Monday, December 30, 2013

~~Shaqaale Wakaaladda Biyaha Burco ka tirsan oo Eedeymo u jeediyay Maareeyahooda


Burco(GNA)-Xisaabiyhii wakaalada Biyaha iyo Qaar ka mid ah shaqaalaha wakaalada Biyaha Burco  ayaa Maareeyaha wakaalada Biyaha Mgaalada Burco ku eedeeyay inuu ka danbeeyay qaskii iyo mudaharaadkii ka dhacay magaalada Burco kaas oo uu ku nafwaayay hal qof Sadexkalena uu k asoo gaadhay dhaawac Culusi.
sidoo kale shaqaalaan oo uu ku jiro xisaabiyuhu waxay maamreeyaha ku eedeeyeen shaqaalaha wakaalada u kala eexdo oo saqaale isku mid ah mushaharka u kala badiyo,waxanay eedayntani shaqalahani maareeyaha ay usoo jeediyeen ka danbaysay ka dib markii uu maareeyuhu shaqadaii ka bedelay Agaasimayaal iyo xisaabiyihii wakaalada,shaqaalahan oo hotel Tawakal shir jaraa'id ku qabtay ayaa waxaa ugu horayn halkaas ka hadlay.
xisaabiyihii uu Maareeyhu xilka ka qaaday Xasan C/laahi ciise  waxana uu yidhi''Anigoo ah xisaabiyihii wakaalada Biyaha waxa uu maareeyuhu nagu sameeyay bedel aniga iyo agaasimaha maaliyada taas oo uu noo aaneeyay ama isqabadkayagu ka kacay xaga xisaabaadka,oo niman Ganacsato ah ayaa qaansheeg noola yimi kuwaas oo leh lacagbaa nalaga qaaday oo waxa naga qaaaday niman dhalinyaro ah,waxaanu ninkaas lacagta doonayay yidi maareeyaha ayaa ila soo hadlay oo yidhi sii dhalinyaradaasi waa ciraartoy e,lacagtaasina dalab ma lahayn,ganacsatada kaashka doonaysay ee lacagtaas leh waanu bixinay ee wakaaladu hana siiso waa isberbarta ABCO,abcona kaash may bixin jirin qalab gaadiid uun baanu ka qaadan jiray,taasi waxay kuu cadaynaysaa lacagtaasi waxay ku baxday oo maareeyhu ku kharas gareeyay fawdadii iyo  mudaharaadkii maalintii dhawayd Burco ka dhacday”.
anaguna lacagtaas markii aanu aragnay inaanay sifo sharci ah aanay ku baxayn ee ay hanti umadeed tahayna waanu diidnay dabadeed si ay taasi u suurto gasho oo ahntida ugu tagri falo ayuu xilka nooga qaaday,dee hadii markuu qofku hantida umada diido in la isticmaalo oo uu ilaaliyo waa fawdo taasi”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Hanti dhawrka wakaalada Biyaha Axmed Yuusuf ayaa isna yidhi''Anigu waxaan ahay hanti dhawrkii wakaalada Biyaha shaqadaydii ma hayo oo layma ogola oo awood hanti dawr kuma shaqayno oo meeshu waa fawdo.
Barkhad Xasan dhuuxyare oo ka mid ahaa shaqaalaas ayaa hadalkiisii ku bilaabay''isku shaandhayn buu maareeyhu sameeyay waxaa wax lala yaabo ah Madaxii farsamadu isagoo xafiiskiisii ka maqan oo siminar jira ayaa shaqadiisii lala wareegay oo la tirsaday.
Mukhtaar cabdi ayaa waxa uu isna yidi'' meeshan wakaalada Biyaha waxaa ka jira cadaalad dari oo shaqaalaha isku giraydhka ee isku shhaqada ah ayaa hadana kala mushahar ah,ilaa intaas shaqaalaha dawlada musharaka loo kordhinayay wakaalada shaqaalaheeda mushahar looma kordhin.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com