Monday, December 9, 2013

Somaliland:Mucaaridka oo wax ka bedelay qaabkuu u dhacayo Mudaharaadka 10 Dec.dhegeyso


Xisbiga Ucid oo sheegay inay Taageerayaashoodu isugu soo baxayaan xarumaha xisbiga hoos ka dhegeyso.




 



Hargeysa(GNA)-Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland ayaa Bedelay qorshe ay ku diyaarinayeen Mudaharaad Salmi oo ay  ku baaqeen Maalinta Berri ee 10 December, ka dib markii xukuumaddu ku gacan saydhay codsi ay ku dalbadeen.



Wasiir ku-xigeenka Amniga Wasaaradda arrimaha Gudaha Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa qoraal uu shalay soo saaray ku daadifeeyay waxa uu ugu yeedhay Mudaharaad ay xisbiyadu ka dalbadeen,kaasoo uu ku dooday inaanay jirin cid damaanad qaadi karta.




Wasiir Abokor ayaa sheegay inaanay xukuumaddu ogaalayn wax dibad bax ah oo dalka ka dhaca, waxaanu xisbiyadda Mucaaridka ah uga digay inay talaabo sharci daro ah ku sameeyaan dibad bax.




ka dib go’aanka Xukuumadda ee ku lidiga ah Mudaharaadkaasi, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Ucid Cali Maxamed Xasan (Cali Guray), oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay xisbi ahaan bedeleen qorshihii ay ugu talo galeen dibadbaxyada.




Cali Guray ayaa sheegay inay Taageerayaasha Xisbiga Ucid isu soo bax ka dhigayaan xarunta Xisbiga, isla markaana aanay halkaasi dhaafi doonin, halka markii hore qorshuhu ahaa inay socod nabad-gelyo ah ku maraan jidadka magaaladda.




 “ Annagu xisbi ahaan markii aanu aragnay siduu wax u waddo inankan yare e waraaqda Sharciga loogu soo qoray, ee aanu is-nidhi Caruurta iyo Dumarka ayay Ciidan u adeegsan, waxaanu go’aansanay inaanu xarunta Xisbiga horteeda istaagno oo aanu kala hadalno dadka”ayuu yidhi Cali Guray.




Waxaanu intaasi ku daray isagoo hadalkiisa sii wata “Annagoo waliba  og inaanay nagu nabad gelinayn xaruntayada ee ay noogu iman doonaan kooxdan meesha haysataa” .




Muj Cali –guray oo ka hadlayay aragtidood xisbi ee ku waajahan cabsida amaan daro ee ay xukuumaddu muujisay, ayaa ayaan-daro ku tilmaamay in Ciidamadii amniga sugi lahaa loo diyaariyay ka hortaga Mawaadiniinta sida nabad-gelyada ah dareenkooda u cabiraya.




“horta waxa ayaan daro ah in la yidhaahdo xaalad amni daro ayaa jirta, iyaddoo ciidamadii amaanka sugi lahaa ee heegan loo geliyay Mawaadiniinta Somaliland ee dareenkooda cabiraya”.




Geesta kale, Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Ucid Cali guray waxa uu eedeymo kulul u jeediyay Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo uu ku tilmaamay inay ku sifowday kali-talisnimo iyo awood sheegasho aan loo sii dulqaadan Karin.




Waxa uu sheegay inay luntay, qastigii dawladnimo iyo curfigii qarannimada dalku, loona bedelay waxa uu ugu yeedhay  Koox isbahaysatay oo ma xishoodayeel, qaswadeyaala “kuwa maanta anna leh amni daro ayay wadaan waa kuwii Madaxa soo duuban jiray ee iyagu amni darada ka shaqayn jiray, waa kuwa diraya imanada yar hebel soo dil yidhaahda, waanan haynaa cadeyntooda”ayuu hadalkiisa raaciyay isagoo aad uga cadheysan talaabooyinka Xukuumadda qaadayso maalmihii dambeeyay.




Cali Guray ayaa ugu dambeyn ku Hanjabay in hadii xukuumaddu talaabooyinka qaldan ee ay kula kacayso bulshada qaybaheeda kala duwan ay joojin waydo layska difaaci doono “hadii ay sidan wax ku sii waddo oo ay joojin waydo xukuumaddu waxan ay wado waa layska celin, kolayna anigu uga tegi mayno Hargeysa ilaa aan ku dhinto”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Halkan ka dhegeyso hadalka Cali Guray: [audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Cali-Guray-mp3.mp3"][/audio]




Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xisbiga kale ee Mucaaridka ah ee Waddani oo dalabka iyo diyaarinta dibadbaxyadan qayb ka ahaa, inkasta oo markii hore xisbiga Ucid ku baaqay, waddanina taageeray.




Xisbiyadda Mucaaridka ah ayaa ka cadhooday go’aan todobaadkii hore xukuumaddu ugu diiday wefti ka socda UCID inay booqdaan Magaalada Gabiley, iyadoo lagu eedeynayo ama sabab looga dhigay joojinta weftigaasi Olole sharci daro ah inay waddeen.




Qorshaha dambe ee xisbigu u bedelay dibadbaxyada uu ku baaqay ayaa ku soo beegmaya xili maanta la xidhay Guddoomiyihii Goboladda Awdal iyo Selel ee Xisbigaasi.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com