Monday, December 30, 2013

Ismaaciil Cumar Geele: Federaalka Waa Sun Soomaaliya La Geliyay!


(GNA) Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka soo dhexgala madaxda Soomaalida gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha inta uu socdo xilliga ay wada-shaqeynayaan, Madaxweyne Geelle wuxuu sheegay inaysan aheyn markii ugu horeysay oo khilaaf uu soo dhexgalo Madaxweyne Soomaaliyeed iyo Ra’isul wasaarihiisii, laakiin 20-kii sano ee la soo dhaafay ay Madaxweynayaashii dalka soo maray iyo Ra’isul wasaarayaashoodii markii ay muddo wadashaqeeyaan ay is-afgaran waayaan.




“Sababta anigu ma garanayo ma dastuuurka ayaan aheyn mid saxan oo si cad u qeexaynin awoodaha uu mas’uul walba leeyahay, ma dad doonaya inay ka faa’iideystaan oo ay balaayo dhex-dhigaan madaxweyne walba iyo ruuxa uu u doorto Ra’isul wasaaraha ayaa jira, balse anigu waxaan soo jeedinayaa in dib loogu laabto hab dhismeedka dastuurka” ayuu yiri Geelle oo wareysi gaar ah siinayey Idaacadda VOA-da.




Madaxweyne Geelle waxaa kale oo uu sheegay inuu soo jeedinayo in la bedelo habka ay dowladdu u dhisantahay sida in laga dhigo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen oo dastuurka isbedel lagu sameeyo ama si kale oo macquul ah loo bedelo si looga fogaado kalsooni-darrada soo dhexgasha madaxda dowladda Soomaaliya.




Dhinaca kale madaxweynaha Jabuuti oo wax laga weydiiyay federaaliisimka Soomaaliya ayaa sheegay in taasi aysan iyaga ula muuqan wax wanaagsan, balse ay tahay sun la geliyay Soomaalida oo aan hadda laga kareyn ka jooga, wuxuuna yiri “Qorshaha federaalka waa sun Soomaalida la geliyay oo aan hadda laga kari karin iska daaya, waxaadna arkeysaa dowlad goboleed iyo maamul goboleed la isku dhinac wado, mana qabo in qabiil iyo Qaran ay meel wada-geli karaan”.




Ugu dambeyn, madaxweynaha Jabuuti oo wax laga weydiiyay in Jabuuti ay hormuud u ahayd muddo badan siyaasadda Soomaaliya, balse hadda ay u muuqato inay dib uga yara sikatay, isagoo taas ka jawaabayayna wuxuu sheegay inaysan jirin wax iska bedelay siyaasaddeeda, balse ay go’aan ku gaareen inaysan faragelin ku sameyn maamulkooda oo ay ixtiraamaan madaxda hoggaanka haysa.




Gobanimonews.-Disk