Maansada Maandeeq Waxa Curiyey Abwaan Cali Maxamed Ibraahin "Cali Dhanaaniye"
Erey maanku diidoo
Mooraal jab keenana
Maalin keliya gacalooy
Kamaad maqal afkaygoo
Marna kuuma quudhee
Miyaa laygu kaa diray?
Muuqaagii tebayoo
Maalmahan ku waayee
Mudantii haweenkaay
Muftaaxii hankaygiyo
Maamuuskii noloshaay
Murwaadkii naftaydaay
Hablahaad u mudantoo
Ugu muunad wacantee
Bal yaan kugu maseeyaa
Ama kugu maleeyaa
Macaan kula tartami kara?
Mawlahaa ku dhawroo
Samo kugu macsuumoo
Sharaf kugu marriimoo
Sidaad tahay mahiigaan
Ama mayayga rooboo
Saqdii dhexe geyiga miray
Oo muuniida aroortii
Markuu waagu daalacay
Dadku wada maqsuudeen
Oo miiraale xooggani
Mar labaad ku taagsadayo
Miyi iyo magaaloba
Maalin waa ka dhacayoo
Mulacyeeyey daadkii
Xareedduna Mushaaxdoo
Meeshii aad jalleecdaba
Naftu ay macaansato
Dharaartani milgaha badan
Mahadhada xasuustana
Jawigaa mubaaxaa
Rabbi loogu mahadnaqo
Muuqaalkan yaab kaleh
Ayaan kugu masaalaa!
Sidaad tahay mas ciideed
Mardhacyiyo garaaro leh
Sidaad tahay man iyo ubax
Ama mudaneey daa'uus
Malko bilicsan joogtaad
Maankayga deeqdoo
Nafta waad ku mudantoo
Maandhoy xiisahaagay
Kashu muxubbo oydaa.
Mirta dhexe habeenkii
Marka uunku jiifsado
Hawlyari ma ledo oo
Hadba waxaan mushaaxaa
Mawjadaha kalgacalkiyo
Maayadaha jacaylkee
Maax dumiya noloshee
Murugadiyo Faraxiyo
Macaankiyo Qadhaadhka leh
Ee ku maran addoomaha
Ee ku meersan geeddiga
Mataaneeya waayaha
Ee ku soohan maalmaha
Ee ku teedsan mirirada
Ayaan mayracaayoo;
Maankayga sooraay
Gacantaydii midigeey
Qalbigaad ku milantee
Makaankaynu degeyniyo
Minan gacal fadhiistiyo
Madal lagu caweysimo
Rugteenii mustaqbalkaan
Maaraynayaayoo
Habeenkii ku maqanahay.
Miski iyo xariireey
Mahuraanka noloshaay
Maskaxdayda keligaa
Ayaa maamulaayoo
Waxaad tahay misbaaxaan
Mugdigii ku dhaafee
Murtidaan ku leeyahay
Mahadhada halhayskiyo
Maah-maahahaygiyo
Miisaan warkaygoo
Qawlkayga meelee;
Masqariyo wax sahaliyo
Dhayal haw malaynine
Furfuroo macnaysoo
Waa macquule ila eeg.
Maya haygu odhanine
Markastaba il debeciyo
Marxabo iyo rayn-rayn
Farxad iigu muunsood.
Doqontiyo Muluushtaa
Weligood Masayree
Mukurkana isaga tuur
Haygu madax adkaanine
Murankana inaga dhawr.
Maka iyo Madiiniyo
Beledkaa muxtarimkaa
Marwooy aynu qabanoo
Mawle waa ilaahaye
Macbuud aynu tuugnee
Aan mataano noqonee
Meher aynu dhiganoo
Halaynoo mashxaradee
Wehel maysu noqonaa?
Waa maalmo duniduyo
Wadka lama maleeyee
May aqbali karaysaa?
Murugadu xanuuniyo
Maaleeyo weeyee
Inagoo mataanaa
Oo mafsuuda gacalooy
Sida bidixda iyo midig
Kala maarmi maynee
Ma iskaashanaayoo
Aroos weyn ma dhigannaa?
Martiqaad ma fidinnaa
Gacal kala maqnaayoo
Muddo aan is aragiyo
Mudaniyo marley dumar
Sacabkiyo Mashxaradiyo
Murti aad ka dheregtide
Maygu raacday taladaa?
Dhammaad.
Cali Maxamed Ibraahin (Cali Dhanaaniye)
Email:dhanaaniye@hotmail.com