Buuxda U Taageersanahay Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI” .
Hargaysa(GNA).Qaar ka mid ah Aqoonyahanka, Dhalinyaradda iyoHaween-weynaha Beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa, ayaa sheegay
inay si buuxda u taageersan yihiin Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,
isla markaana ay codkooda u hibayn doonaan Doorashooyinka soo socda
Madaxweynaha Mustaqbalka Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro].
Sidoo kale-na waxa ay carabaabeen inay kalsoonidii ay kala noqdeen
Xisbi-xaakimka KULMIYE oo ay tilmaameen inay si xoog leh u taageeri
jireen.
Wax-garadkan kala duwan ee soo saaray baaqan, waxa ay si kulul u
cambaareeyeen sidii ay Xukuumaddu ka yeeshay Muj Muuse Biixi Cabdi.
Sidan waxa ay ku sheegeen Wax-garadkan kala duwan baaq ay magaaladda
Hargeysa ka soo saareen, kaasoo nuqul ka mid ahina soo gaadhay
Xafiiska Shabakedda Wararka Qumannews.com ku leedahay caasimadda
Somaliland ee Hargeysa. Baaqan taageeradda Xisbiga WADDANI ugu
fidiyeen Aqoonyahanka, Dhalinyaradda iyo Haween-weynaha Beesha
Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa, waxaa uu isagoo dhamaystirani u
dhignaa sidan:-
“Anaga oo ka mid ah aqoonyahanka/dhalinyaradda iyo
haween weynaha beesha waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa, waxaanu si
buuxda u taageersanahay xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, waxa kale oo
aanu cadeyneynaa in aanu tallo iyo tilmaanba la garab taaganahay
xisbiga WADDANI, wakhtiga doorashaddana waxaanu balan qaadeynaa in
aanu codkayaga ugu hiilino oo aanu is barbar taagno Madaxweynaha
Mustaqbalka Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro].
Sidoo kale waxaanu cadeyneynaa in aanu aad uga xunahay sida loola
dhaqmay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waxaana loo quudhi waayey in uu
hankiisa musharaxnimo soo bandhigo imikana wax loo hayaaba ma jirto.
Sidaas awgeed waxaanu go’aansaney in aanu taageeradayedii u wareejino
xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.
Wakhtigii Doorashadda Golaha Deegaanka Musharaxiintii Beeshayada oo
dhan waxaanu ka sharaxney xisbiga kulmiye, waxaana aanu moodayney
xisbigayagii in uu yahay, maantase nalaguma haleeyo [hog laygu
qaniiney, ku sii hiradkiisa , ka haari agtiisa, ayaa ka hagaagsan]
Hore waxaanu u taageernay oo aanu soo saarney Madaxweyne Siilaanyo,
maantana waxaanu taageeraynaa oo aanu soo saareynaa Madaxweynaha
Mustaqbalka Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro].
Magacyadda Baaqan soo saaray, waxay kala yihiin
1 : Maxamed Yusuf Farax
2: Maxamed Axmed C.laahi
3: Axmed Maxmed Cabdi
4: Aadan Cali Maxmuud
5: Khadar Cali Ciise
6; Daa’uud Axmed Fanax
7: Cali Daahir Cilmi
8: Cali Axmed Jaamac
9: Khadra Ibraahim Cilmi
10: Siraad Maxamed Abiib
11: Faadumo Aadan Cawad
12: Malyuun Cadare Nuur
13: Rooda Axmed Dugsiiye
14: Nuura Maxamed Dhoore
15: Nimco Maxamed Baadil
16: Faadumo Maxamed Filter
ALLA MAHAD LEH
Sikastaba ahaatee beelahan ayaa ka mid ahaa beelahii uu madaxweyne siilaanyo k helay codka u ku mutaystay xilka qaranka somaliland,iyada oo ay noqonayso beeshii ugu dambaysay ee uu ka haysto kalsoonida madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanaayo ee Siilaanyo.
Gobanimonews.com.office
Hargaysa/somaliland.