Shan sanno Ka hor markii xukuumaadda kulmiye si rasmi ah ula wareegtay talada dalka waxay dad badani aad usoo dhawaayeen xukuumadda waxayna dhawrayeen in isbadal hor leh ay ku soo kordhin doonaan bulshada kuwada nool somaliland. Muddo dhawr todobaad ah kadib markii uu kursiga ku fariistay madaxwayne siilaanyo wuxu ku dhawaaqay golaha wasiirrada, dadka falanqeeya arimaha siyaasadduna markiiba waxay farta ku godeen xukuumadda oo waxay sheegeen in saami qaybsiga wasiirada iyo kuraasta kale ee muhiimka ah aan si siman loogu qaybin beelaha ku nool Somaliland.
Inkastoo bulshada inteeda badani xilligaasi ay naawilayeen in muddo shan sanno ah uu xisbiga kulmiye talada dalka ku nagaan doono oo isbadalku aanu ku koobnaan doonin xukuumaddii ugu horaysay ee uu madaxwayne siilaanyo dhisay, hadana waxa ay arintaasi nabar ku noqotay beelaha darifyada gaar ahaan gobolada galbeedka oo xilligaasi is bidayay in lasiindoono wasiiro hor leh oo xisbiga kulmiye uu ka wanaagsanaandoono xisbigii Udub ee doorashada looga guulaystay.
Muxuu daaran yahay go'aanka uu qaatay suldaanku?
Bulshada ku nool gobolada galbeedka Somaliland xilligaasi ma aynan samayn wax cabasho ah oo ay ka muujinayaan wasiirada xukuumadda kulmiye xilgaasi u qoondaysay gobolada galbeedka gaar ahaan gobolka Awdal, arintaasi oo dhawr sababood loo aanaynayay. Waa marka horee reer Awdal waxay ku qanacsanayeen oo ay islahaayeen muddo sideed sanno ah ayaad talada dalka hayseen ee bal suga xisbiga kulmiye deegaanka maamul ee dalka wuu ku cusub yahee,waa midda labaade waxa ay reer Awdal ka warsugayeen madaxwayne ku xigeenka Saylici oo ay aaminsanayeen inuu yahay oday qunyar socod ah oo saamiga Awdal si salmi ah usoo dhicin doono.
Waxay arimuhu isasoo taraanba gobolada galbeedku waxay mar qudha ku ambabareen in saamigoodii la duudsiyay oo xisbiga kulmiyana wakhtigiisii dhamaanayo islamarkaana aynan kuraas muhiim ah ku lahayn Somaliland, taasina waa ta keentay in salaadiinta gobolada galbeedka oo isku duubani si xushmad leh usoo hor fadhiisteen madaxweyne Siilaanyo, hase ahaatee xukuumadda ayaa dhankeeda waxay arinkii salaadiinta u xil saartay wasiiro ay ka mid yihiin wasaaradihii ay odayaashu ka cabanayeen.
Xisbiyada mucaaridka ah ayaa dhankooda arintaasi ka dayriyay oo ku tilmaamay in uu madaxwaynuhu reer Awdal yaraysta oo codsigooda waxba kama jiraan kasoo qaaday.Axmed Mumin Seed oo ah guddoomiye ku xigeen xisbiga wadani ayaa geestiisa sheegay in madaxwaynuhu kala garan waayay in ay saladiintu usocdaan saamiga Awdal iyo inay u socdaan saamiga Somaliland.
Sidoo kale waxa arintani ka hadlay guddoomiyaha madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka Xasan Guure Jaamac, oo sheegay in Tabashada Gobolka Awdal oo la tixgalin waayaa oo sii socotaa sababi karto Burbur ku yimaada Somaliland. Waxa uu sheegay in guddidii Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay inay soo daristo cabashada reer Awdal aanay wali kulmin. Xasan Guure waxuu intaasi ku inay haboon tahay in la isla eego sidii Saami qaybsi sax ah loogu samayn lahaa Maamulka dalka
Wax garadka iyo siyaasiyiinta gobolka Awdal kumaysan dagdagin xaajadee, waxay muddo afar bilood ah sugayeen jawaab ka timaadda dhinaca xukuumadda oo waxay inta badan isku qancinayeen salaadiintu inay xukuumaddu ku hawlantahay arinta oo ay iyaga u maqan tahay, hase ahaayee taasina ma aynan dhicin oo jawaabtii illaa hadda ay maqan tahay. Waxase arintaasi iyo qaabka ay xukuumaddu ula dhaqmayso waxgaradka Awdal ka dhiidhiyay oo u dulqaadan waayay suldaan Abiibakar Cilmi Wabar oo kamid ah salaadiinta Somaliland, suldaanka ayaa sheegay inay xukuumaddu yaraysatay odayaasha gobolka , taladii dalkana ay la wareegtay beel kaliya taasina aynan ahayn mid la dulqaadan karo oo uu dhankiisa uu ka goostay Somaliland.
Xukuumadda
Hadalka kasoo yeedhay suldaan Abubakar cilmi wabar ayaa waxa si wayn uga naxay xukuumadda Somaliland oo markii hore iska dhagotirtay tabashada uu suldaan Wabar uga goostay Somaliland. Isla markii uu suldaanku go’aankiisa qaatay xukuumaddu waxay dhankeeda damacday inay xoog ku muquuniso suldaanka oo waxay ciidamo hor leh duldhigtay magaalada Borama iyo degmada Quljeed oo uu suldaanku xilligaasi ku sugnaa.
Ciidanka la dul dhigay degmada Quljeed ayaa waxay siwayn ugasoo horejeestay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada,sidoo kale waxa magaalada Borama markiiba soo gaadhay afar wasiir oo ay kamid wasiirka gaashaan dhigga,duulista iyo hawada,boosaha iyo isgaarsiinta,xidhiidhka golayaa iyo wasiir kuxieenka wasaarada qorshaynta qaranka oo dhaamaantood usoo tafoxaytay sidii ay hawsha usoo afjari lahaayeen.
Sida ay qabaan dadka falanqeeya arimaha ammaanku afartan wasiiir ayaa ku fashilmay inay wax horumar ah kasameeyaa xaaladda gobolka Awdal taasina waa ta sababtay inay xukuumaddu miciin biddo madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland A/raxmaan Awcali Farax iyo Taliyihii hore ee ciidanka General Cilmi Roble Furreh oo hadda ah suldaanka deegaanka ciidanka la dul dhigay ee Quljeed.
Labadan masuul ayaa dhankooda sameeyay waxkasta oo dedaal ah oo ay isugu soo dhawaynayaan xukuumadda iyo suldaanka, waxayna markiiba shirar gaar ah la yeesheen beelaha uu suldaanku hoggaanka u yahay, waxayna isku afgarteen in arinta looga dambeeyo salaadiinta iyo madaxdhaqameedka gobolka Awdal.
Arintaasi kama aysan joojin in bulshada ku nool gobolka Awdal inay dhagaha u furan siyaasinta gobolka iyo waxgaradka kale ee kasoo jeeda gobolka, waxayna bulshada inteeda badani aad uga soo horjeesteen in ay xukuumaddu ciidamo hor leh keento magaalada Borama iyo deegaanka Quljeed, taasina waa ta sababtay in mudaharaadyo xiriir ahi ka dhacaan magaalada Borama. Mudaharaadkan oo ay dhalinyarta inteeda badani ka qaybqaadanayeen ayaa keenay in ay xukuumaddu xadhig kula kacdo ku dhawaad 20 dhalinyar ah iyo labo xildhibaan oo ka mid ah golaha deegaanka.
Yaa la dhacsan fikirka Suldaan Wabar yaase diidan?
Xukuumadda ayaa ah dhibanaha ugu horreeya ee kasoo horjeeda fikirka suldaanka,sidoo kale waxa arintan kasoo horjeeda siyaasiyiinta Somaliland oo geestooda baaq u diray u diray suldaanka. Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Wadani ayaa sheegay inuu suldaanku dhagaha u furo dalkiisa xukuumaduna sida uga habboon uga qayb gasho. A/rashiid Hassan mataan oo ah guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Ucid ayaa isna sheegay in xukuumaddu muddo afar bilood ah la maqnayd tabashada Awdal taasina ay sababtay in suldaanku go;aankaa ku dhaqaaqo, lakin suldaanka dhankiisa looga fadhiyo inuu amniga ka shaqeeyo oo ay reer Awdal yihiin bulsho kamid ah Somaliland.salaadiinta Somaliland oo ah summadda nabada ayaa cod dheer kula hadlay suldaanka , waxayna sheegeen inuu suldaanku wax taban karo lakin tabashadiisu ayaynan ahay mid burbur u keeni karta Somaliland, wolow salaadiinta qaar la dhacsan yihiin go’aanka uu Suldaanku qaatay.
Suldaan Ciise Bucul oo kamid salaadiinta gobolka Awdal ayaa isagu geestiisa sheegay inuu suldaan wabar ku saxsan yahay go’aanka uu qaatay, wuxuuna suldaan Ciise sheegay inuu suldaan Wabar ka dhiidhiyay dhiibaatooyinka iyo sad bursiga lagu hayo reer Awdal oo lamid ah dhabaatooyinkii ay ka caban jireen beesha dhexe.sidoo kale waxa fikirka Suldaan aad u soo dhaweeyay dad badan oo kamid ah qurbejoogga gobolada galbeedka oo shabakada gobolka ku soo qorayay hambalyooyin ku wajahan Suldaanka. “Anuu suldaanka waan taageersanahay hiil iyo hooba waan la garab taaganahay, aabahay ayaa aamusnaa,aniga ayaa amusnaa lakin inankaygu dulmiga ku noolaan maayo” sidaa waxa yidhi nin qurbe joog oo ka dareen celiyay arinta uu suldaan wabar ku dhawaaqay. Waxa kale oo fikirka suldaanka aad usoo dhaweeyay maamul goboleedka khaatumo state oo ku tilmaamay suldaanka mid xaq u dirir oo bulshadiisa u fikiraya.
Maxaa laga dhaxli karaa Fikirka suldaanka?
Inkastoo ay adag tahay in la saadaaliyo in uu suldaanku lagu qancin karo inuu dib uga soo laabto go’aankii uu qaatay, hadana waxa dadka aadka ula socda xaaladahani sheegayaan in ay xukuumaddu samayndoonto tanaasul wayn oo dhinaca saami qaybsiga ah,wolow dadka qaarkii ay aaminsan yihiin in xisbiga kulmiye wakhtigiisii dhamaaday oo gobolka Awdal xilligan aan lagu sasabi doonin in loo samayndoono tanaasul .
Waxa kale oo siyaasiyiinta mucaaridka ah qaarkood qabaan in arinta suldaanku tahay mid culayskeeda leh oo aan lagu xalin Karin muddo gaaban, loona baahan yahay in dib loo furo wada hadal iyo is calool xaarasho dhex marta beelaha wada dega Somaliland, haddii kale ay arintani sababi karto burbur iyo iska hor imaad kale oo ka dhex qarxa Somaliland gaar ahaan gobolada galbeedka, fikir kaasi ku dhawna waxa aaminsan Xasan Guure oo ah guddoomiyaha madashada wadatashiga iyo toosinta qaranka,” Waxaynu Ognahay dagaalka Mudada dheer Bariga ka socday, dagaalna waxba laguma xallin karo. Haddii iyadoo taasi jirtay tana ku darsanto waxay noqonaysaa Burburkii Somaliland. Siyaad Barre isma lahayn Dagaalka Hargeysa iyo Burco ka socda ayaa Xamar kuugu iman,haddaynaan dabkaas bakhtiin waynu ku guban doonaa”.
iskusoo wada duboo haddii arintani sii jiidanto waxay sababi kartaa iska hor imaan, khal iyo jahwareer uu galo dalku sida uu qabi nin magiciisa kusoo kooban mustafe oo ku sugan magaalada Hargaysa isla markaana arimahan aad ula socda ” hadii ay arrintu ficil isu bedesho, waxa laga dhaxlayaa fowdo, sii kala fogaanshiyo iyo kala qaybsanaan qaran, Dab dab qabsaday, waxay isku biirin karaan Olol, dabaylaha ka kacaya darafyada Somaliland”.
Mursal Elmi
Gobanimonews