Wednesday, December 10, 2014
Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo Uu Leeyahay Ururka Dhalinyarada Qaranka Ee Sonyo
Madaxweynaha (Gobanimonews)10-12--2014-Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo dhisay ururka dhalinyarada heer qaran ee somaliland ee la yidhaa Sonyo.
Xaflad balaadhan oo loo sameeyey furitaanka dhismahan cusub ayaa waxa ka soo qayb galay madaxweynaha iyo masuuliyiin kale oo tiro baddan oo ka kala socday goloyaasha,axsaabta iyo qaybaha bulshada.
Munaasibada xadhiga lagaga jarayay Xarunta dhexe ee heer Qaran ee dallada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo oo ay ka soo qayb galeen haldoorka Somaliland oo uu hormuud u ahaa Madaxwenaha dalka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Somaliland, xildhibaanno iyo masuuliyiinta dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo ay goob joog ka ahaayeen masuliyiinta dallada Sonyo ee Gobolada Somaliland. Ugu horrayn Madaxweynaha Somaliland oo madasha daah furka Xarunta Dhexe ee Dallada Dhalinyarada heer Qaran ee Sonyo ayaa ku ammaanay dallada Sonyo horumarka ay ku tallaabsatay isla maraana ballan qaaday in ay Xukuumaddiisuna garab taagan tahay dhalinyarada Somaliland.
“Waxaan leeyahay Illaahay garabkiina ha galo, horumar weyn aan samayno, dalka iyo dadkaba aan u dedaalno, halkaas aan hore uga talaabsano,dadka iyo umadda aan u shaqayno, Dadka buuqa iyo qaylada wada yaynaan dhegaysan, dadka waddaninimada xun yaynaan dhegaysan, dadka umadda iska horkeenaya yaynaan dhegaysan, idinkaa dhalinyaradii ah, idinkaa Mustaqbalkii dalka ah waa inaad mar walba horkacdaan oo hormuud ka noqotaan wixii horumarinaya mustaqbalkiina iyo Aayihiina iyo ka dalka intaba”
Guddoomiyaha Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Mubaarig Ismaaciil Taani oo isna madasha ka hadlay ayaa ka warramay dhismaha Xarunta dhexe ee Dhalinyarada SONYO,waxaanu ballan qaaday Guddoomiye Mubaarig in dhismaha maanta la daah furay in uu noqdo dhisme ay leeyihiin dhalinyarada Somaliland isla markaana aanay gaar u yeelan doonin ama loogu adeegi doonin dallada SONYO oo kaliya. “Mudane Madaxweyne Dhismahan quruxda baddan ee aynu daahfurkiisa u joognaa ma noqon doono mid logo adeego danaha dallada Sonyo oo kaliya laakiin waxaa uu nqon doonaa dhisme ay wada leeyihiin guud ahaan dhalinyarada Somaliland,Mudane Madaxweyne hoolkan aanu ku suganahay wuxuu noqon doonaa mid u furan guud ahaan dhalinyarada Somaliland oo aan la kirayn balse u furan waxaana lagu soo barbaarin doonaa oo isku arki doona guud ahaan dhalinyarada Somaliland waxaana ka soo bixi doona hoggaanka dalka ee Berrito.” ayuu Yidhi Guddoomiyaha Dallada Dhalinarada Somaliland ee Heer Qaran ee Sonyo Mubaarig Ismaaciil Taani. Waxa kale oo munaasibada ka hadlay masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ku dheeraaday ahmiyadda ay dhalinyaradu u leedahay horumarka dalka iyo sida ay uga qayb qaataan dhanka wax qabadka iyo horumarka uu dalku ku tallaabsaday oo uu sheegay in dhalinyaradu ay qaybtooda ka qaataan. Waxa kale oo isna halkaa kelmado dardaaran io dhiirigalin isugu jira ka soo jeediyay Guddoomiyaha Xisbiga Talada Haya ee KULMIYE Muuse Biix Cabdi
Wariye: Abdiwali Ali Ismaaciil
Abdiwali1991@gmail.com
Gobanimonews/Hargeysa Office/Somaliland