Taliyaha Amaanka Jubland oo sheegay in saddex nin oo uu ku jiro mid al-shabaab ka soo goostay dilka geysteen..Akhri xaalada Kismaayo oo caawa xumaatay..
Kismaayo(GNA)-Wararka laga laga helayo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Jubaland ayaa sheegay in caawa lagu dilay Taliyihii Ciidanka Nabad Suggida ee Maamulka Jubba Ciise Kaambooniiyo ugu yaraan saddex ka mid ah ilaaladiisa oo uu Darawalkii Gaarigiisu ku jiro.
Magaalada Kismaayo ayaa in muddo ah waxa ka dhacayay dilal iyo falal kale oo amni daro.
Dablay hubaysan ayaa la sheegay inay sarkaalka iyo askarta ilaalinaysay weerar gaadmo ah ku dileen, kuwaasoo waddo u galay ka dibna rasaas ku furay.
Ciise Kaambooni ayaa ahaa Nin si weyn uga dhex muuqday arrimaha Maamulka Axmed Madoobe ee dhinaca amaanka la xidhiidha.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Hay’adaha amaanka ee Jubaland iyo Ciidamada AMISOM toona, hase ahaatee
Taliyaha Ciidamadda Amaanka ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay Dilka askartan geysteen saddex nin oo Baaskooladdo ku hubaysan.
Taliye Maxamuud Qaalib oo goordhowd la hadlay Mareeg lagu magacaabo Warkii.com ayaa intaasi ku daray in Kooxda Dilka geysatay uu ku jiro nin dhawaan kasoo goostay Ururka Al-shabaab, kana mid ahaa Ciidanka Jubbaland.
Hase ahaatee muu caddeyn in la qabtay iyo in kale Taliyuhu raga falka geystay.
Geesta kale, rasaas teel teel ah ayaa xaafadaha Magaalada laga maqlayay ilaa goor dambe oo 12-dii caawa ah, sida ay goob-joogeyaal Gobanimonews u sheegeen.
Rasaasta ayaan la aqoon cida isku ridaysa, balse xaaladda magaalada khal-khal iyo cabsi ka buurtay.
wararku wuxuu intaasi ku darayaan inuu jiro sarkaal kale oo dhaawac weerarka ka soo gaadhay dhintay.
Magaalada Kismaayo ayaa tan iyo horaantii sanadkii la soo dhaafay hoy u ahayd awooddo iska soo horjeedda oo dhinaca Siyaasadda isku haya.
Hase ahaatee dhismihii Maamulka ku-meel gaadhka ah ee Jubaland, ayaa u muuqday mid waxoogaa dejiyay xaaladihii halkaasi ka taagnaa.
Gobanimonews
Muqdisho Office