Xabsiga ku jiraan. Siilaanyo-na si fiican u seexan maayo dadkayagana la dhibaatayn maayo”
Mr Jamaal waxa uu farriin u diray Ciidanka Somaliland “Ciidamada Qaranka waxaan u sheegayaa waar Amarkan la idin siinayaa waa wixii dadku ka dagaalamay, waxaan idin leeyahay ha qaadanina Amarka aan saxda ahayn” ayuu yidhi Jamaal.
Mudane Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay inay Mucaaradad adag ku qaabilayaan Xisbiga Kulmiye iyo Xukumaddiisa “Wixii maanta halkaas ka dhacay ee ay noo sheegeen(Boolisku) ee ay yidhaahdeen amar baanu haysanaa inaydaan wadadaas marin taas baa inoogu filan xaalka taagan. Waxaynu tusaynaa Kulmiye Mucaaradadoodii mid ku laban laab ah.Markaynu Mudaharaadayno waa inoo Madaxtooyada horteeda” ayuu yidhi Jamaal.
Musharax xigeenka Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa isna tilmaamay inaanay falalka Xukumaddu ahayn kuwo loo dulqaadan karo.
“Anagoo u sheegnay in Musharaxa Ucid imanayo oo Taageerayaashiisu soo dhaweynayaan baa haddana RRU dariiqa naloo dhigay, ma wax la qaadan karayaa baa,inay XIldhibaanadii Xasaanada lahaa oo aan Maxakamadi xidhan iska xidhnaadaan ma waxaynu qaadanaabaa.inta aan Maxakamad marine e Jeelasha maanta ku xidhan ma xaq iyo wax la qaadan karaaba.
waxa uu sheegay in Xukuumadu Caadaystay Xidhitaanka Xildhibaanada.”Maalin hore ayaa Xildhibaanadii Ucid ee Berbera Gacan loola tagay oo la garaacay mana jirto Cid raali galin ka bixisay, waar dalkii wuu sii socdaa, wuxuu ku sii socdaa in Xukumaddii aynu dooranay maalin walba ku talaabsato wax amniga khalkhal galinaya.markii ay Bari soo gubeen ee aad ogtihiin waxay Burco ka samaynayaan, ee ay Berbera ka samaynayaan ee aad ogtihiin inay saqda dhexe Habeenkii dadka la baxayaan ee aad Ogtihiin Hargeysa gudaheeda Mush-kiladdaha ka dhacaya.
“Galbeed oo ahayd meesha kaliya ee inoo fayow tabashadii ay tabteen ee Suldaanku ka cadhooday ee uu yidhi waa inaynu baxno ee Shacabkiisii yidhi bixi mayno ee dalka waynu dhisaynaa ayaa waxa la wadaa in Ciidankii qaranka inta laga horgeeyo shacabka lagu kiciyo. Waxaad u diyaar garoobaysaan maanta laga bilaabo haddaanu ahayn Mucaarad qabow waxaanu noqonaynaa Mucaaradk Kulul, waxaanu ku baaqi doonaa Banaan baxyo aanu ku xaqiijinayno Amniga,Dimuqraadiyada iyo rabitaankeena” ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.
sikastaba ahaatee xukuumada ayaa saaka waxay kala hortagtay xisbiga ucid ciidamo hubaysan iyada oo ay taageerayaashii xisbiga ucidna ka doorbideen inay dhawraan nabada galyada dalka oo ay xukuumadu isku daysay inay wax yeelayso.
Mustafe Axmed(Herer)
Gobanimonews/Office
Hargaysa/Somaliland
Herersax@Gmail.Com