Tuesday, December 16, 2014

Kenya oo Eriday 510 Hay’adood

Kenya



Nairobi(GNA)-Dawladda Kenya ayaa dalkeeda ka madnuucday inay ka shaqeeyaan 510 Hay’adood oo ah kuwa Samo-falka ka shaqeeya ee aan dawliga ahayn.



15 kamid ah ayaa lagu eedeeyay inay xidhiidh toos ah la leeyihiin Kooxda Alshabaab.



Hay’adahan, ayaa Sidoo kale waxa dawladdu ay xayirtay lacagaha u yaala bangiyada, kaddib markii  kala noqotay ogolaanshihii shaqada ee ajaaniibtii u shaqaynayay hay'addahaasi.



Sarkaal dawllada katirsan ayaa sheegay in hay'addahaasi ay ku guuldaraysteen in ay soo gudbiyaan diiwaanka xisaabaadkooda.



Ururka Alshabaab ayaa wali sii wada weerrarada ay ka fuliyaan gudaha dalkaasi.



Si faahfaahsan looma sheegin magacyada Hay’addaha ay dawladdu eriday.