Sunday, December 29, 2013

Somaliland: Madaxtooyada oo sheegtay in Madaxweynuhu qaabiley Dhalinyarada Beelaha Gabooye


Hargeysa(GNA)-War laga soo saaray Guriga looga arrimiyo Somaliland, ayaa lagu sheegay in Madaxeyne Siilaanyo maanta qaabiley dhalinyaro ka socda Beelaha Gabooyaha.




Kulankan ayaa ka dambeeyay cabasho Muddooyinkii u dambeeyay ka soo yeedhaysa bulshada Gabooyaha, taasoo salka ku haysay arrimo tabasho iyo dil dhawaan ka dhacay Xaafadda Daami ee Beeshaasi degto, taasoo lagu dilay ruux dumar ah oo Beesha ka soo jeedda.




Falkaasoo sii kiciyay cabasho bulsho iyo dareemo muddo dheer bulshada gabooyaha ka soo yeedhaysay.




Ma jiraan ilo-wareedyo madaxbanaan oo laga helay waxyaabaha kulankaasi  oo aan warbaahinta loo ogolayn labada dhinac isku dhaafsadeen, hase aahatee war qoraala oo ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu yidhi sidan.




“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay dhalin yarada beesha gabooye oo ay hogaaminayeen guddiga akadamiga (Academy)-ga horumarka, iyo waxbarashada ee beeshaasi.




 




Kulankan oo u jeedadiisu ahayd sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha  waxbarasho ee lagu horumarinayo beeshaasi, ayaa ugu horayn waxa uu madaxweynuhu xogwaran kaga dhegaystay xubno ka mid ah gudida akadamiga horumarka iyo waxbarashada oo tibaaxay dedaalkooda ku saabsan sidiii beeshooda looga horumarin lahaa aqoonta iyo waxbarashada.




 




Waxaanay madaxweynaha iyo xukuumadiisa ka codsadeen inay gacan ku siiyaan dedaalkoodaasi oo aan iyaga la’aantood midho dhal noqon Karin.




 




Sidoo kale xubnahaasi ka kala socday aqoon yahanka, dhalin yarada iyo ardayda jaamacadaha ee beesha gabooye oo ay wehelinayeen xubnaha gudida akadamiga horumarka iyo waxbarashada, waxa kale oo ay ka xogwarameen in beeshooda oo ka mid ah beelaha Somaliland ay haatan halgan ugu jiraan sidii ay beelaha kale ee Somaliland ay ugala mid noqon lahaayeen dhinacyada aqoonta iyo horumarka kale ee bulshada.




 




Ugu danbayna waxa ay madaxweynaha iyo xukuumadiisaba uga mahadnaqeen sida ay goor iyo ayaanba ula barbartaagan  tahay wax kasta oo ay u arkaan in lagu horumarinaayo beeshooda, waxaanay si gaar ah uga mahad-celiyeen madaxweyne Silaanyo, oo ay u arkaan in uu yahay madaxweynihii ugu horeeyey ee hiil iyo hooba la barbar istaaga beeshooda.




 




Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo oo kulankan ka hadlay ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey dhalin yarada beesha gabooye, waxaanu tilmaamay in ka madaxweyne ahaan ay u siman yihiin beelaha Somaliland isla markaana uu xil iyo waajib mid ahi ka wada saaran yahay horumarkooda iyo wada jirkoodaba.




madaxweynuhu waxa uu xusay in uu xil gaar ah ka saaran yahay cid kasta oo loo arko in ay dib uga dhaceen dhinacyada horumarka iyo waxbarashadaba, taasi oo uu tilmaamay in beesha gabooyena dhegaysto baahiyahooda, isla markaana xukuumad ahaan waxa kasta oo suura gal ah ay wax ugala qabandoonto.




Kulankaasi waxa madaxweynaha ku wehelinayey, madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali, La taliyaha Madaxweynaha ee beelaha la hayb sooco, Mudane Barkhad Jaamac Xirsi”ayaa lagu sheegay Warsaxaafadeedkan oo ka soo baxay aqalka Madaxtooyad.




Salaadiinta Beelaha Gabooye ayaa laba maalmood ka hor warbaahinta ka sheegay hadal aad u kulul oo ay tabashadooda ku muujinayaan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com