Monday, December 8, 2014

fadeexad ka soo ifbaxday rabshadahii lagu sameeyay xafladii xisbiga waddani iyo wasiiro lagu ku yeeshay .

,waxa la sheegay in wasiirada maaliyada iyo waxbarashadu ay soo ababuleen falkii lagu sameeyay xafladii xisbiga waddani oo ay ka dhasheen khasaare iskugu jiray naf iyo maalba.
,waxay Marwo. Sam sam habeen hore marwada madaxweynaha u sheegtay in ay kaga baxeen $3000 hawshaasi ,,, masuul ka tirsan xukuumada.
Hargaysa(GNA).Iyada oo ay maalintii khamiistii ee todobaadkii hore ay ahayd markii dhalin yaro ababulani ay weerar ku qaadeen xaflada xisbiga waddani ku soo dhaweynaayay taageerayaal ku soo biiray,dhalin yaradan oo ahaa qaar la soo abaabulay ayaa waxay taageerayashii waddani soo gaadhsiiyeen dhaawacyo xoogan oo dakharo u badan iyaga oo dhanka kalana gaadiid badan oo goobta yaalay iyo kuwo jidka marayayba jajabiyay.
shabakada gobanimonews.com oo iyadu baryahaba raadinaysa macluumaad dhaba oo ku salaysan dhacdadaasi ayaa heshay sir culus oo ka fakatay mid ka mida Saraakiisha xukuumada siilaanyo, oo isagu si kadisa ay uga fakaday hadal uu kaga hadlay mid ka mida goobaha lagu kulmo ee cabitaanada lagu cabo(cAFATRIA),isaga oo mawaadin aanan magaciisa halkan kuu sheegin ku yidhi sidan.
,Waar mashruucaa anagaa (Xukuumada)bixinay oo waanu ku guulaysaney waxan bixiyay oo abaabulay wasiir Samaale iyo wasiir Sam Sam waxan ku baxay lacag dhan $3000,hawshaasi oo la kala bixiyay laba goor oo kala ahaa markii la abaabulaayay iyo markii la dejinaayayba.
dhinaca kale sarkaalkan ka tirsan xukuumada oo sii wata hadalkiisa ayaa yidhi.
,Marwo. Sam sam cabdi Aadan habeen hore waxay u tagtay marwada madaxweynaha waxaan ku tidhi hawshii waxa igaga baxay $3000 ee isii waanay u celisay,
wakhtiga uu masuulkani hadalkan ku lahaa mawaadinkan aanu magaciisa qarinay sababo amaaanka awgeeda ayaa waxa goobta ku sugnaa wariye ka tirsan Shabakada wararka ee Gobanimonews, oo isagu dhagaysanaayay hadalka masuulka, sarkaalkan oo ah mid ka mida agaasimayaasha guud ee wasaaradaha ayaa isagu hadalkiisu ku soo beegmaya xili ay shacabka reer Somaliland isla dhexmarayaan islamarkaana ay ku jaah wareereen cida ka dambaysay dhacdadaasi, hore ay masuuliyiinta xisbiga Waddani xukuumada ugu eedeeyeen inay iyadu ka dambaysay weerarkaasi lagu soo qaaday iyada oo mulkiilaha Hudheelka Crowna uu isna xukuumada dusha ka saaray dhibtii ka dhacday hotelkiisa isaga oo sheegay in xukuumada looga fadhiyo inay bixiso dhankeeda hantida ku baxday halkaasi ee la burburiyay.
sikastaba ahaatee xukuumada somaliland, ayaa aan iyadu wali wax hadal ka odhan dhacdadii ka dhacday Hotelka Crown eee lagu qaaday xisbiga Waddani iyada oo wasaarada arimaha gudah oo iyadu shaqadeedu tahay ilaalinta nabada galyada qaranka iyo muwaadiniintaba aanay wali ka hadal, dhacdadan ayaa ah mid ku cusub saaxada siyaasada somaliland.
Mustafe Axmed(Herer)
gobanimonews.com.office
Hargaysa/somaliland.
Herersax@gmail.com