Gabaygan oo soo baxay 6|10/2014 lana magac baxay damac islamarkaana uu allifay Abdinasir Ismacil Nuur. ayaa wuxu ka hadlaya dadkii siyaasiyi wada noqday una wada shaqo tagay siyaasada iyo niyad jabaka dadku kala kulmaan siyaasiyiinta badankooga oo ay daacad nimadu ku yartahay iyo in lagu hungoobay hogaamidta madax loo hanwaynaa, waxaanu gabaygani ka turjumayaa xaalada lagu jiro.
Waxaanu ku bilaamayaa sidan:
Dadkan wada siyaasiga noqdee
Kala danbayn waayay
Duul wada sharaxan iyo bulshadan
Doorashadu waashay
Ee loogu daw galay qabiil
Damac xumaantooda
Da,ayar iyo cirooleba xilbaa loo
Dagdagayaaye
Dibadaha kuwii joogaybaa
Dhoof kasoo dagaye
Imikay xil wada doonayaan qaar
Dednaan jiraye
oo ay dalbanayaan cod badan
doorkan maanta ahe
damacoodu waa shaqo tag iyo
duunyo wada done
shacabkuna I doorta horay
ugu danseegeene
allahayoow adaa deeq baxshee
diinta nagu toosi
oo dawga khayrka leh na mari
daayimbaad tahaye
MID KU DUULA MAATIDA IYO DILAAL
WADA DIGLAYNAAYA
DABSHID IYO MALAAL WADA SOCDIYO
DAALINKIYO TUUGU
MA KASTAY KU WADA DIGANAYSAA OY
DALDALAYSAAYE
DALKA INAY DHAMAAN MAAMULAAN
XILALNA LOO DOORTO
OO LAGA DANBEEYAY RABAAN
DOODNA LOO CELINE
Allahayoow adaa deeq baxshee
Diinta nagu toosi
Oo dawga khayrka leh na mari
Daayin baad tahaye
Siyaasadu waxad dumiso iyo
Maaha dabin qoole
Dadka kala dil maahiyo ileen
Dira diraalayne
Dakaniyo wixii godob jiraa
Lagu daweeyaaye
Xaqa laguma duudsiyo nikii samaha
Diidoowe
Dulmi way ka dheertahay ninkii
Dacati moodoowe
Bulshaa lagu daryeelaa ninkii
Dacal ka dhaafoowe
Waxa dunida horu mariyayee
Darajo gaadhsiiyay
Waa dadaalka guul lagu hantiyo
Daacadnimo buuxda
La soco