Tuesday, December 9, 2014

Borama: Wasiiradii oo Jahwareersan iyo xildhibaanada G.deegaanka oo gaashaanka u daruuray Safarka wasiirada.

Wasiiro maalintii labaad ku sugan magaalada Borama ayaa u jeedadoodu ahayd inay u kuur galaan xaaladda gobolka Awdal gaar ahaan suldaankii dhawaan ku dhawaaqay inuu ka go’ay somalinad ayaa illaa haatan aan la ogayn waxa u qabsoomay oo ay kala kulmeen bulshada reer Borama.Sidoo kale Iama oga masuuliyiinta sida rasmiga ah ay ula kulmeed wasiiradani,inkastoo wararka qaar sheegayaan inay kullamo hoose la qaateen cuqaasha gobolka iyo masuuliyiinta gobolka Awdal.

Bulshada ku nool magaalada Borama ayaa ka dareen celisay safarkan ay wasiiradu maalintii shalay ku yimaadeen magaalada, dadwaynaha qaarkood ayaa noo sheegay inay wasiiradani shaqooyinkoodii soo baylihiyeen, loogana baahnaa inay shaqooyinkooda ku mashquulaan oo ay arimahan faraha kala baxaan mar haddii arimaha gudaha uu masuul ka yahay wasiirka arimaha guduhu.

Xildhibaanada golaha deegaanka ayaa dhankoodana gaashaanka u daruuray wasiirada xukuumadda matalaya ee ku sugan Borama, waxayna sheegeen in ay wasiiradu wadaan iska horkeen iyo khalkhal ay bulshada Borama ka dhex abuurayaan, lakin reer Borama ay arintaasi ka gudbeen oo aynan maanta joogin xilligii la iska horkeeni lahaa. Waxa kale oo ay xildhibaanadu sheegeen inay wasiiradu sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan magaalada isla markaa ciidanka ka qaadaan degmada Quljeed ee gobolka Awdal, arinta ka taagan magaalada Boramana ay xildhibaanada golaha deegaanku masuul ka yihiin.

Shalay ayay ahay markii cuqaasha iyo waxgaradka uu kasoo jeedo suldaan Abubakar cilmi wabar ay tageero u muujiyeen Suldaanka ku dhawaaqay in dadwaynaha gobolada galbeedku ka go’een Somaliland. Arintaasi oo sababtay fajiciso ku noqotay xukuumadda iyo maamulka gobolka Awdal.

Wararka hoose ee aan helayno ayaa sheegaya inay wasiirada talo ku ciirtay oo ay garan laayihiin meel ay u ciirsadaan, taasi waa ta keentay inay iska ilaaliyaan warbaahinta oo aad u raadinaysa xogaha ku duugan kulamadan hoose ee ay wadaan.

Dhalinyarada, waxgaradka iyo siyaasiyiinta gobolka Awdal ayaa aad uga soo horjeeda ciiddanka ku sugan degmada quljeed. Dhalinyarta kasoo jeedda degmada quljeed ayaa warbaahinta gobonimonews u sheegay in haddii xukuumaddu si dhakhso ah uga soo qaadi waydo ciiddanka degmadooda, wixii ka dhaca ay masuuliyadeeda dusha ku qaadan doonto xukuumaddu.

 

 Mursal Elmi