Tuesday, December 16, 2014

Ma dhabaa In Qabriga Marxuum Cigaal Dawladdu Hunguraysay?

Qabriga Madaxweynihii hore oo la hadal-hayo in baloodho laga jeexdo, Xawliga dib u dhiska Berbera uu  sababay in xeebta bangalooyin hore leh laga taago...



Berbera(GNA)-Maalmihii u dambeeyay waxa soo baxayay warar sheegaya in dawladda hoose ee magaalada Berbera ay diyaarisay qorshe ay ku baloodhaynayso islamarkaana ay dad ku dejinso dhulka uu ku yaalo qabrigii Alle haw naxarisite Madaxweynihii hore ee Somalialnd Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal. Arrintan ayaa hadal-haynteeda waxa ku ladhan argagax iyo wis-wis, kana fog Islaamnimada iyo bina-aadanimadda.



 Dhulka uu qabrigu ku yaalo waxa iska leh qoyska reer Cigaal, waxaanay xubno ka mid ah  ehelka reer X. Ibraahim Cigaal warbaahinta u  sheegeen in dawladda hoose ee Berbera ay soo dejisay dad islamarkaana ay doonayso inay deegaamayso, sida ay warbaahinta qaarkood sheegtay.



Warku wuxuu intaas ku daray in sidoo kale ay dawladda hoose iyo maayarkuba cadeeyeen inay doonayaan inay jid cusub mariyaan duleedka qabriga,  taas oo ay ehellada Marxuumka iyo dad kaleba si adag uga soo horjeesteen.



Maayarka Berbera Mr. Cabdishakuur Cidin  iyo madaxda kale ee dawladda hoose ayaan si rasmiya arrintan uga hadlin, laakiin dadweynaha reer Berbera ayaa dhawrkii caano maal ee ina soo dhaafay arrintan aad u hadal hayay iyagoo is weydiinaya sababta ay dawladda hoose u hunguraysay qubuurahan.



Magaalada Berbera oo aad moodo inay labadii sannadood ee u dambeeyey aad u dhisantahay, isla markaana u fiday afarta jiho, ayaa marka laga yimaado hadal hayntan, waxa la ogyahay inay dhismeyaal cusub oo badan la ag dhisay Dhulka u dhow Qubuuraha.



Dhismeyaashaasi ayaa u badan Bangalooyin jadiid ah oo qaarkood hadeer dhismahoodu socdo.



Wariye ka tirsan Gobanimonews oo dhawaan booqday Xeebta Bataale, ayaa sheegaya in kobocaha dib u dhiska Magaaladu uu sababay inay dadku ku tartamaan dhisashada goobaha Istaraatiijiga ah, ee dhanka Xeebta xigga, halkaasoo laga yagleelay binnooyin cusub oo isugu jira Guryo hada gacanta lagu hayo iyo Dayrar waaweyn oo qooriga badda dhulka ku yaalla lagu kala xidh-xidhay.



Waa suuro gal in arrinta hadal haynta ku jirta ee aan wali la fulini inay tahay sheeko la buun-buuniyay oo aan ka suurto galayn Masuuliyiinta umadda xillalka u haysa, hadii in uun Iimaan iyo caqli saliimkoodu taam yahay, hase yeeshee hadana lama dafiri karo heerka uu gaadhsiisan yahay dareenka arrinkan ku saabsani.



Gobanimonews



Hargeysa Office