Tuesday, December 31, 2013

Go’aankii Shaqo Joojinta Booyaduhu Digniin Ma U Noqon Doonta Xukuumadan Dakhligeedu Is-Nuuga Yahay?


Go’aankii Shaqo Joojinta Booyaduhu Digniin Ma U Noqon Doonta Xukuumadan Dakhligeedu Is-Nuuga Yahay?By. A/Kayse Cali Cige




Maalmihii la soo dhaafay waxa si balaadhan usoo if-baxay saamaynta iyo doorka muuqda ee Booyadaha Biyuhu ku leeyihiin Waraabinta bulshada ku dhaqan caasimada dalka, kuwaas oo iyagu buuxiyey door ay waajib ahayd in xukuumadu qabato adeega Biyo gaadhsiinta dadweynaha ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee Hargeysa.




Hase yeeshee khamiistii ayay ahayd markii Booyadaha Biyaha dhaamiyaa ay ku dhawaaqeen go’aan shaqo joojin ah oo ay kaga soo horjeedeen culayska cashuuraha xukuumadu ku kordhisay, waxaana shaqo joojintaa ka dhashay dibad-baxyo ay dhigeen dadkii ku tiirsanaa adeegyadaasi booyadaha biyuhu u fidin jireen oo ay waayeen.




Gaadiidka Biyaha ee xukuumadu ay cashuurta ku kordhisay ayaa u adeega ama biyaha u shuba degmooyinka Caasimada gaar ahaan Gacan-Libaax, Maxmed Mooge, Maxamuud Haybe, Axmed Dhagax iyo qaybo ka mid ah 26-June, waxaana lagu lagu qiyaasaa bixinta adeegaasi ku dhawaad 70%, halka dawladuna ay la tacaalayso gaadhsiinta biyaha 30% soo hadhay.




Xukuumad walba waxa xil iyo waajib ka saaran yahay in bulshada ay xukuntaa hesho adeegyada aasaasiga ah (basic services) oo lacag la’aan ah ama hadii laga tagi waayo qiime naasil ah lagu siiyo adeegaasi si loo horumariyo hab nololeedka dadka, iyadoo dawladu fulinaysa bixinta adeegyada aasaasiga ah ee ay ka midka yihiin Biyaha, Laydhka, Faya-dhawrka, Guryaynta, Waxbarashada, IWM.




Hadaba cashuurta cusub ee dhawaan lagu kordhiyey Booyadaha Biyaha Dhaamiyaa waxa ay ka mid tahay masuuliyad darada iyo xilkastnimo la’aanta lagu waxeyeelaynayo in bulshadu ay hesho adeeg biyood oo qiimo jaban oo ay awoodi karaan, waxaana la odhan karaa Shaqa joojinta booyadaha biyuhu ay go’aansadeen waxa ay fariin digniin ah u tahay masuuliyiinta xukuumada gaar ahaan waaxda maaliyada ee kaalinteedii gabtay inay caadaysato in culays dhaqaale la saaro adeegyada lagama maarmaanka ah ee biyuhu ka midka yihiin, isla markaana go’aankaasi shaqa joojinta booyaduhu waxa uu dan weyn u ahaa guud ahaan bulshadan sicir bararku daashaday 22-kii sano ee Somaliland jirtay.




Talaabadan cashuur kordhinta gaadiidka biyaha gaadhsiiya caasimada waxa ay ka dhigan tahay in lagu soo duulay waxyeelaynta nolosha dadka maadaama oo biyuhu lagama maarmaan u yihiin nolosha bulshada oo sidii looga hortagi lahaana ay u guntadeen booyadaha biyaha ee shaqo joojinta ka muujiyey cashuur kordhinta oo iyagu awoodi karayey in cashuurta la saaray ay iyaguna qiimaha biyaha ay dadka ka siinayaan ku kordhiyaan.




Xildhibaanadii dhawaan shacabku doorteen iyo kuwii hore ee Baarlamaanka oo laga filayey hiil ay la garab istaagaan dadweynihii iyo gaadiidkii ka shaqaynayey Adeegyada bulshada inaan cashuur lagu kordhin ayaa ku fashilmay wax ka qabshada arintaasi, xukuumadana culays ku saaraan sidii cashuurtaasi looga dhaafi lahaa gawaadhida biyaha soo qaada, balse taa badalkeedii ayaa qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanku Caasimadu waxa ay laaluush iyo lacago kula dhex wareegayeen mulkiilayaasha booyaduhu inay shaqadooda dib u bilaabaan oo culayska dhaqaale iyaguna sii saaraan shacabka ay biyaha usoo dhaamiyaan, hase yeeshee muwaadiniinta booyadaha ayaa gaashaanka ku dhuftay oo ay Xill-ma-dhibayaashaasi kala kulmeen waji-gabax iyo fool-xumo balaadhan kadib markii ay ku adkaysteen Booyadhaa Biyuhu inaanay ka noqon doonin go’aankaasi shaqo joojinta ilaa xukuumada ay jawaab ka helayaan cashuurta lagaga dhimayo ama lagaga dhaafayo.




Gabogabadii Xukuumadan dakhligeedu Is-nuuga yahay miyey garan la’dahay meelaha laga kordhiyo dakhliga dawlada (public revenue) hadii kharashkeedu ka batay dakhligeeda, sawtii dadka xaashiyaha dhaqaalaha rogrogaa ay odhan jireen ‘lacag baa la soo daabacdaa ama la soo amaahdaa hadii xukuumaduhu ay musalafaan (deficit), balse xukuumadan Siilaanyo miyaanay ahayn tii dhawaan lacagta cusub soo daabacatay ama deeqaha tooska ah ka heshay EU-da, ee waliba dhawrkii biloodba mar qorata ciidan Bileys oo magacyo cusub leh oon faa’iido lahayn shacab ay dhafoorka ka toogtaan mooyaane.!!!!