Wednesday, December 17, 2014

Ismuujidii xisbiyada mucaaradku waxay maraysaa…

Ismuujidii xisbiyada mucaaradku waxay maraysaa inay taageeraan xataa ragii Somaliland diidka ahaa..



Somaliland waxay halgan dheer oo qadhaadh u soo gashay xoraynta dalkan iyadoo ay u dhan yihiin dhamaan shacabka ku dhaqan dhulka Somaliland taas oo ay u waayeen naf iyo maalba dib u soo celinta xornimadii luntay 1960kii  ilaahay mahadii waa ay ka guulaysteen kaligii taliyhii siyaad bare ee xasuuqa iyo baaba u gaystay shacabka Somaliland waxaana 1991 iyadoo loo dhan yahay  guud ahaan beelaha Somaliland ku dhawaaqeen inay dib ula soo noqdeen xornimadii lixdankii isla markaana ay ka baxeen midawgii la isku odhan jiray somaliya, inataas ka dib Somaliland waxa ay dhabada saartay wadada horumarka iyo dimuqraadiyada ilaa ay gaadho heer isku filnaasho oo caalamkuna aad ugu amaanay, waxa aynu leenahay dastuur iyo nidaam ino dagsan oo diinta islaamka waafaqsan kaas oo aynu ku doorano madaxdeena iyo masuuliyiinta qaranka kuwaas oo dhamaantod ku fadhiya sifo sharciga waafaqsan mana jirto cid tastuurka iyo nidaamka inoo dagsan kasoo horjeeda sidaas daraadeed cidii  leh han siyaasadeed waxa ay soo martaa nidaamka inoo dagsan ee xisbiyada qaranka, aan u soo dago u jedada maqaalkaygane inagoo intaas oo dhan ogsoon waxaan shaki ku jirin in cidii diidan qaranimda Somaliland ama ku hadasha wax ka soo horjeeda jiritaanka somalland ee u dhalatay wadanka loo aqonsanayo koox falaagawday marka gacanta lagu dhigana ay waajib tahay in la xidho iyada oon cidna laga yeelayn inay nabada iyo jiritaanka dalka wax yeesho waxa ka qabashada arintaas waxa aynu u dooranay dawlad ay shacabku gacantooda ku soo dorteen taas oo ay waajib ku tahay cidii la timaada arimahaasi inay gacan biri wax kaga qabato dadweynahana iyo xisbiyada mucaaridkaana  waxaa waajiba inay dawlada ku taageeraan wax ka qabashada cidii kasoo hrjeedsatada jiritaankeena,  nasiibdarada ugu wayn ee dhacday ayaa waxa tahay  in xisbiyadii mucaaridka ee hanka ka lahaa hogaaminta dalkani ay ismuujida sida isku lahayeen oo dawlada dhiiliila in ay xataa tageeraan oo ay dabacsanaan u muujiyaan dadka Somaliland diidka ah waxa ceeb wayn oo ay dadku la mustacajbaan noqotay in markii la arkay xisbiyada mucaaridka oo hadal gara ku tilmaamaya suldaan falaagoobay kaas o sheegay inuu Somaliland ka baxay hadalada ka soo baxay xisbiyada mucaaridka ah ee ugu qiilka sameynayaan ninkas falaagobay waxa xataa ku dhici waayey salaadiinta gobolka awdal ee uu suldaanku ka soo jeedo iyaga oo salaadiinta gobolkaasi intooda badani u arkaa ninkaas odaygaa suldaan dalkani iyo dadkiisaba khalad ka galay balse waxa iswaydiin leh xisbiyada mucaaridku hadalada noocaas ah ma waxa ay isleeyihiin taageero ku hela oo waxa iyana is waydiin leh ma waxa ay cod ka doonayaan dadka aan Somaliland ogalayn oo waxa kale oo isweydiin leh ma dal aan somaliland ahayn ayey is leeyihiin xukuma wali ujedadooda lama garin bal idinba fahma, runtii waa ayaan daro in ragii dalkan hamiga siyaasadeed kalahaa ay kala garan waayaan qaranimada iyo dhaliisha mucaarad nimo waxa ay tahay, waxa aad modaa in ay maqleen uun waxbaa la dhaliilaa oo ayna garanaynaba mucaaradnimada iyo waxa ay tahay iyo shaqada ay qaranka u hayaan ileen waa xisbiyo qarane mise tallow iskuguma haystaan oo qarankaba dawlada uun bay u haystaan iyaba waa yaab,  hadalada kala duwan ee baryahan danbe kasoo yeedha xisbiyada mucaaridka ee shacabka Somaliland meel ay u qaadaan ay garan laayihiin waxa ay cadaynaysa in markii ay ku jahwareereen wax qabadka tirada badan ee dadku ku diirsaday ay qabatay  xukuumada haatan talada dalka haysa ay garan  laayihiin wax ay ku dhaliilaan  oo ay umada cod kaga raadsadaan, waxa aan maqaalkan ku soo gaba gabaynayaa (Biyo badan oo ku hafiyaa baashay u socdaan baa loogu dabaashaa) ee horumarka balaadhan ee dalka ka socda qaybtiina ka qaada oo iska daaya hadalada deel qaafka ah ee dadkuna idinku idinku nacayaan.      



Allaa mahad leh



Maxamed Yuusuf