Tuesday, December 9, 2014

Mucaaridka Somaliland oo lagu hayo takoor Siyaasadeed oo xeelladaysan

Hogaamiyeyaal Mucaarid ah oo markii ugu horaysay ka dareeray  Munaasibad si badheedh ah loogu yasay aan khudbadaha waxba laga siinin, Maxayse tahay sababtu...?

mucaaridkasHargeysa(GNA)-Hogaamiyeyaasha Asxaabta mucaaridka ah ee Somaliland, ayaa beryahan dambe si cad looga joojiyay inay ka hadlaan ama ka qayb-galaanba Munaasibadaha aanay dawladdu qabsan ee uu Madaxweynuhu ka qayb-galo.

Inta badan Xafladaha qayb qabsadaan Jaamacadaha kala duwan ee fadhigoodu yahay Magaalada Hargeysa iyo caasimadaha kale, ayay dhif iyo naadir tahay in lagu soo casuumo madaxda Asxaabta Mucaaridka ah ama kuwo iyaga metelaya oo ku abtirsada labada xisbi ee UCID iyo WADDANI.

Sidoo kale xafladaha Shirkaddaha gaarka loo leeyahay ay qabsadaan ayaa iyaguna la mid ah kuwan kor ku xusan oo aanay wax door ah ku yeellan khudbadaha laga jeediyo Mucaaridku, xataa hadii lagu soo casuumo.

Arrintan ayaa ah mid labadii sannadood ee ugu dambeeyay isa soo taraysay, waxaana muuqata in hada toos loola qabatimay oo ay gabi ahaanba iskaga daydaan Ururrada ama sharaa’iga soo abaabula kulamada Madaxweynaha lagu maamuuso.

Si cad looma beyaamin karo ujeeddada dhabta ah ee ka dambeysa in dadka saameynta hogaamineed ku leh dalka laga takooro goobaha ay uga faa’idaystaan gudbinta Barmamujyadooda Siyaasaddeed, kuna baraarujiyaan Dawladda iyagoo dhaliil u jeedinaya, hase ahaatee baadhis qoto dheer oo Gobanimonews arrintan ku samaysay, ayaa muujinaysa in gabi ahaanba uu meesha ka baxay loollankii Hogaamiyeyaasha Siyaasadda ku dhex mari jiray fagaareyaasha noocan ah.

Ha haato sax ama khaldanba’e, waxa si aan mugdi ku jirin dabool afka looga saaray dadka Dawladda ka dhaliila goobaha Indheer garadka iyo Aqoonyahanku ku kulmaan, taasoo saameyn ku yeelatay fur-furnaantii siyaasiga ahayd iyo Kaftankii Fagaareyaasha ku dhex mari jiray Mucaafidka iyo Mucaaridka.

Tanina waxay hadhaysay fahanka Barmaamujyada Xisbiyada iyo is-barashada hogaamiyeyaasha Mustaqbalka iyo Bulshada qaybta u darban kala doorashada dadka saaxada ku tartamaya.

Daraasadda GNA ka samaysay arrintan, ayaa waxay daah-furaysaa in arrintan markii hore looga gol-lahaa yaraynta xad-gudubyada Siyaasiyiintu ka sameeyaan shirarka ka baxsan mowduucyada siyaasiga ah, hase ahaatee waxa kale oo muuqata inay taasi dhiiri-gelisay cabudhinta ama yasida hogaamiyeyaasha Mustaqbalka, isl markaana fursad ay siisay Madaxda xukuumadda iyo dhinaca Muxaafidka ah ee taageera.

Waxa kale oo dhici karta inay Xukuumaddu door weyn ku leedahay arrintan oo ay aqbalaada marti-qaadyada uga yimaada Munaasibadaha noocan ah shardi ka dhigto inaan mucaaridka lagu soo casuumin, sida ay tibaaxayaan ilo-wareedyo kala duwan oo intii arrintan u kuur-galkeedu socday GNA heshay.

Waxa kale oo jirta Aaraa’ odhanaysa dadka ayaan intiisa badani jeclayn dhaliilaha qaawan ee Mucaaridka, sidaasi darteed go’aansada inay iska dhaafaan marti-gelintooda ama hadal siinta xubnaha hadiiba ay dhacdo laga soo casuumo.

Ma jirto cid si sax ah uga jawaabaysa sababta Hogaamiyeyaasha Mucaaridka looga takooray Xafladaha Qalin-jabinta Ardayda Jaamacaddaha, oo tii ugu dambeysay Maanta oo Salaasa ah ay ka qabsoonto Magaalada Hargeysa, taasoo ay xubnihii xisbiyada Mucaaridka ah uga qayb-galay ka soo dareereen markii Khudbadaha wax laga siin waayay, kagana dhigeen maahmaahdii odhan jirtay “Madasha ka muuqo ama ka maqnow”.

Balse ilaa hada wax kaliya oo aan daah inaga saarnayn inay meesha ka baxayso xuquuqdii Siyaasaddeed ee hormuudka Siyaasaddu bulshada ku dhex lahaa, taasoo marka la eego muuqaalkeedu sawirayo inay dadku dib u muraajaceeyeen hab-dhaqankii laga bartay Cahdigii Keli-taliyeyaasha ee Xilligii Siyaad Barre waddanka Soomaaliya lagu xukumi jiray.

Ka dhiibto Aragtidaada ....

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com