Saturday, December 28, 2013

Somaliland: Xukuumadda oo Cagaf iyo Ciidan gelisay Booyadaha Shaqo joojinta ku jira


6 ka mid ah Wadeyaasha Booyadaha shaqo joojinta ku jira iyo Gaadiidkooda oo xabsiga la dhigay  




Hargeysa(GNA)-Ugu yaraan lix ka mid ah Darawaliinta Booyadaha Biyaha dhaamiya wata, ayaa xabsiga loo taxaabay, ka dib markii ay shalay shaqo joojin guud sameeyeen Gaadiidleyada Biyaha u dhaamiya Caasimada Somaliland.




Shaqo joojinta Biyooleyaasha ayaa sababtay biyo la’aan la soo deristay inta badan xaafadaha Magaalada Hargeysa ee aanay biyaha Qasabaduhu gaadhin.




Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Booyadleyda Biyaha  Ibraahim Cismaan Axmed ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Cagaf la geliyay Gaydh weyn oo ku yaala Xaafadda Jig-jiga yar ee Magaalada Hargeysa , halkaasoo ay shalay  ku xareeyeen Baabuurtooda, isla markaana la soo xidhay 6 Gaadhi iyo Darawaliintii watay.




“markii aanu shalayto Gaadhiyaasha dhignay, halkii aanu xal kale ka eegaynay, xukuumaddu waxay samaystay Maanta labadii ayaa lix gaadhi oo Ciidan ah iyo Cagaf la geliyay meeshii aanu gaadiidka ku xereysanay, dabadeed, waa la dumiyay, lix gaadhi iyo darawaliintii watay oo ay meesha ugu tageena waa la soo xidhay”ayuu yidhi  Guddoomiye ku-xigeenku.




Waxaanu intaasi ku daray “markaa arintaasi waxaanu u aragnaa cabudhin aanaan mutaysan, annagu waxaanu ka cabanaynaa cashuur dheeraad ah oo waxay tahay aanaan garanayn”.




Ibraahim Cismaan ayaa sheegay in markii hore lixdii biloodba laga qaadi jiray 96000 Shls, haatana  680,000 Shls, taasoo uu ku tilmaamay talaabo qayrul macquul ah “Lix-biloodka sanadihii hore waxa nalaga qaadi jiray 95000 Shls, iminkana waa 680,000 Shls, lacagtaana ma garanayno meel laga soo rogay, mana bixin karno”ayuu yidhi.




Afhayeenka u hadlay Ururka Booyadleyda shaqo joojinta ku jira maalintii labaad, ayaa sidoo kale sheegay inay Maalinta berri ah go’aan dambe ka qaadanayaan inay sii wadaan shaqo joojinta iyo in kale “Berri subaxa ayaanu shir leenahay oo aanu go’aan kaga gaadhi doona talaabada xigta ee aanu qaadayno, laakiinse iminka waxba kaagama sheegi karo go’aanka noo yaala”.




Dhinaca kale, mid ka mid ah Wadeyaasha Gaadiidka Booyadaha oo Gobanimonews la hadlay ayaa sheegay in afar gaadhi oo maanta Bilaysku qabteen oo booyado ah lagu khasbay inay Magaalada Biyaha u dhaamiyaan.




“afar gaadhi ayaa la qabtay waxa lagu yidhi lacag ayaa laydin siinayaa ee Khasab biyaha ku dhaamiya, mid walba waxa shidhka u saaran laba askari “ayuu yidhi Ninkan oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyaa.




Biyo la’aan ka dhalatay shaqo joojinta Booyadaha ayaa ku habsatay 70% ka mid ah Xaafadda magaalada Hargeysa, waxaana jira cabsi laga qabo in cabashooyin rabshado wataa dhacaan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com