Friday, February 21, 2014

M. Siilaanyo oo Khudbad sanaddeedkii Dastuuriga ahayd ee 2014-ka war-wareegaya


Balanqaadyadii uu sameeyay bishii Janaury oo aan badankooda far loo qaadin iyo duufaano siyaasaddeed oo uu la kowsaday sanadka..




guurtiHargeysa(GNA)-Khudbad sanaddeedka Dastuuriga ah ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa sanadkan dib uga dhacday xiligii la filayay oo ahayd labada Bilood ee sanadka ugu horeeya.




Madaxweyne Siilaanyo ayaa saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay Khudbad sanaddeedkiisii jeediyay bilihii January iyo Feberaury, hase ahaatee sanadkan  ka maagay inuu xiligaasi horyimaado Baarlamanka, si uu uga warbixiyo xaaladda siyaasaddeed , amni, qorshe iyo dhaqaale ee waddanka.




Sida uu dhigayo Dastuurka dalku, madaxweynaha ayaa kalfadhiga koowaad ee Golaha  wakiillada ee sanadka furaya, isagoo fadhi labada Golle Baarlamanku yeeshaan Khudbad sanaddeedkiisa dastuuriga ah ka jeediya, taasoo inta badan lagu soo bandhigo waxyaabaha dawladda u qabsoomay sanadka tegay iyo qorsheyaasha sanadka bilowga ah.




Golaha Wakiillada, ayaa maalintii shalay galay Fasax laba bilood ah, ka dib markii la soo afjaray muran hadheeyay fadhiyadoodii ugu dambeeyay ee Kalfadhigii ugu dambeeyay.siilaanyo iyo barlam




Fasax mudaneyaasha Aqalka hoose ee Baarlamanka dalka ayaa fogeeyay filashada khudbad sanaddeedka madaxweynaha oo bishan Feberaury la filayay, maadaama la soo dhaafay Janaury oo ahayd inuu Goleyaasha horyimaado.




Kal-fadhiga xidhmay ee Wakiillada ayaa furmay bishii  December 2013, oo ahayd todobaad iyo badh ka hor curashada sanadka 2014-ka, laakiinse si kastooy wax noqdeenba Madaxweynuhu muu hor iman goleyaasha intii fadhiyaddu socdeen.




Ma cadda sabab hakisay ama baajisay Khudbadda Madaxweynaha inkasta oo uu bishii Janaury muddo dalka ka maqnaa, markii uu soo laabtayna la kulmay khilaaf cirka isku sii shareerayay oo golaha ka dhex taagnaa, kaasoo xataa hadii ay suurtoobi wayday sharciyaddu banaynayso in fadhiyadda goluhu sii socdaan ilaa wakhti kale.




Hase ahaatee macasalaamayntii shalay ee Golaha wakiillada madaxtooyadu ku bogaadisay soo afjarida khilaafkooda iyo dareeno kale oo isbiirsaday ayaa muujinaya inaan madaxweyne siilaanyo horaanta sanadkan diyaar u ahayn khudbad uu jeediyo.




Waxaana taasi sababteeda loo aanaynayaa gol-daloolooyin faro badan oo ka muuqda waxqabadka xukuumadiisa sanadkii 2013-kii, kaasoo u badan mashaariic uu balan qaaday sanadkii hore in la fulinayo oo wali qaarkood qabyo yihiin iyo kuwa aan wali farba loo qaadin.




Waxa ka mid ah Mashaariicdaasi Diwaan-gelinta Doorashooyinka, mashaariic hal Milyan iyo badh Miisaaniyaddii sanadkii hore loogu qoondeeyay horumarinta Gobollada Bariga, hir-gelinta Heshiisyada Shidaal iyo Macdan baadhista , Doorashooyinka iyo arrimo kale oo faro badan.




Dib u dhaca ku yimi Khudbada madaxweynaha ayaa loo aanaynayaa inay ku timi cabsi uu ka qabay in Golaha Wakiillada oo heshiiskii shalay ka hor mucaaridad badani kaga oognayd Su’aalo lagu waydiiyo khudbadiisa ka dib, taasoo aan hore u dhicin sanadihii hore.




Sababo kale oo aasaasi ah, soona noqnoqday ayaa sidoo kale loo sibir saarayaa arintan, hase ahaatee ma jiro wax war ah oo madaxtooyadu ka soo saartay xiliga madaxweynuhu Goleyaasha la hadlayo, si bulshadu u ogaato qorshaha xukuumiga ah ee sanadka iyo warbixinta xaalada guud ee dalka.




Wasiirkiisa Madaxtooyada ayaa sanadkii laga soo gudbay badhtamihiisii Golaha u sii laqimay waxqabadka Xukuumadda ee inta badan 2013-kii, taasoo dad badan ku abuurtay dareen meesha uga saaraya khudbadda Madaxweynaha ee hada laga dhur-sugayo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com