Monday, December 30, 2013

Ismaaciil C. Geele: Ciidamo dheeraada ayaanu u diraynaa Somalia"


Aan wada hadalno hadii laga heli lahaa wax badan ayaa suuroobi lahaa, Carab iyo Israa'iil way wada hadlaan, laakiin meesha ay iyagu...




Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle ayaa sheegay in ciidan dheeraad ah uu u dirayo Soomaaliya saddex todobaad gudahood, si loo sii wado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.




Wareysi uu siiyay laanta af Soomaaliga ee VOA ayaa waxaa uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu sheegay in xalka kaliya ee Al-Shabaab uu yahay in lala dagaalamo, maadaana aanay diyaar u aheyn wax wada hadal ah.




"Aan wada hadalno hadii laga heli karo wax badan ayaa suuroobi laheyd, Carab iyo Israa'iil waa wada hadlaan, laakiin meesha ay iyagu u socdaan iyo meesha aan u socono waa kala fog yihiin, in lala dagaalamo mooyee wax kale ma jiro"ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.




Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in ciidankiisa ay ka howl galaan qeybta ugu ballaadhan ee howl galka AMISOM ee Gobolada Dhexe ee Soomaaliya, isagoo xusay in Ciidan gaadhaya hal Guuto ay u dirayaan oo ay ka bar bar dagaalamaan Ciidamo Soomaaliyeed.




"Sector 4 waa qeybta ugu ballaadhan ee gobolada dhexe, maadaama ay kuwa kale naga ciidan badan yihiin, hadana waxaa ku kalsoonahay inaan ciidan dheeraad ah u dirno oo ay la howl galaan ciidanka Soomaaliyeed"ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.




Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay inuu socdo qorshe ay wadaan ciidamada Jabuuti iyo dowladda Soomaaliya oo la doonayo in Al-Shabaab looga qabsado degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan.




Wadank Jabuuti ayaa ahaa dalkii saddexaad ee Ciidamo u soo diray Soomaaliya dhamaadkii sanadkii 2011, iyadoo ciidamadan ka howl galaan Gobolka Hiiraan, halkaasoo degmooyinka qaar ka mida Gobolkaa ay gacanta ku hayaan Xarakada Al-Shabaab