Friday, December 27, 2013

Muqdisho: 11 Ruux oo Askar Dawladda ahi ku jiraan ayaa ku dhintay Qarax


Muqdisho(GNA)-Ugu yaraan 10 Ruux  ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Guri ku yaala Xaafadda Bangala ee degamada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.




Hase ahaatee warbaahinta Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in qaraxaasi ay ku dhinteen 11 Qof oo u badan Askar Dawladda Somalia ka tirsan.




Goob-joogeyaal ayaa ka waramay in sidoo kale ay qaraxaasi ku dhinteen 11 qof.




Ugu yaraan Sagaal Askari oo ciidamada dawladda ka tirsan ayaa la xaqiijiyay inay Qaraxa  ku dhinteen.




Waa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee bishan gudaheeda ka dhaca magaalada Muqdisho, kaasoo khasaare badan loogu geystay Ciidamada dawladda.




Ma jirto cid sheegatay qaraxaasi, hase ahaatee tuhuno soo baxaya ayaa muujinaya in lala xidhiidhinayo Kooxda Al-shabaab eek a dagaalanta Somaliya.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com