(GNA)Wiil u dhashay dalka Maraykanka, ayaa dariiqyada magaalada uu ku nool yahay la joogsada boodh uu ku dalbanayo haweenay u qalanta oo uu guursado.
Ninkan oo meelaha tareennada iyo baabuurtu ka baxaan la wareega boodhkan waxa uu tibaaxay inuu helay codsiyo badan oo haween uga yimi, balse aanu ilaa hadda la xidhiidhin, walina uu raadinayo haweenay dookhiisa qancisa.
Gerald Abrahams oo 39 jir ah waa nin guur doon ah, isla markaana calafkiisa ka raadinaya dariiqyada sannadkan 2014-ka, waxaannu tilmaamay in internetka xidhiidhada laga sameeyo aannu u bogin, isagoo sheegay in khiyaamo badan lagala kulmi xidhiidhada baraha internetka ee bulshadu ku kulanto laga sameeyo.
“Waxaan doonaya inaan shay cusub la yimaado sannadkan 2014-ka, internetka xidhiidho badan waan ka sameeyey, balse midna kumaan qancin, dadku waa dad ceebahooda ku qariya dhoola caddayn wejigooda ay ku qasbaan,” ayuu Mr. Abrahams u sheegay wargeyska Evening Standard.
Ninkan waxa uu sheegay in gabadha uu doonaya tahay gabadh leh indho dambari ah, isla markaana aan gaabnayn, afkana u dheer.
Dalka Maraykanka waxa aad ugu soo badanaya dadka dariiqyada ka raadiya qof xidhiidh jacayl ay la sameeyaan, iyagoo sita boodhadh muujinaya astaamaha ay doonayaan inuu yeesho lammaanahooda nolosha la qaybsanaya
Diyaariye:-C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com